Waxaan hambalyo, boogaadin iyo taageero xambarsan u direynaa si gaar ah Shirweynaha Guurtida Beelaha Hawiye oo lagu saaray baaq muujinaya dadaalka ay ugu jiraan sida laysaga difaacayo gardarra ciidammada Tigreega iyo dabadhilifyadooda la socda. Waxaan kaloo Guurtida hawiye ugu hambalyeeynaynaa sida ay uga hortageen shirqoollada iyo dibindaabyooyinka siyaasadeed ee lala damacsanaa shacabka Muqdisho.
Joogitaanka Ciidamada shisheeye waxay sii murjiyeen xaaladda adag ee Soomaaliya. Waxay kaloo taasi marqaati cad u tahay in kuwa sheeganaya dawladda in aan loo aamini karin masiir ummadeed sidaas dateedna aysan ahal u ahayn in loo aqoonsado xal iyo inay dhibaatada dalka ka saaraan.
Waxaa sidoo kale aan cidina is weydiinayn in aflaagaaddada joogto ah, eryada meel ka dhaca ah iyo eedeymaha aan jirin iyo haddadaadda iyo cagajugleynta uu Cabdullaahi Yuusuf iyo Ina Maxamed Geedi ay caadada ka dhigteen iyo ummad dhan oo ”wuxuush” lagu sheego inaysan ka dhalan karin is aaminaad keenta is cafin horseedi karta dib u heshiisiin lagu dhisto maamul dawladeed oo loo dhan yahay sinnaan iyo caddaaladna dalka ku soo dabbaala.
Waxaan ku talinaynaa:
1) In la ogaado difaaca ummadeed ee reer Muqdisho inay tahay xaq aan cidna laga baryeeyn;
2) In aanan laga aaminin erayada maran ee dawlad ku sheeggu ku sheegeyso shir dib u heshiisiin mar haddii laga hayo tasriixaadyo aan mar ahayn aan labo ahayn oo ay ku leeyihiin – ”dib u heshiisiin waa dhammatay”, ”beelo ayaa dhexdooda ka heshiinaya” iyo ”shakhsiyaad baa isu imaanaya” iwm, iyadoo la wada ogsoon yahay in arrimo siyaasadeed laysku hayo iyo in si bareer ah loo hareer marayo axdigii ku meel gaarka ahaa iyo nidaamkii dawladnimo iyo qaabkii wax wada qaybsi ee lagu soo heshiiyay;
3) In aanan marna dhexdhexaad loo arkin shakhsiyaadka la leeyahay waxaa loo magacaabay inay maamulaan shirka dib u heshiisiinta ee la sheegayo mar haddii dhinac ka mid ah dhinacyada is haya uu iskiis u soo magacawday shakhsiyaadkaas;
4) In waqtiga ku habboon si buuxda afka loogu dhufto iyadoo la iclaaminayo, in kalsoonida lagala noqday Cabdullaahi Yuusuf iyo kuwa kale ee isku sheegaya dawladda mar haddii ay ka gaabiyeen gudashadii waajibaadka qaran ee ahaa in ummadda la nabadeeyo, sharaftii iyo haybaddii ummadeedna ay haadaan dheer ka tuureen iyagoo dalka ku soo hoggaamiyay cadow una maleynayeen in adeegsi quwad shisheeye ummadda loogu talin karo;
5) In beesha caalamka laga dalbo in ay iyadu qabanqaabiso shirweynaha dib u heshiisiinta uuna noqdo mid ka fiyoow faragelin shisheeye laguna qabto meel dhexdhexaad ah oo dhinacyadoo idil isku aamini karaan si loogu soo dhiso maamul dawladeed oo hufan xalna u noqon kara dhibaatooyinka ummaddenna haysta muddada dheer;
6) In shirweynahaas markuu qabsoomo kaddib laga wada hadlo baahida ciidan nabad-ilaalineed iyo hub uruurin khiyaari ah iyadoo layska illoobayo riyada Cabdullaahi Yuusuf ee ah hub ka dhigid khasab ah oo beeshiisu beelaha kale ee Soomaaliyeed hubka ka dhigto iyagoo kaashanaya ciidamo shisheeye.
