Dhalinyaradan ayaa hab dhaqankooda uu shaki geliyey dad fara badan oo Soomaaliyeed oo wanaag doon ah. intaan ka badan in Al-shabaab laga aamuso waa arrin aan haboonayn, Soomaalidu waxay tiraahdaa "Libaax Alam Tara soo Dhaaf".
Waa arrin garawshiyo leh in dadka qaar ay ka hadalka arrinka dhibayso oo ay ku doodayaan in ummadu xili adag ay ku jirto oo aanan loo baahnayn in la kala qaybiyo oo tafaaraaruq la geliyo. Dadka doodaan qaba waa dad niyad samaan leh, laakiin ma aha mid meel ina gaarsiinaysa, hadii ay xog ogaalnimo badan heli lahayeenna waa ay ka tanaasuli lahaayeen. Haatan Al-shabaab ma jirto cid ay wax ka maqlaan, balse ficilkoodu wuxuu si dadban ugu adeegayaa danta Itoobiya, waana awood kaligood gooni u taagan oo ayan jirin cid ay masiirka ummada kala tashadaan ama uga amar qaadataan,marka laga reebo Asxaabtoodda dibadda.
Tafaraaruq iyagaa bilaabay in la iska qabto maahee maslaxad kalana ma muuqato. Bal eeg Ciraaq, waxaa dantii dadkii Sunadda ahaa bohol ku riday waa noocooda oo kale oo Ciraaq jooga, waxay dileen dhamaan hogaamiyayaashii diinta ee Sunadda, waxay dhabarka ka jebiyeen qabaa'ishii Sunadda ilaa markii danbe ay keentay in dadku iska celiyaan, iyadoo Maraykankii iyo Shiicadii ay ishayaan. Waa dan aan laga fursanaynin in Al-shabaab wado la iska mariyo oo ummadu inta goori goor tahay ka tashato kana maaranto waxgalkoodda sababtoo dhibkoodda ayaa ka badan waxtarkoodda.
Yey Dan u Yihiin Al-shabaab
Maalmahan danbe waxaa jiray dhawaaq si wayn dunidda uga soo yeerayey oo si dadban iyo toos ahba u canbaaraynayey tacadiga ciidanka Itoobiya ay Soomaaliya ka wadaan. Mar qura ayaa Aadan Cayrow cajalad kasoo tuuray uu leeyahay waa in ciidanka Ugandha la weeraraa, labo maalin ka dib ayaa baasuukayaal lagu weeraray xarun ciidanka Ugandha leeyihiin, iyadoo waaberigii xigay weerarkaas uu Mukhtaar Rooboow sheegay in ay Al-shabaab weerarkaas ka danbeeyeen. Mawqifka hogaanka Maxkamadaha iyo inta badan Muqaawamadda kaa wuu ka duwanyahay. Waxay aaminsanyihiin, inkastoo ciidanka Ugandha uusan isafgarad Soomaaliyeed ku imaanin hadana la mid ma ahan ciidanka taliska Zenawi, sidaas daraadeed hadafka iyo halbeegu waa ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee uu damac dhulbaraalsi, aarsi iyo xasuuq uu ku jiro, waana cadaw dunidda si sahlan loo fahamsiin karo ujeedadiisa guracan.
Hadaba waxaa iswaydiin leh weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen ciidanka Ugandha yuu dan u yahay, yuu indhaha aduunka ka duwayaa, dabca waa Itoobiya. Ma jecli in aan tuhmo niyadda dhalintaas la jahwareeriyey, laakiin sida sahlan ee loogu biiri karo xoogoodda wuxuu keenayaa in Itoobiyaanku dad danahoodda ka shaqeeya ku dhexyeeshaan. Waxaa jirta qiso caan ah oo inta badan wadaadadu ay ogyihiin. Sanadkii 1996 ayaa markii wadaadu dagaalka la galeen ciidanka Itoobiya deegaanka Luuq oo ay Itoobiyaanku ka itaal roonaadeen wadaadadii, ayaa waxaa soo baxday in Nin Sheekh C/risaaq Garwayne la yiraahdo oo hogaamiyihii ciidanka wadaada ahaa uu Itoobiyaanka horay u sii raacay, taasoo niyad jab wayn ku noqotay dhalintii dagaalka ku jirtay. Waxaa kaloo dhacday xiligii Maxkamadaha in dhalinyaro asalkoodu Oromo ahaa oo sanooyinkii ugu danbeeyey ku sugnaa Soomaaliya kana mid noqday hogaamiyayaasha ciidanka Maxaakimta ay saraakiil ka ahaayeen ciidanka Itoobiya. Ragani Al-shabaab ah, waa xoog dabacsan oo ay sahlantahay sida looga mid noqdo. Waxaa keli oo kugu filan in aad Tawxiidsato, Ger Wayn la Baxdo, Gaaladaan Xasuuqayaa ku celceliso. Laakiin aduunka aan maanta joognaa ma ahan mid sidaa u shaqeeya ee waa aduun danuhu isdhaafsanyihiin, dadkana aan sahal lagu kala sooci karin, sirdoonkuna sidii jinigii u shaqeeyo.
