Malaamhaan danbe waxaa soo xoogeystay khilaafka u dhexeeya madaxda DFKMG kaas oo sida ay maalmaahin qortay saxaafad gaaray heerkiisii ugu sareeyay, balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhexeeya Col. C/llahi Yuusuf iyo Cali Geedi.
Markii la is weydiiyo khilaafka u dhexeeya labada nin ee ugu sareeysa DFKMG waxaa isla markiiba soo deg degaya hadalo ay ka mid yihiin Hanti uruursi, iyo waxaa hurinaya arinta itoobiyaanka, balse markii aan eegno arinta ku aadan hani aruursiga waxay sheegayaan dadka qaba fikradaasi in cali Maxamed Geedi uu lunsaday lacago badan oo taakuleeyn ahaan loo siiyay DFKMG, arintaasina uu C/llahi Yuusuf in badan isku qabteen, balse ay haatan circa isku sii shareertay kadib markii ay ka soo laabteen safarkii sucuudiga oo sida la sheegay lacag ay ku soo deeqday Boqortooyada Sucuudiga la isku maan dhaafay.
Balse dhinaca kale markii aan eegno fikrada sheegeysa in khilaafka u dhexeeya madaxda DFKMG ay hurineeyso Itoobiya ayaa iyadan waxaa ay cadeymo ka dhigayaan dadka qaba fikradan in aysan jira wax lacag ku saabsa ama xukun oo hadiiba xitaa ay dhacdo in la isku qabsado lacag ay itoobiyo xalin karto oo ay labadani mas’uulba iyada ka amar qaataan, waxayna leeyihiin Cali iyo C/llahi waligoodab khilaaf waa dhex yaalay lakiinse waa la kala yacayn jiray, balse waxaa leeyihiin waa khilaaf hurinayaan Itoobiyaanka waxayna kaga dan leeyihiin in indhaha shacabak soomaaliyeed ee hadi iyo jeer ka dhiidhiya gumeysiga Tigreega lagu jeediyo khilaafaadkaan ay ka dhex abuurayaan Madaxda DFKMG oo iyada qudheeda dabadhilif u ah Itoobiya, waxayna intaasi sii raacinayaan in itoobiya aysan rabin in Somalia ay dowlada ka dhisanto sidaad darted waxay rabaa in ay maalin walba abuuraan khilaafaad u dhexeeya xitaa dowlada iyada shaqaalaha u ah si ugu danbeyntii ay dadka soomaaliyeed ugu qeybiyaan qabiilo iska soo hor jeeda isna dagaala.
Si kastaba ha ahaatee khilaafka u dhexeeya Madaxada DFKMG oo iminka gaaray heerikiisii ugu sareeyay ayaa soo ifbaxaya xilli la hadal haayo hub ka dhigis lagu sameeynayo madaxadaasi, iyadoo taasina ay tusaale buuxdo u tahay hadiiba ay dhacdo, qorshaha itoobiya oo ahaa in ay Somalia xooga ku qabsato, balse dhinaca kale waa fursad tii ugu fiicnayd ee soo martay kooxaha kacdoonka ka wada dalka.