April 24th, 2008
03-02-2008

Shir tobanaadkii ee Madaxda Qaarada Afrika oo soo gabagaboobay iyadoo ...



Waxaa soo gabagaboobay kulankii tobanaad ee madaxda qaarada Afrika ay ku lahaayeen Caasimada Itoobiya Adis Abba iyadoo ay qaaradda ka jiraan xaalado adag gaar ahaan Jaad, Keyna iyo Somalia.

Iyadoo arrinta ugu kululeed ee looga wada hadlay kulankaasi ay ugu horreysay arrinta dalka Jaad gaar ahaanna dagaalka ay kooxaha mucaaradku ku qabsadeen caasimad dalkaasi inteeda badan, waxaay bayaankii ay ka soo saareen shirkaasi ku canbaareeyeen kooxaha mucaaradka dalkaasi , isagoo sidoo kale uu sheegay Madaxweynaha dalka Tanzaniya ee isagu shirkaan loogu doortay gudoomiyaha cusub ee ururka haddii ay xitaa qabsadaan xukunka dalkaasi in aysan aqoonsan doonin.

Waxayn arrinta dalka Jaad u xil saareen Madaxweynaha dalka Liibiya iyo Madaxweynaha dalka Kongo si ay u raadiyaan xal wadahadal horseedi kara oo looga baxao dhibaatada dalkaasi ka taagan.

Kenya

Arrinta Kenya ayaa sidoo kale bayaanka ka soo baxay shirkaasi waxaa lagu sheegay wal walka ay ka qabaan arrinta dalkaasi iyo saameynta ay ku yeelan karto ammaanka gobolka, balse shirkaani waxaa lagu soo dhaweeyay  madaxweynaha dalka Kenya Maykibaki oo ka mid ahaa madaxdiid Afrika ee shirkaasi ka qeyb galay iyadoo  aan wax dhag ah jalaq loo siinin hadalkii mucaaradka ka soo yeeray oo ahaa haddii uu Kibaki ka qeybgalo shirkaasi in taasi macnaheedu tahay in ay taageereen natiijadii kasoo baxday doorashooinkii wadankaasi oo ay mucaaradku u arkaan mid lagu shubtay.

Madaxda Afrika ayaa dhinaca kale go’aansaday in ay wafdi u diraan dalka Kenya kaas oo hordhiga Kibaki iyo Odhiga mubaadarada ay soo jeediyeen si xal looga gaaro dhibaatada dalka ka taagan ee qaraxday ka dib markii la iclaamiyay in uu doorashooyinka wadankaasi ku guuleeystay madaxweynaha dalkaasi iyo diidmadii ay mucaaradku diideen, sheegeenna in doorashooyinkaasi lagu shubtay. Waxay mubaadarada madaxda Afrika tahay in hogaamiyaha mucaaradku uu noqdo madaxweyne ku xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha dalkaasi, doorashooyin kalana la qabto dhammaadka sanadkan.

Soomaaliya

Sidoo kale arrinta Soomaaliya waxaa loogu yeeray dhammaan xubnaha ururkaani in ay kordhiyaan ciidamada Nabad ilaalinta Afrika ee Somalia (AMISOM) si loo helo tiradii uu ururku horay u sheegay in Soomaliya la geeyo ee ahayd 8 kun oo askari.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay kulankii madax Afrika baahida loo qabo in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socdo qaramada midoobay la geeyo Somalia si ay u badalaan howsha nabada ilaalineed ee ciidamada  AMISOM ay ka haayaan Somalia una taageeraan qorshaha fog ee nabada Somalia soona celiyaan dib u dhiska dalka kadib sugidda amniga.

Ra’iisul wasaaraha DFKMG Nuur Xassan Xuseen Nuura Cadde ayaa khudbada uu ka jeediyay shirkaasi ku sheegay baahida loo qabo ciidamo deg deg ah oo ka socdo Midowga Africa oo la keeno Somalia iyo in sidoo kale ciidamadaasi lagu badelo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Canbaaraynta inqilaabka Jaad iyo Imaanshaha Kebaki ee shirka ayaan isla meel usocon taasoo lagu tilmaami karo inay la jaanqaadayso rabitaanka xukuumadaha reer Galbeedka oo lagu tuhunsan yahay inay Kebaki la hayaan. Inkastoo diidista inqilaabka ay wacan tahay hadana si taasi ay qiimo u yeelato waa in madaxda Afrikanka ee badankood afganbiga ku yimid ay doorashooyin xalaal ah ogolaadaan si afganbi danbe uusan cimri u yeelan ama u noqon wadada kaliye ee u furan xoogag badan oo ka biyo diidsan madaxda xoogga ku timid kana tarjumi waysay rabitaanka shacabkoda.
 






FAALLO

SUUGAAN