Waa ayo Al-shabaab maxayse Doonayaan
Al-shabaab waxay qayb ka yihiin urur waynaha Al-qaacida sida ay iyagu sheegteen. Al-shabaabka Soomaaliya iyo Al-qaacidada aduunkaba nuqsaantooda waxaa ka mid ah in aysan lahayn taageero shacab iyo culimo la ictiraafsanyahay oo dariiqooda taageersan. Waa dhalinyaro kaligood culimo isku ah oo aan lahayn Fiqi Diineed qoto dheer. Alshabaab waxaa ka quustay dhamaan culimadii Soomaalida ee ictibaarka lahayd, ma jirto culimo magac iyo miisaan leh oo ay taageero uga haystaan fikirkoodda, iyaguna waxay isku qadariyaan waa inuu ruuxu dagaal yahan yahay Afgaanistaana u tegey Usaama Bin laadinna soo arkay. Waxaan shaki ku jirin in ay ka faa'iidaystaan gocoshadda iyo dhibaatadda dadka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta guud ahaanba lagu hayo, laakiin waxaa si wayn u muuqata in ay dhibaatadaas sii murjinayaan oo ceel kasii ridayaan. Hadafkoodu waa mid mustaxiil ah xiligan marka la eego quwadaha aduunka iyo sida nolsha Casriga ahba ay u dhisantay. Waxay sheegaan in ay doonayaan dawlad Islaami ah oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ka hirgasha, oo Imaaradii Islaamka laga taago la iskana iloobo xuduuudaha haatan jira ee Muslimiinta, qaarkood waxay qabaan in Kacbadda la xoreeyo oo xukunka reer Aala Sacuud meesha laga tuuro.
Waa rag Muslimka iyo dadka aan Muslimka ahaynba colaadu isku si uga dhaxayso oo aysan tabartooddu u qiyaasnayn, waa rag mudnaan waxqabad iyo oodaha sida ay u kala sareeyaan in loo kala qaado aysan xisaabta ugu jirin, waa rag doonaya in ay uun qoray heegeysnaadaan cidii aan iyaga ka amar qaadaninna uu gaal yahay. Waa rag aan qawaaniin dawli ah iyo Qaramo midoobay ictiraafsanayn, waa rag qiyaasta Khatarta iyo halista aysan halbeeg u lahayn, waa rag mayraxi madaxa ugu xirantahay uusan masiir qaran mushkilo wayn ku haynin, waa rag miisaamida Masaalixda iyo Mafaasidda ayan u muuqan, maxaase la kala hormariyaa murugo ku haynin. Waa rag markii Sheekhoodii ugu waynaa ka yaabay fariin Ashtako ah Al-jaziira usoo mariyey. Maalmo ka hor ayuu Sh. Usaama isagoo la hadlaya Al-qaacidada Ciraaq ku ehbeyey in ay Maslaxadda kooxda ka hormariyaan Tan Jamaacadda, Tan Jamaacadanna ka hor mariyaan tan dowladda, tan dawladana ka hormariyaan, tan umadda. Dad badan baa qabay ragani in ay Mujaahidiin yihiin oo Shahaado doon yihiin, laakiin ragii ka dhinac dagaalay waxay sheegeen in hogaamiyayaasha Al-shabaab ay dhamaantood baneeyeen furumihii dagaalka xiligii dagaalkii Itoobiya uu socday.
Rooboow waa kii dhoofay, Ibraahim xaaji (Afgaan) sedex boqol oo dhalinyara ah isagoo wata ayuu Aaga Jawhar baneeyey, Cabdi Godane (Mukhtaar) sidoo kale ayuu Iidaale isaga soo baxay, Cayroow sidoo Furunta Jawhar ayuu kasoo baxay oo Muqdisho isaga soo laabtay. Dadkii ka qaybgalay dagaalkii Itoobiyaanka waxay isku raaceen in ay Al-shabaab masuul ka ahaayeen jabkii Maxkamadaha iyo fashilkii mashruucoodiiba.
Al-shabaab waxay isku koobeen dhamaan talisyadii ciidanka iyagoo diiday ragii khibradda ciidanka lahaa ee wadani iyo wadaad intaba lahaa. Sax waa yihiin rag tababaran, laakiin tababarkoodu waa shakhsi iyo sida uu u dagaal galo, laakiin si loo dhigo Istaraatiijiyo ciidan, Saadka ciidanka loo xariiriyo, cadawga awoodiisa loo qiyaaso looga soo sir waramoo, kaartadda dagaalka loo dhigo waa arrin u baahan khibrad ciidan iyo in aad Kuliyaad Xarbi kasoo baxday. Tan kale waxay Maxkamadaha ku qasabeen in ay dagaal aysan diyaar u ahayn galaan, markii la galayna dhamaan aagagii ay joogeen waa ay soo faaruqiyeen.
Rasuulkeenna (SCW) wuxuu yiri Muslim labo jeer god lagama qaniino ee Hogaanka Maxakamudu waa in ay ragan mawqif cad iska taagan, intii ay arrinkan qarin kareenna waa ay qariyeen, Soomaaliduna waxay tiraahdaa "Wixii Aad Qarsato Waa Ay ku Qurunsadaan" ee inta goori goor tahay dhalintan waa lagu daalay in loo caqli celiyee ee umadda ha loo cadeeyo halistoodda iyo hadafka guracan ee ay wataan.