April 24th, 2008
11-09-2007

Sh Abuukar Cadaani Maxaa Is Ka Badalay? Mase La Heshiiyey



Waxaa maalmahan siyaabo kala duwan saxaafadda uga hadashay kulankii Dhex Maray Sh. Abuukar Cadaani iyo rag ku dhawdhaw oo lagu ogaa taageerista Maxkamadihii Islaamiga iyo Cali Maxamed Geedi, Bashiir Raage iyo rag kale oo qaraabo ay yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegay in labada dhinac ay wax walba ka heshiiyeen oo qaar ka mid ah reer cadaanina ay wafdiga Geeddi sii raaceen iyadoo la filayo in Sh Abuukar qudhiisa Xamar ka dego.

Wararka qaar ayaa kaa duwan oo sheegaya in sheekhu siyaasadda oo idil isaga  gaabsaday raggan uu horay dagaalka udhex marayna ay jufo ahaa wixii dhex maray uga heshiiyeen laakiin aan mabaadiida xoogagga is haya ee ay ka kala tirsanaayeen aan laga heshiin.

Warar ku dhaw qoyska Xaajiga ayaa sheegaya in Xaaji Abuukar qabo in  xataa haddii isaga iyo Geeddi heshiiyaan uu ku qanacsan yahay inaysan qilaafka Soomaaliya waxba ka xallin doonin maadaama ay haatan mashaqada dalka ka taagan ay iyaga ka ballaaran tahay.

Waxa in laga heshiiyey la isku waafaqsan yahay waa dagaalkii billowgii dhex maray X. Abuukar Cadaani iyo Bashiir Raage oo si jufo hoose ahaan xal looga gaaray, waxaa kaloo la xusayaa in laga yaabo in qaar reer Cadaani ka tirsan dib uga billaabaan dalka hawlihii ganacsi ee ay ku lahaayeen, waxaanse jirin wax ilaa hadda sugaya in dhanka siyaasadda ay reer Xaaji Abuukar ku biireen ama ku siyaasad noqdeen dawladda Geedi R/Wasaaraha ka yahay.

Wararka ku dhaw dhawr reer Xaaji qaarkood ayaa sheegaya inay adag tahay in ay ku biiraan siyaasadda DFKMG ah, wararka sidaa sheegayana ay yihiin kuwa aan sugnayn oo xaqiiqada ka fog, waxaase wixii jira soo bixi doonaan maalmaha soo socda.

3.5 / 5 (2 Votes)





FAALLO

SUUGAAN