22-01-2008 Israa'il Oo Gaza Kadhigtay Xabsi Korka Ka Furan Iyadoo...
Dawladda Israa'iil ayaa shacabka reer Falastiin gaar ahaan kuwo ku nool Gaza isugu dartay dil iyo cunaqabatayn iyadoo halkaasi ka fulisay weerarro ay ku dhinteen toboneeyo qof halka ay dhanka kalana ka goysay magaalada caalamka intiisa kale iyo xataa shidaalkii ay korontada ku shidan jireen! Mudaaharaadyo kala duwan iyo canbaarayn aad u ballaaran ayaa ilaa haatan caalamka kasoo baxaya gaar ahaanna shucuubta ku nool wadamo badan oo dunida muslimka iyo galbeedkaba ka mid ah, waxaase weli ka aamusan xukuumadaha taageera Israa'iil kuna dooda ilaalinta xuquuqda insaanka iyo maamullada carbeed.
Haween reer Falastiin oo ka gadoodsanaa cunaqabataynta lagu hayo iyo geerida tartiibta ku socota ee lagu soo rogay ayaa mudaaharaad ku sameeyey xuduudda Masar iyo Falastin u dhaxaysa iyadoo halkaasi ay caburin iyo dib u celin kala hor tageen ciidamada Masar! halkii ay garab qaban lahaayeen haweenka gaajada, gumaadka iyo cunaqabataynta kasoo baxsanayey!
Shacabka reer Falastiin, gaar ahaanna kuwooda ku nool Gaza ayaa tan iyo markii Xamaas ay ku guulaystay doorashooyinka ku jiray dhibaatooyin joogta ah iyadoo lagu ciqaabayo codayntii iyo kalsoonidii ay Xamaas siiyeen iyadoo xisibga Madaxweynaha Falastiin ee doorashada looga adkaadayna ay isku dayayaan in la shaqaynta Israa'iil ay garab ka raadiyaan si Xamaas loogu lug qabto ama ay qasab u badalaan.
Xukuumada reer Galbeedka ee ku doodayey ilaalinta xuquuqda dadyowga caalamka ayay waji gabax ku tahay iyo madaxda carbeed in taageeran ama ka aamusaan xasuuqa lagu hayo shacabka dumarka iyo carruurta leh ee reer Gaza.
|