Somalida laga soo bilaabo maalintii ciidamada Xabashida ay galeen Muqdisho illaa maanta aanu joogno waxeey gashay dayro horleh oo aan hore loo arag 16 kii sano ee ay dagaalada sokeeye ka socdeen cariga Soomaaliya
Waa markii ugu horeeysay ee ay ciidamo Xabashi ah qabsadaan caasimadda Soomaaliya kuna gaardiyaan, salaana ku qaataan xaruntii taliskii wasaaradda gaashaan-dhigga Soomaaliya, waa markii ugu horeysay oo ay Xabashidu si bareer ah u soo gasho gayiga soomaaliya, xaqiijisana riyadeedii ahayd in Soomaaliya khariidada caalamka ka masaxdo.
Shacabka Muqdisho waxey ka huleelayaan caasimadoodii iyaga oo ka cararaya gantaalada magaalada loo qeeybinayo ee sida arxan darada ah loogu gumaadayo shacabka aanan waxba galabsan. Halkaan ayaana laga garankaraa farqiga u dhaxeeya dagaal sokeeye iyo mid cadaw kugu soo duulay. Sababta waxeey tahay: dagaal ogayaasha ama qabiilada markii ay isku dhacaan xaafad ayaa laga qaxi jiray oo mid kale la tagi jiray, haddase tacshiiradii Madiino ka dhacda waxaa loogu jawaabayaa gantaalo loo diro Suuqa-Xoolaha, Suuq-bacaad ama Kaaraan.
Waa hal-xiraale cusub oo Soomaalida loo baahanyahay in ay furaan.
Waxaa hubaal ah in dhiisha Soomaaliya culayaan labo garab oo iska soo horjeeda. Mid waa kuwa ka soojeedo wadaniyiinta isbiirsaday,oo ay ku doonayaan in Soomaaliya dib cagaheeda isugu taagto. Kan kale waa kan ay culayaan hogaamiye kooxeedayada oo markii laga xoogbatay dhanna layska dhigay dhibkoodii, galay caloosha cadawga Xabashida.
Dagaalka Muqdisho ka soconayo maalmahaan danbe waa mid larabo in lagu dabargooyo damiirkii Soomaaliya intii hartay, laguna bari gantaalayo dagaal ogayaasha iibsaday sharaftii iyo diintii Soomaalida inta hartay. Doonayana in Soomaaliya ka dhigaan kililka (gobolka) lixaad ee Ethopia.
Hadaba marxaladda maanta Muqdisho ku jirto waa mid taariikhi ah, oo tixraac u noqon doonta taariikhda cusub ee Soomaaliya, dagaalka sokeeye kadib, taasoo ka bilaabaneysa maalinta ciidanka Xabashida qabsadeen Caasimaddii Soomaaliya.
Dowladda ku timid Muqdisho dabaabadaha Xabashida, lagana ilaalinayo dadkeeda, waa mid aanan shacabka u imaanin shacabka kana imaanin. Si kastaba ha noqotee; reer Muqdisho waxeey siiyeen fursad ay ku soo bandhigto bal waxa ay ka damacsan tahay dadka iyo dalka, laakiin waxaa cadaatay sadaxdii bil ee la dhowrayay, ineey sun daacisay, ayna doonyso in Soomaaliya ku celiso wareerkii1991 kii.
Haddii ay dowladda dow mooday in ciidanka Xabashida u fariisiyaan shacabka Soomaaliyeed si ay u xukumaan, waa riyo aanan lagaareyn. Shacabka Muqdisho waxeey ku talaabsadeen guulo degdeg ah xaga iska caabinta gumeeystaha madoow, ee doonaya inuu ku amar-taagleeyo umadda Soomaaliyeed ee ay diifta dagaalada sokeeye dilootay, aasaanna inta hartay soomaaliya. Laakiin xaqiiqada waxay tahay in Soomaalidu-meelkasta oo ay joogtaba maanta waxa Muqdisho ka socdo ay u tahay darsi lama illaawaan ah.
Dowladda waxaa marag u ah ineey fashilanatay ineey shirayaan beelaha hawiye iyo Xabashida sidii dagaalka loo joojin lahaa loona kala qaadi lahaa ciidamada is horfadhiya. Xabashidana aysan dooneeyn ineey xoojiso dawladda dagaal ogayaasha,illeeni maba dooneeyso dawlad soomaaliyeed noocay dooniba ha ahatee.
Haddii ay sidaa tahay oo xabashidana rabin dowlad Soomaaliyeed, dagaal oogana galay caloosheeda, maxaa u furan shacabka Soomaaliyeed oo aanan ka aheyn ineey dagaalamaan, iskana qaadaan heeryada ugu danbeeysa ee dusha ka saran.