Askarigaasi ayaa waxaa tooktay Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa iyadoo aysan u aheyn Baydhabo Askarigii ugu horeeyay ee halkasi lagu dilo oo horey dhowr kale loogu dilay halkaasi.
Maamulka Gobolka Baay u muuqda in uu ku fashilmay wax ka qabadka Ammaanka Magaalada Baydhabo kadib markii dhowaan uu ku hanjabay in uu wax ka qaban doono arrimahaasi.
Xubnaha Maamulka ayaa iyaga waxay gabaad ka dhiganayaan dhismayaal ku yaala Magaaladaas kuwaas oo si weyn loo ilaalinayo, mana awoodan inay soo dhex galaan bulshada, halkii iyaga ka ilaalilahaayeen Bulshada ay sheegeen in ay madaxda u yihiin.
Dilkani ayaa noqonaya kii 15 aad oo 3 dii bilood la soo dhaafay ka dhaca Gudaha Magaalada Baydhabo oo ay degan yihiin Mas’uuliyiinta Baarlamaanka Soomaaliya.