Illaa iyo iminka inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday 2-ruux halka 3-kalena ay kudhaawacmeen kadib dagaalkaasi oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa fud fudud.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu dhex maray labo maleeshiyo beeleed kuwaasi oo isku heysta Gacan ku haynta warshadii hore ee Labanka oo ah meel Suuq ah si halkaasi dadka soo degaya ay uga qaataan beelaha ku dagaalamay lacago Baad ah.
Wuxuu hakad geliyay Guud ahaan dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee Suuqa degmada Afgooye iyo sidoo kale isu socodkii gaadiidka iyadoo dadka halkaasi kudhaqanna ay lasoo gudboonaatay cabsi aad u xoogan oo ku aadan dagaalkaasi.
Dagaalka ayaa intii uu socday aanu jirin cid katirsan TFG-da oo soo dhexgashay iyadoo uu kusoo beegmayo xilli ay sheeganeyso Maamulka TFG-da in ay maamulaan degmadaasi oo ay Maleeshiyo u joogaan lakin ay xittaa kala dhex geliwaayeen maleeshiyo beeleedyadaasi.