April 24th, 2008
22-04-2008

Dadkii koobnaa ee kusugnaa Huriwaa iyo Dayniile oo barakac bilaabay.



Degmooyinka Huriwaa iyo dayniile oo kamid ahaa Degmooyinkii horey looga barakacay oo ay kusugnaayeen dad kooban ayaa maanta waxaa mar kale halkaasi kasii cararay dadkii halkaasi horey ugu haray ee koobnaa.

Dadka ayaa waxa ay horey ugu carari jireen Deegaannada Waxar cadde iyo suuqa Xoolaha xilliyada ay SOS iyo wadada Warshadaha ka dhacaan dagaallada inkastoo maantana laga sii cararay goobihii kale ee horey looga cararay.

 

Dadkani qaarkood waxa ay gaareen qeybo kamid ah Gobolka Sh/hoose halkaasi oo barakaceyaashii ugu badnaa ay horey u gaaraan iminkana ay weli kusii qul qulayaan halkaasi.

 

Nuur cadde oo ah ra’iisal wasaaraha Xukuumadda TFG-da ayaa sheegay Shalay in Ciidamada Itoobiyaanka ay isdifaacayaan kadib markii lasoo weeraray sida uu hadalka u dhigay isaga oo aanan ka hadlin dhibaatada lasoo gudboonaatay Shacabka iyo sida wax looga qaban karo.

5 / 5 (1 Votes)





FAALLO

SUUGAAN