April 24th, 2008
23-11-2007

Muqdisho oo Miliniyamkii Abasiinya Looga Dabaaldegay: Maalin Murugo leh Laakiin Maxaa Ka Danbeeya?



Gabdho Itoobiyaan ah oo Band Music ka tumaya goobtii loogu dabaaldegey Qarniga cusub ee Abasiinya
Shalay ayaa ciidanka Gumaysiga Itoobiya magaaladda Muqdisho gu dabaal degeen Millennium Qarnigii Abasiinya 2000, kaasoo kan aduunka 8sano ka danbeeya. Gabdho Itoobiyaan ah ayaa Band Music garaacay iyadoo

wiilshadoonu gaada ka ciyaar ku sameeyeen halkaa. Gabre oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Gumaysiga iyo Korneylkii ciidanka haystay ayaa markii ugu horaysa shaashadaha TVga laga daawaday, Qamrigii ayaa halkaa lagu cabay laguna raqsiyey. Hadalka waxaa lagu furayey Meles Zeawni ha noolaado waxaanna lagu soo xirayey Itoobiya ha jirto oo guulaystao. Waxay ahayd maalin xanuun badan oo murugo u lahayd ruuxii Soomaali ah oo damiir dadnimo iyo diin leh. Waxay ahayd maalin uu soo xusuuusanayo gabyaagii Soomaaliyeed ee horay u yiri
 
Awawgay ninkii adoonsaday
Ninkii Aabahay indhaha tiray
Ninkii anigana i iibsaday
Hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
Hadaanan Aadanow unuunka jarayn
Aan ooyee albaabka ii xidha
.

Hadaadse dhinac kale eegto oo xaaladda si dhab ah xogteeda u hayso waxaad ogaanaysaa in Gumaysiga Tigreegu uu naflacaari yahay, xanuunkii xamili la'yahay oo xafladahani ay yihiin kuwo samarsiin iyo niyad dhis ciidankooda loogu samaynayo. Ka sokow canbaaraynta isisoo taraysa ee dunidda kaga imaanaysa wuxuu Nidaamka Tigreegu si wayn uga caraysan yahay in himiladiisii u suura geli la'dahay oo uu cagaha si xoogan u dhigi waysan yahay, taasna waxaa sababay culayska iskacaabinta Soomaalida iyo inuu geli la'yahay qalbiga ruuxa Soomaaliyeed marka laga reebo xoogaa daba dhilif ah. Waxaa ka lumay koontaroolkii, taasoo keentay in ay meelkasta duqeeyaan dadkana sidii waxshgii u gmaadaan. Aduunkii uu kuwii uu soo dirsaday ugu horeeyo wuxuu garawsaday in ay Mushkiladda qayb ka yihiin. Waxaa cadaatay fulaynimadooda waxaana ka haray wax yar israacintoodda. Waxaa ruux kasta sharaf u ah in ay jiraan malaayiin Soomaaliyeed oo Gumaysiga Qori, Qalin iyo Qawlba ku hortaagaan kuwaaso leh;

DIIDNAYE OGOW DALKAYAGA
NINKII DOONAHAYAYOW 
INUU DUUDSIYA RABOW
ANNAGU DIIDNAYE OGOW"
Muqaawamadda iyo iska caabinta Af iyo Adinba leh, xigmad iyo xoog leh walow aanu Milyan Shahiid bixinee waa sida keli ah ee Taariikhdaas mugdiga ah lagu dhiqi karo ee ha sabri waayin Guushu waa dhowdahay, ogowna in habeenku uu u mugdi badan yahay kolka waaberiga soo dhowyahay fooshuna ay ugu xanuun badantahay marka dhalmadu soo dhowdahay.

4.5 / 5 (16 Votes)





FAALLO

SUUGAAN