April 24th, 2008
07-09-2007

Shirka Asmara Maalintii 2aad Maxaa looga hadlay? Daawo Sawirrada



Shirka Asmara uga socda xoogagga Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyaya Faragelinta iyo gumaysiga Itoobiya ayaa galay malaintii labaad iyadoo shalay iyo maanta furitaankii ka dib looga dooday mawduciyo kala duwan

Shalay iyo maanta ayaa looga dooday mawduucyada kala ah; Kacdoonnadii gobonimodoonka ee soomaaliya soomaray wixii wanaag ka dhashay iyo wixii ceebaha ahaa, Maamul iyo hogaan xumida soomaaliya ku habsatay iyo wixii keenay.



Waxaa raggii shalay hadlay ka mid ah Jaamac Maxamed Qaalib iyo Shariif Saalax iyo rag kale oo Soomaalida qurbaha ka tirsan. Waxaa sidoo kale shalay la doortay gudiyada kala duwan oo hawlaha shirka  u baahan yahay loo kala doortay.
 
Waxaa sodoo kalana looga doodi doono maanta iyo berri barnaamijka iyo cahdiga uu yeelan doono isbahaysiga cusub ee ay isugu tagayaan xoogagga afarta ah ee kasoo horjeeda faragelina qaawan ama gumaysia maamulka itoobiya ku hayo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa Goobjoog.net idiin soo gudbin doonaa hadba meesha shirka uu marayo iyo wixii la isla gaaray maalamaha socda innagoo ay warka noo soo gudbin doonaan goobjooyaal ka tirsan bahda goobjoog oo halkaa ku sugan.

Sawiraddii shirka halkan ka Daawo

Sawirrada oo Film oo kale ah

4.5 / 5 (6 Votes)





FAALLO

SUUGAAN