Ma dhicin waqtigii ay noo shaqaynaysay xukuumaddii nasoo marta ee ugu cimriga dheerayd in la dhiso oo la isku barbaariyo dareen Qarannimo. Laguma darin manaahijta waxbarashada maaddo lagu daraaseeyo dadkii iyo hannaankii xornimadu ku timid, lama samayn riwaayado iyo filima badan oo muujiyo dhibaatadi gumaysiga. Kacaanku wuxuu shiiqiyey maalmihii xorriyadda iyo dadkii ka shaqeeyey, wuxuuna buunbuuniyey maalintii iyo taarikhdii kacaanka taasoo la oran karo waa mid xisbi leeyahay dad badanina mucaaradba ku noqon karaa mabaadiidiisa iyo qaabkii uu nagu soo galay.
Kooxihii ama jabhadihii la dagaallay kacaanka waaba ka sii liiteen oo inkastoo magaca mid walbaahi xarafka “S” oo Somaali u tagan ku darsatay hadana waxay ka dhiidhinaysay waxay ku dhaadanayso oo ah in magac qabiil Qarankii naga dhexeeyey lagula tagri falo. Waxay hortiiba kasoo jabhadeeyeen gudaha cadawgii Soomaaliyeed, waxayna ciidan kasoo dhigten Geelleey loogu soo sheekeeyey in reerkooda la dulmayo oo ay qolo kale iska dhicinayaan taasoo ahayd waxa ugu dhaw ee geelley fahmi karo, Illayn hogaanka jabhaddu ma xanbaarsanayn dareen qarannimo, geelleyna lagama dhaadhicin karin in hogaan Qaran dulmi gaystay lagu badalayo hoggaan ka cadaalad roon.
Jabhadihii iyo kacaankii ay la dagaallamayeenba waxay si khaldan u marin habaabiyeen oo isaga horkeeneen shacabkii Soomaaliyeed hannaan qabyaaladeed, taasoo dhaaftay kursi doon ama difaac balse gaartay in la isu dilo maxaa Alle reer hebel kaaga dhaliyey!!.
Markii dhawr iyo toban sano faraha looga gubtay oo intii la dili karo gacal iyo tol is dileen, waxaa kala dagay calawgii, waxaana soo baxay inaan qabiil kaligii qaran laga dhigi karin. Sidoo kale waxaa Alle mahaddii laga gudbay –Alle naguma soo celiyee- in qabiil iyo aragti la isu toogto.
Waxaa fahmay inaan masaalix dad ka dhaxaysaa lagu kocbin karin qabiil fahmay ganasiga oo iyadoo dadku qabiil u kala qoqoban yahay ay soo baxeen shirkado isgaarsiin iyo xawilaad oo ka tallaabay xuduudda qabiilka oo noqday wax ka dhexeeya rag kala beela ah.
Maadaama ganacsigu yahay hanti gaar loo leeyahay oo leh dad ilaalsanaya iyo hannaan lagu wada shaqeyo waxaa sahlanaatay in xubno kala beel ah ay si guul leh ganacsi wayn uwada yagleeaan.
Waxaan weli shaqayn in dantii guud ee Qarannimada loo helo hannaan iyo hogaan lagu wada yagleelo, oo Soomaali wada qanciya, ama wax shaqaynaya noqda.
Qabyaaladdu waxay noqotay wax dadka kala qaybiya, Waxa Soomali wadaatana waa Qarannimada iyo Islaamka.
Mar haddii aan maalgashi badan lagu samayn suugaanta iyo sooyaalka Qarannimo ee naga dhexeeya, waxay Qawmiyaddu noqon waysay wax noo shaqeeya. Qaar madan waxaa isaga qaldamay suugaantii kacaanka iyo tii Wadaniga, Waxaa la waayey rag iyo dumar ku dhaqma oo ka tarjuma wadaniyadda oo ka hufan qabyaalad kuwaasoo buuxiya indhaha shacabka.
Unugga qabiilka qudhiisu wuxuu si qayb ahaaneed u shaqo geliyey degaannada qaa,r oo markii hogaan macquul ah loo helay, Allana faragalin shisheeye ka qabtay, usuurto gashay inay ku dhistaan maamul goboleed ay bud dhig u yihiin qabiilka hada degaanka ugu ballaaran.
