24-04-2008 Maraykan Iyo Faransa Oo Burcad Badeedda Uun Danaynaya!
Qorshe ay dhawaantan Faransiiska iyo Maraykanka ay hor dhigayeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fajiciso ku noqday Soomaali badan, kana fahmay in labada dal ay maraakiibta badda martaahi kala qaalisan tahay malaayiin dad ah ee ku silicsan Soomaaliya Labada dal ee Maraykanka iyo Faransiiska ayaan soo hadal qaadin barakicinta, gumaadka iyo gumasyiga dul yuurara shacabka Soomaaliyeed sidii wax looga qaban lahaa, waxayse muujiyeen inay kaliya soomaaliya ka danaynayaan sidii dhawr nin oo qowlasato badadeed ah wax looga qaban lahaa.
Tani waxay shacabka Soomaaliyeed soo xasuusinaysaa siyaasaddii arxanka darnayd ee uu Maraykanku ku sheegay inuu sku daba joogo dhawr nin oo lagu tuhmayo inay alqaacida xiriir la leeyihiin taasoo keentay in markii danbe si dhawrkaa nin wax looga qabto Itoobiya dalka lagu soo hogaamiyo tiiyo aysan nimankiina loo soo qabanin, somaaaliyana burbur, gumaad iyo barakacin loo gaystay welina lagu hayo!
|