25-01-2008 Ciqaabka Gaza Oo Mudaaharaadyo iyo Bayaanaadkeeda iskasoo..
Iyadoo dawladda Israa'iil ay weli ku hayo cunaqabayntii iyo xabsiyayntii malaayiin reer Falastin ah ayaa weli waxaa si oodjabsi ah ku furan darbigii kala xayndaabayay shacabka reer Falastiin iyo Maar ee ku yaallay Rafax. Mudaaharaadyo iyo bayaanaad lagaga soo horjeedo ciqaab-wadareed lagu hayo shacabka Gaza ayaa si xawli ah uga soconaya daafaha dunida
Mudaahraadyo ballaaran ayaa maanta ka dhacay wadamo badan oo dunida carabta ah sida Maar, Qatar, Baxrayn, Urdun iyo wadamo kale kuwaas oo lagaga soo horjeedo cunaqabataynta iyadoo laguna codsanayo in uu si fuurnaado darbiga kala xayndaaba Masaarida iyo Falastin ee ku yaalla Rafax, kaasoo ay xoogu ku jabsadeen shacabka reer Falastiin ee xabsi wadareedka kor ku furan ay Israa'iil ku xukuntay.Waxaa Sabtiga 26-01-08 isna ka dhici doona Downing Street 4ta lagabnimo ilaa iyo 6da mudaaharaad lagaga soo horjeedo ciqaabkaa lagu hayo rer Gaza.
Waxaa kasoo baxay in kabadan boqol urur oo ka jira dalalka Yurub bayaan lagu canbaaraynayo cunaqabaynta jamaaciga ah ee reer Gaza lagu hayo taasoo ay dunida galbeedka ee sheegata u doodista xuquuqul insaanka ay ka aamusan yihiin. Cunaqabataynta ayaa timid markii uu bariga, gaar ahaanna Israa'iil uu kormeer ku soo maray madaxweynaha Maraykanka.
|