Waxaa mushkiladii ku hartay degaannada ay ku nool yihiin qabiillo fara badan, oo hadana waayey guurti loo qaateen ah, qabqable iyo faragalin shisheeyana qas iyo jaha wareer ku qabteen.
Waxaa Muqdisho iyo hareeraheeda marna ka hawl galin hannaanka guuritada, Sidoo kale lama helin hogaan wanaagsan oo unngga qabiil kaga shaqaysiya sida degaannada Somaliland iyo Puntland, sidoo kalena lama helin hogaan dareen Qarannimo oo Soomaali ka dhaxayn kara hor kaca.
Wixii ugu horreeyey ee halkaa ka hana qaada, oo wax wanaaga ah oo la taaban karana hor seeda waxay ahaayeen maxkamadihii Islaamka. MMI waxay ku guulaysteen in ay helaan taageerada inta badan Soomaalida gaar ahaanna kuwii ku noolaa degaannadii ay gacanta ku dhigeen ee Koonfur bari iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Waxay ku guulaysteen inay deganaansho iyo waxqabsi iyo isku tashi bulsho horseedaan, iyagoo muddo gaaban ammaan kaga dhigay dhulkii Qaramada Midoobay iyo Maraykanba nabad ku soo dabbaali waayeen oo xoog iyo xoolo kastaaba u suurto galin waayeen inay wax ka qabtaan, oo markii danbana isaga huleeleen.
MMI waxaa guushan degdega ah Alle ka gadaal ay ku gaareen sida aragtidayda ah dhawr arrimood oo kala ah;
B)Waxay la yimaadeen hogaan cusub oo aan horey loogu aqoon qabyaalad iyo tuuganimo, hogaan cusub oo nadiif ah, hawl kar ah, u muuqda daacad, xanbaarsan, una muuqda kuwa ka tarjumaya mabaadiida Islaamka.
T) Mabda’a Islaamka oo ah mid Soomaalidu ka dharagsan tahay oo dhawr iyo tobankii sano ee ugu danbeeyey lagu shubayey inay kaa uun xalka ku gaari karaan, arkeenna waxa shaqada ugu badan dalka ka wadaa inay yihiin dadka mabda’a Islaamka xanbaarsan oo dalka oo dhan ka wada Quraan iyo Xadiis baris, iskoollo, jaamacado iyo hay’ado samafal fara badan.
Mabda’a Islaamka waxa aad mooddaa in uu yahay midka ugu dhaw ee xalka Soomaalidu ku jiro oo loo hayo literature ama adabiyaatkiisa iyo hogaan iyo xubno badan oo ku qanacsan iyo waxqabadba. Waxaase mushkilo ka taagan tahay markii reer galbeedka oomaanta siyaasadda caalamka si xaaraan ah ku haysta ay dagaalkii qaboobaa ka dib gaar ahaanna Maraykanka ay go’aan ku gaareen in lala dagaallamo Islaamka Siyaasiga ah. Waxaysan ogolayn in Hogaan islaami ah ama xisbi Islaami ah dal dunida ka mid ah ka taliyo. Waxaa isugu mid ah inuu Hogaankiisa talada kula wareego doorasho xor ah, ama afganbi meletari ama kacdoon shacbi. Waxaa ka go’an inuu la dagaallamo Islaam wax xukumaya.
Siyaasadda kor ku xusan waa midda keentay in lala dagaallamo Xisbigi Al inqaad ee Aljeeriya oo doorashada ku guulaystay, taasoo dalkiiba la geliyay dagaal sokeeyo oo lagu hoobto. Sidoo kale waa midda Xamaas iyo Xisbullaah iyo kuwa kale oo badan lagu hortaaan yahay. Waa midda keentay in MMI lala dagaallamo oo Maraykan, Itoobiya oo awalba damac la yuurartay soo kiraysto.
Haddaba si dhibaatada aan ku jirno looga baxo waxaa lagama maarmaan ah in la helo dhawr arrimood.
