April 24th, 2008
08-06-2007

Maraykanka Oo Qirtay In Itoobiya Wax Ka Teri La'dahay Muqaawamadda



Sarkaal sare oo ka tirsan dawlada Maraykanka ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ee Decembertii ina dhaafay Soomaaliya qabsaday ay u caala la'yihiin bursiga xubnaha Alqaacidda iyo maquurinta kooxaha iskacaabinta ee Soomaalida.

Sargaalkan oo ka qaybgelayey shir looga hadlayey arrimaha Sirdoonka iyo Nabadgelyadda Afrika, kaasoo Arbacadii Kharoum ka dhacay ayaa u waramey wargayska Al-khaleej Times, isagoo diiday in  magaciisa la shaaciyo. Sarkaalku wuxuu qirtay in qorshihii Maraykanka uu kooxda Mbgathi ku taageeray ee la dagalaanka Agaragexisada iyo iskcaabinta uu yahay mid aanan shaqaynin, isagoo arrinkaas ka hadlayana wuxuu yiri

" Waxaa xalinta arrinkan inaga soo waajahay mushkilado fara badan. Inagu dhulka ma joogno si aan sirdoon ciidan oo halka ay aragegxisadu isku qarinayaan aan u helno si aan u ugaarsano" 
Sargaalkani wuxuu  meesha ka saaray in Maraykanku weeraro cusub qaadi doono Soomaaliya gudaheedda, isagoo arrinkaas ka hadlayana wuxuu yiri

"Ilaa aan ka helno xog sax ah halka ay aragagexisadu ku dhuumaalaysanayso ma qaadi karno wax dagaal ah"

Maraykanka ayaa si wayn ugu xumaaday kadib markii Maamulka Puntland uu dabin beer abuur ah ku riday, isagoo ku wargeliyey in rag Al-qaacida ka tirsan ay deegaanka Baargaale ku dhuumalaysanayaan, halkaasoo duqayntii uu Maraykanku u gaystay kadib diyaarado ku tegey isagoo kasoo qaaday 6ruux oo dhaawac ah kuwaasoo la sheegay in ay ahaayeen askar maamulka Puntland uu meesha geeyey
.

4 / 5 (6 Votes)





FAALLO

SUUGAAN