April 24th, 2008
16-09-2007

C/llaahi Yuusuf, Cali Geedi iyo Aadan Madoobe Oo Sacuudiga U..



Seddexda nin ee ugu sarraysa DFKMG ah ayaa safar ugu anbabaxay dalka Sacuudiga kaasoo maalmo qaadan doona. Cali Geeddi oo saxaafadda la hadlay intii aysan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa saxaafadda u sheegay in safarkan ay ku wehlin doonaan qaar kamid ah ergooyinkii ka qayb galay shirkii Muqdisho.

Safarkan Sacuudiga ayaa u muuqda in qorshihiisu u eg yahay mid Sacuudiga haatan ka hor laga codsaday inuu dhexdhexaadiyo dhinacyada Soomaliya isku haya sidii uu haatan ka horba u dhexdhexaadiyey garabyadii isku hayey Lubnaan  iyo kuwii Falastin isku hayey.

Waxaan weli caddayn in Sacuudigu isku dayi doono isku keenista labada dhinac iyo in iyagana laga iibin doono in Soomaalidii heshiisay oo odoyaasha dhaqanka ee shirka Muqdisho ka qaybgalay iyo Madaxda DFKMG ah ay tahay waxa heshiiyey oo markaa lagu dhiirro gelinayo in la xajisiiyo boqorkana uu soo gacan qaado.

Tan hore ayaa rajo muujin karta halka tan danbe ay u ekaanayso mid aan wax badan xaaladda Soomaaliya kusoo kordhin doonin maadaama aysan jirin wax si dhab ah isku khilaafsanaa oo la heshiisinayo balse ay tahay dhabtii oo laga waji dadbanayo.

3.5 / 5 (7 Votes)





FAALLO

SUUGAAN