April 24th, 2008
21-04-2008

Meydadka Jameecada Tabliiqa Ee Lagawracay oo Saakay Lagu Arkayo Afaafka Masjidka Hidaaya.



Saakay ayaa waxaa lagu arkayaa meydadka Jameecada Diiniga ah ee Tabliiqa oo la gawracay afaafka hore ee masjidka Alhidaaya kaasi oo Ciidamada Itoobiyaanka ay gelinkii dambe ee shalay halkaasi ku garwaceen.

Dadkani ay gawraceen Ciidamada Itoobiyaanka oo aan tiradooda dhabta ah la sheegi Karin ayaa waxaa lagu qiyaasayayaa labaatameeyo kuwaasi oo iminkaba daadsan afaafka masjidka Al-hidaaya.

 

Waxa ay kusugan yihiin Saakay Ciidamada itoobiyaanka Bartamaha Masajidka Alhidaaya iyaga oo sidoo kale ka dhigtay Dugsi weyn oo halkaasi kuyiillay iyo dabaqa sare ee Masjidka Dhufeys halkaasi oo ay kasoo tuurayaan Hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana la beegsanaya cid nuxsaneysa oo Soomaali ah marka ay arkaan.

 

Waxaa u xiran saakay waddooyina xaafadda waxar cadde oo aanu jirin cid ugu galeysa halkaasi iyadoo ay jiraan dad kooban oo ku go’doonsan Xaafaddaasi isla markaana aysan awood u laheyn in ay kasoo baxaan halkaasi.

 

Xaaladda Goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen ayaa saakay xasiloon inkastoo xaaladeeda ay aad u kacsan tahay hadana waxaa jirta cabsi ku aadan in dagaaladu ay mar kale dhacaan oo labada dhinac waa Itoobiyaanka iyo Xoogaga Kasoo horjeeda oo garabyadooda kala duwan isbiirsaay ay abaabul kusoo jiraan.

5 / 5 (6 Votes)





FAALLO

SUUGAAN