Magacyada saxiixayaasha:
1. Axmed Maxamed Maxamuud Warsheikh EUROPE
2. Prof. Xasan Maxamed Cumar OKIYO “”
3. Inj. Cabdulqaadir Yuusuf Guuleed “”
4. Dauud Sheikh Amed Gerguduud “”
5. Xasan Islaaw Axmed “”
6. Dr Xasan Muxuddiin Xasan Yeberoow “”
7. Abuukar Cabdulle Dhabareey “”
8. Cabdicasiis Cumar Maalin “”
9. Cusmaan Xuseen Dhuunte ““
10. Inj. C/qaadir Mohamed Abdulle(Madaxey) ””
11. Ibraahim Hasan Axmed Qalinle “”
12. Cabdullahi Yalaxow ( Germany) ””
13. Dr. Abuukar Maxamed (Cadaani). “”
14. Ahmed Maxamed (Sh. Axmed) “”
15. Marwo Faaduma Maxamed Nuur “”
16. Cabdisalaam Cumar Maxamuud Odadile “”
17. Kornel Axmed Xasan (Axmed Dheere) ””
18. Abdi Macallin Eybakar ””
19. Sh. Ibrahim Ahmed Mohamed ””
20. Muhumad Hassan Toxow ””
21. Dahir Hassan Mohamud ””
22. Drs Sahra Axmed Cali ””
23. Seynab Shekh Cali ””
24. Nasra Axmed Cali ””
25. Abdi Ahmed Ali (Ulaas) CANADA
26. Dr. Xasan Maxamed Cali ””
27. Cabdi Warsame Maxamud ””
28. Sh. maxamud Warsame Maxamed ””
29. Dr. Xasan Maxamed Sabriye USA
30. Dr. C/qaadir Yalaxow Hirabe “”
31. Dr. Cabduraxman M. Axmed “Yare” “”
32. Cabdi Cali Maalin ”Faroole” ””
33. Islaw C/qaadir A. Fiqi (Shombe) ””
34. Dr. Cisman M Axmed (Dhagacadde) ””
35. Moxamed Cali Muuse ””
36. Daahir Moxamoud Cabdulle ””
37. Dr. Maxamed Cabdulahi Gabayre. ””
38. Dr Mire Ali Siyad ””
39. Dr.Amed Ali Ulussow(DHagadheere) ””
40. Macallin Ahmed M. Halane ””
41. Abdiazizi Ahmed Mahdi ””
42. Liibaan Abukar A. Maalin ””
43. Muhuddiin Abdulqadir A. Fiqi ””
44. Prof. Mukhtar Abdi Alas ””
45. Abdi Mohamed Sabrie ””
46. Yoonis Abukar Yabarow ””
47. Inj. Cabdurahmaan Osman Turyare ””
48. C/qaadir Axmedyare Culusow ””
49. G/le Sare Cabdulahi Cali Macow ””
50. Mox'ed Cosmaan Mox'ed Siyaad. ””
51. Dr Comar Gacal ””
52. Eng Mox'ed Guleed Fiidow ””
53. Abuukar Yaxye Saney ””
54. Khaalid C/llahi Cali ””
55. Gargaar C/llahi Cali ””
56. Xarbi Mox'ed Xasan Mudey ””
57. Axmed Xasan Wiif ””
58. Eng Luul Shekh Cabdi ””
59. Aweys Moxed Macallin Moxamoud ””
60. Cabdi Mox'ed Sabriye ””
61. Liibaan Mox'ed Xasan Geedi ””
62. Cabdisalaan Cabdullahi Gabayre ””
63. Xayle Cali Wardheere ””
64. C/qaadir Muuse Xasan ””
65. C/qaadir Cosmaan Raage ””
66. Drs Idil Mox'ed Cali Nuur ””
67. Drs. Saciida Maxamed ””
68. Cabdisamad Cagey ””
69. Fozi Barre Caamir ””
70. Cosmaan Comar Xuseen ””
71. Yaasiin Mox'ed Cabdi ””
72. Yaasiin Cosmaan Mox'ed ””
73. C/qaadir Mox'oud Mox'ed ””
74. Axmed Cali Jimcaale ””
75. Drs Seynab Axmed Cali ””
76. Eng Maslax Axmed Cali ””
77. Fuaad Cali C/maan ””
78. Bashiir Mire Cali ””
79. Xuseen Weheliye ””
80. Comar Mox'oud Xalane ””
81. Liibaan Axmed Cali ””
82. Mox'ed Axmed Cali ””
83. Zakariye Mox'ed Cali ””
84. Jaylaani Shekh Cali ””
85. Axmed Macallin Idaajaa ””
86. Drs. Saynab Maxamed Xasan ””
87. Axmed Cabdulahi Gacal ””
88. Cabdulahi Maxamed Cali(Shutale) ””
89. Maxamed Cali Geedi ””
90. Sheikh Xasan Cali Mox’ed ””
91. Islaw Moxamed Nuur ””
92. Cali Macallim Muuse ”Kansas” ””
93. Yusuf Carab Maxamed ””
94. Dr. Cali Maxamed Cumar (Waber) ””
Prof. Xasan M. Comar ”Okiyo”
hassanomar952002@yahoo.co.uk ;
Taariikh: Marso 29, 2007