April 24th, 2008
20-04-2008

Baladweyne Oo Uusan Jirin Maamul Rasmi Ah Oo Gacanta Ku Haya.



Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ayaa si dadban waxa ay u maamulayaan Magaalada Baladweyne iyaga oo si aan toos ahayn u sugaya Ammaanka Magaaladaasi oo dadka qaar u u dacwoonayaan rag ka tirsan maxakamidihii oo hubaysan laakiin si qarsoon shacabka ugu dhex jira..

Saraakiisha Hogaamineysa ayaa la hadlay Shacabka kudhaqan Baladweyne oo u sheegay in ay xil iska saareen Ammaanka Magaalada maadaama aanu kajirin cid kale oo maamuleysa sida ay hadalka u dhigeen, waxaana sidoo kale ay sheegeen in Baladweyne ay ku dhaqayaan Kitaabka iyo Sunnada Nabiga!

 

Inkastoo ay Xoogagani Sugayaan Ammaanka Magaalada ayna soo dhaweeyeen Bulshada qaar ayaa sidoo kale waxaa lasoo gudboonaatay Bulshada Cabsi aad u xooggan oo ku aaddan in Ciidamo Itoobiyaan ah ay baladweyne soo gaari karaan waqtigii ay doonaan, haddii halkaa lagu dagaallamana uu qasaaruhu badan karo ama laga yaaboin ay horey uga sii baxaan ciidanka maxkamadaha taasoo khalkhalka sii kordhin karta.

 

Dhinaca kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Yuusuf dabageed uu soo wato ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ay soo gaareen xadka Feerfeer iyadoo dadka halkaasi kusugan ay sheegayaan in ciidamadaasi ay wataan gawaarida taangiyada xambaara iyo kuwa Ciidamada lagu daad gureeyo, waxaana aan la ogeyn halka ay uga soo dhaqaaqi doonaan halkaasi inkastoo warar kudhaw dabageed ay sheegayaan in ay Baladweyne kusoo wajahan yihiin.

 

Shacabka ayaa cabsida ay qabaan waxa ay tahay in lagu kor dagaallamo halkaasina ay kasoo gaarto khasaare xooggan oo ku aaddan dhinacyadaasi ku duldagaallamaya xilli isbitaallo wanaagsan aanu laheyn Gobolkaasi Hiiraan.

Xoogagga iskacaabinta ayaa iyagu sheegay in istaraatiijiyadoodu tahay wiiqista cadawga oo aysan haatan qorshah ugu jirin inay degaan gacan ku hayntiisa ku dagaallamaan, balse inta cadawgu caaboon yahay ay u bannay doonaan degaanka ka dibna weerarro gaadmo ah oo lagu wiiqayo ku qaadi doonaan hadba meeshuu uu ka nugul yahay.






FAALLO

SUUGAAN