April 24th, 2008
20-04-2008

Dagaal Saakay Mar kale Kasoconaya Warshaddii Hore ee Baastada



BXM
Dagaal aad u culus ayaa saakay mar kale waxa uu ka soconayaa qeybo kamid ah Degmada Huriwaa, waxaana dagaalkaasi oo dhex maraya Ciidamada Itoobiyaanka iyo Xoogaga kasoo horjeeda la isku adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa saakay la xaqiijiyay in ay isaga soo baxeen guud ahaan Warshaddii hore ee Baastada kadib markii ay ku go’doomeen halkaasi, waxaana ay waayeen biyo ay cabaan kadib markii shalay ay soo marsiin waayeen wadadii ay doonayeen gaari booyadle ah oo biyo u siday.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxa ay adeegsanayaan Taangiyo iyo sidoo kale Hubka kuwooda ugu culus iyaga oo sidoo kale saakay la arkayo caagaga waaweyn iyaga oo gacmaha kusita isla markaana biyo ku qaadanaya sida dadka deegaanka ay soo sheegeen.

Dagaalkani oo daba jooga kii shalay halkaasi ka dhacay ayaa Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha C/raxiim Ciise waxa uu sheegay in Dagaalkaasi loo wada dhamaa oo aanu jirin garab keliya oo dagaalkaasi galay isla markaana ay ka dileen Askarta Itoobiyaanka in kabadan 40-askari halka kuwa kalena ay ka dhaawaceen, wuxuuna qirtay in iyagu ay halkaasi uga geeriyoodeen 7-qof kuwa kalena ay uga dhaawacmeen.

Dagaalka oo lagu qiyaasi karo kii ugu cuslaa ayaa  weli ah mid socda inkastoo weli aanu war rasmi ah kasoo bixin Dhinacyada dagaallamaya laakin Madaafiicda la isweydaarsanayo ayaa waxa ay kudhacayaan qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho taasi oo khasaare geysaneysa.






FAALLO

SUUGAAN