Dhimashada iyo dhaawacaan ayaa yimid ka dib markii qaar ka mid ah Maleeshiyada TFGda xalay lagu Weeraray bam gacmeed taasina ay sababatay in ay is dhaafsadaan Maleeshiyada TFG-da iyo kooxaha hubeysan tacshiirad aad u xoogan.
Maleeshiyada dowladda ayaa xilligii la weerarayay waxa ay kujireen hawlgallo ay ku baarayeen Xaafadaha qaar iyo dadka maraya waddooyinkii ay fadhiyeen.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo siyaadaya dilka loo geysanayo Maleeshiyada dowladda inkastoo aanu jirin cid wax ka qabata ama wax u qabata maleeshiyadaasi xilliyada ay dhaawacyada culus kasoo gaaran dagaallada.