April 24th, 2008
14-02-2007

Boliiska Ingriiska Oo Sii Dayay 4 Ruux Oo Soomaaliya Laga Soo Xiray



Afar ruux oo wadanka Ingiriiska u dhashay oo laga qabtay xadka Kenya iyo Somaliya ayaa

la sii daayea kadib markii la keenay Magaalada London ee wadanka Ingiriiska. Afartan wiil oo asal ahaan kasoo jeeda Qowmiyadda Aasiyaanka ah ayaa waxaa dadaal dheer u galay kooxaha xuquuqul insaanka, kuwaasoo dawlada Ingiriiska cadaadis ku saaray in ay soo badbaadiyaan dadkaa iyaga ah.

Dawladaha Kenya, Itoobiya iyo tabcanayaasha Tigreega ee Soomaalida ah ayaa ku eedeye wiilashan in ay Soomaaliya ka dagaalamayeen, laakiin wax cadayn ah u keeni waayey eedaymahooda.
 
Wiilashan ayaa magacyadoodu kala yihiin -Shahajan Janjua, -Reza Afsharzadagen, -Mohammed Ezzoueck iyo -Hamza Chentouf , waxeyna dadoodu u dhaxeysa 20-22 sano jir, wararka ayaa sheegaya in degaanada ay degan yihiin ay boliiska baaris ku sameeyeen ayna ka qaateen Combiyutaro yaalay iyo sawiro kale inakastoo baaris dheer kadib la sii dayay, Wiilaashaan ayaa sheegay iney dalka Soomaaliya u tageen si ay uga qeyb galaan xaflad aroos, inkastoo ay markii ay Ciidamada Ethiopia dalkan soo galeen ayeey u carareen dhanka xadka kenya si ay uga badbaadaan dagaalada

3.5 / 5 (7 Votes)





FAALLO

SUUGAAN