April 24th, 2008
19-04-2008

Kulan Uga Soconaya Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Suuqa Bakaaraha.



Kulan adag ayaa iminka waxa uu kasoconayaa Bartamaha Suuqa Bakaaraha kaasi oo lasheegayo in looga hadlayo sidii loo dhaqan gelin lahaa isticmaalka lacaga duugga ah.

Kulankaasi ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee Ganacsatada Soomaaliyeed oo ka kooban 11-waaxyood oo ay kamid yihiin kuwa shidaalka, dharka, sarifka iyo shirkadaha, waxaana dhammaantood ay kawada hadlayaan sidii loo dhaqan gelinlahaa isticmaalka lacagaha duugga ah ee dhibaatada badan ka dhaliyay Dalka.

Dadweyne aad u fara badan ayaa dhooban goobta uu kulanka kasocdo iyadoo kulankaasina uu yahay mid ay ka warsugayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana dadka ay kuusheegayaan in ay doonayaan ogaanshiyaha go’aanka kasoo baxaya kulankaasi.

Kulanka ayaa waxaa si aad ah loogu rajo weyn yahay in uu kasoo boxo war ay dadka ku qancaan isla markaana haddii la isku afgarto uu noqon doono mid ka dhexbaxa Soomaalida Dhibaatada Sicirbararka sii baahaya ee ka dhashay Gudaha Dalka Soomaaliya.






FAALLO

SUUGAAN