Weerarkani ayaa waxa ay Ciidamada Itoobiyaanka adeegsanayaan Taangiyada iyaga oo sidoo kale Qoriga BM-ka loo yaqaano ku tuuraya qeybo kamid ah Degmooyinka Huriwaa iyo Dayniile, waxaana Hubka ay tuurayaan qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho iyadoo weli aanan lasoo sheegin khasaaraha ay geysteen.
Inkastoo ay Itoobiyaanka tuurayaan Qoryahaasi culus ayaa xoogaga kasoo horjeeda waxa ay iyaguna adeegsanayaan Hoobiyeyaal, waxaana daryanka Madaafiicdaasi la isweydaarsanayo si aad ah looga maqlayaa Xaafadaha kale ee Muqdisho.
Lama garanayo illaa iyo iminka khasaaraha kasoo gaaray labada dhinac ee Madaaficda isweydaarnaya inkastoo Madaafiicdani badankooda ay dhibaatooyinka ugu weyn ay kala soo gudboonaadan Shacabka rayidka ah ee dagaaladu aanu kujirin.
Shalay ayay aheyd markii Afhayeennada Maxkamadaha ay sheegeen in ay dagallada uga geeriyoodeen inkabadan 7-ruux halka itoobiyaankna ay kadileen inkabdan 40-askari sida ay afhayeennadaasi sheegaan lakin maanta weli cidna war kama soo bixin oo ku saabsan dagaallada iminka isku badalay in Madaafiic goobo fog la isku weydaarsado.