April 24th, 2008
11-04-2007

Ma C/qaadir Nadaara Mase Cali Jeelle Ayaa Xarig iyo Canbaarayn Mudan?!



Waxaa maalintii 3aad si gardarro iyo dulmi ah xabsiga ugu xiran wariye C/qaadir Nadaara oo ahaa agaasimaha iyo laba kale oo ka tirsanaa isla taleefishanka Universal ee Soomaliga ah. Nadaaraha waxa la sheegay inuu xiran yahay Xuubsireed oo qudhiisa lahaa website lagu tilmaamay inuu hurin jiray qabyaaladda hatanse hawlgab ah.

Xuubisireed oo lagu sheegay inuu yahay afhayeenka C/laahi Yuusuf ayaa Nadaara iyo laba wariye oo kale xabisga u taxaabay oo sargaal kusugan airport Muqdisho ka socday iuuu raggaa u xiro. Danbiga loo haysto ayaa lagu sheegay labo kala ah inuu su'aal aan qancin Xuubsireed u weydiiyey Nadaara iyo in Taleefishanka uu u shaqeeyo Nadaaro uu soo daayey barnaamij horey loo duubay oo ka hadlayey taariikhda halganka u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Xabishada.

Ma jirto maxkamad la horgeeyey raggan iyo danbi lagu soo oogay midna. Waxaa sidoo kale la baal maray sida ku qoran Cahdiga ay kooxda Mbagathi qorteed oo u qoran sida dunida casriga ah in saxaafaddu xor taahay. Ma jirto maxkamad uu ina xuubsired u gudbiyay waxa uu tabanayo si loola eego oo haddii uu gar leeyahay ay maxkamaddaasi ugu xukunto Nadaara iyo raggiisa wixii qabta.

Sida laga bartay nidaamkii kaligii taliska ahaa ee Soomaalida ay gacmaheeda ku burburisay ayuu u dhaqamay ninkan sheegta Afhayeenka Mr Yuusuf. Waxay xasuusin cusub u tahay dhaqankii gurracnaa ee ahaa in sarkaal kasta oo gaar ahaan madaxda sare qaraabo yihiin uu sharciga gacmaha ku qaato oo ciddi ka xanaajisa xabsiga dhiga isagoo haddii uu rayid yahay sida xuub sired adeegsanaya sarkaal kale oo ay ilmo adeer yihiin oo nabadsugidda ama hangshta ka tirsan, taasoo qayb ka ah wixii shacabku ka dhiidhiyey.

Ma jirto cid dulmigan ka hadashay oo DFGMK ka mid ah, maadaama uu nadaarao u xiran yahay dhawr maalmood su'aal wariye waydiiyey oo qura!!.

Dhanka kale Salaad Cali Jeelle oo ugu magacaaban kooxda kabaha u ah Gumaystaha wasiir ku xigeen ayaa isagu ku hadaaqay hurin dagaal qabyaaladeed oo ku baaqan in lagumaadayo oo la qaxinayo beelo ka mid ah kuwa Muqdisho deggan taasoo aysan jirin cid u canbaareysay ana xilka uga qaaday ama u xirtay.

Waxaa isweydiin mudan yaa mudan in la xiro ama la canbaareyo ma Wariye Nadaara oo hawl badan oo warbaahin iyo samafal isugu jirta u hayey shacabka Soomaaliyeed oo su'aal loo xiray mase Jeelle iyo ragga la midka ah ee dagaalka qabiil iyo gumaadka caddaysanaya oo abaabulaya?!

Abdi Omar

4 / 5 (12 Votes)





FAALLO

SUUGAAN