1. In la helo hogaan islaami ah oo fahmi kara waxa caalamka ka socda, diinta si sax ah u fahmo oo ku dadaala sidii bal marka hore xillaga dhow loo heli lahaa qaran Soomaaliyeed oo cadaalad ku dhisan cagahiisana isku taaga. Marka taa la helo ayaa dadku dooran doonaan wixii ay ku qanacsan yihiin oo sida muuqata aysan jirin wax Islaamka kula tartami karaya Soomaaliya, waase in lahelaa hoggaan waqti dheer ku xisaabtama ee aan ismiidaamin iyo dagaal uusan tabarteeda hayn dalaq isa siiya ama shacabka diihalsan geliya dagaal ballaaran oo caalamka oo idil lala galo.
2. Waa iin la helaa hogaan Wadaniyadda ka tarjumi kara oo qabyaalad hore iyo qabqablenimo ka hufan, isla markaana waa in la kobciyaa adabka iyo suugaanta Qaranimada lana raadiyaa hannaan waxa naga dhexeeyaa si cadaalad iyo wada tashi ku dhisan loogu horumarin lahaa.
3. Unugga Qabiilka ee ah mu’asasada ilaa haatan si dhab ah uga jirta Soomaliya, waxaa lagama maarmaan ah inay hogaankiisa qabtaan oo lagula dadaalo inay hor boodaan hogaan ku qanacsan laba mabaadii ee hore, kana quustay in qabiil qaran noqdo, qabyaaladina waxay dumiso mooyaane ay marna waxba dhisin.
Waxaad mooddaa in haatan laba dareen is herdinayaan; mid Soomaalinimo iyo islaamnimo oo haatan Soomali badan ka dhax guuxaya, kaasoo ka dhashay dhibka waqtiga dheer lagu soo jiray, dadaalkii Maxkamadaha iyo camalka islaamiga guud ahaan iyo gumaysiga cusub ee Soomaaliya qabsaday, iyo dareen qabyaaladeed oo dib ula soo cusboonaaday qabqablayaasha ku yimid taangiga Gumaystaha oo iyago aan hayn dareen islaamnimo ama mid wadaniyeed oo ay dadka ugu yeeraan, balse waxa kaliya oo ay si dhab ah uga tarjumayaan ay tahay dareenka qabyaaladda kaasoo dad ku reera ahna ay ku beerlaxawsanayaan, kuwa aan ku reera ahayna ay gelinayaan inay ka dabaaqtamaan dareenkaa sumaysan ee ay hurinayaan, kaasoo cidda qura ee ka faa’iidaysaa ay tahay gumaystahay iyo qabqablayaasha oo maalmo kusii xoolo aruursada.
Hadaba haddii hogaan fiican oo aragti dheer oo dareenka Islaamnimo iyo Wadaninimada horkaca la helo, unugga Qabiilka ee sii jirayna loo helo dad si wanaagsan u haga oo aan horboodin qabyaalad iyo qabiil kale colaadin, waxaan rajo wayn laga qabi karaa in Qabyaaladda ay Qabqablayaasha iyo gumaystuhu ku adeegtaan aakhirka la jabin doono, waxaase aad muhiim ah in si taxadar weyn ku jiro la isaga ilaaliyo caadifadda qabyaaladda oo iyadu soo laba lixaadsata markii carriga ay kusoo bataah hogaamiyaayaal ku caana maala qabyaaladda. Waa in ku qabyaaladda durbaankeeda tumaya sanka laga qabsado oo looga gudbo sidii loo soo dhaafay in aano qabiil iyo maxaa ilaahay reer hebel kaaga dhigay, oo lagu bedelo lana kobciyo dhaqanka wanaagsan ee waayadan danbe nagu soo kordhayey kaasoo ah in Soomaali isu gurmato oo meelaha abaaraha iyo qaxa ka dhacay dadka ku nool deeq lala gaaro ka timid walaalahooda Soomaaliyeed ee aan qabiilka la wadaagin, waana in la helo mar walba hogaan ka soo jeeda beesha qabqable kasta ee isku daya kicinta sunta qabyaaladda oo si kulul uga jawaaba hadalkiisa ama falkiisa gurracan taasoo ah mid sii kaabaysa in Islaamnimada iyo Qaranimadu ka guulaystaan Qabyaaladda.