April 24th, 2008
12-02-2008

Labadda Garab ee Mbagthi kee guulaysan doona?



Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in isbahaysi dan isu keentay uu dhexmaray, Meles Zenawi, C/laahi Yusuf. Maxamad Dheere iyo Cabdiqaybdiid. Ragan oo ah hogaamiye kooxeed weligood ku tiirsanaa Itoobiya ayaa wararku sheegayaan in ay

kasoo horjeedaan dhaqdhaqaaq kale oo ay wadaan garab ka mid TFGda, kuwaasoo ay ku doonayaan in ay ku qaadaan talaabooyin ay kooxdani halis u arkaan oo ay kaga cabsi qabaan in meesha laga saaro. Kooxda kale ayaa waxaa hogaan u ah Nuur Cade iyo inta badan xubnaha golahiisa wasiiradda iyo Xildhibaano kale.

Loolanka Siyaasadda

Xoogagii reergalbeedka ee qaarkoodna ay taageereen sida Maraykanka iyo Ingiriiska, qaarna ay ka aamuseen sida Yurubta inteeda kale duulaankii Zenawi ee Soomaaliya ayaa haatan si wayn ugu soo qancay inuu Zenawi ku fashilmay duulaankii Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxay haatan doonayaa in TFGda oo wejigeedu gubtay boorka laga jafo oo Soomaalida sumcad looga raadiyo, kooxdani Nuur Cade waxay u arkaan nin kaalintan ciyaari kara islamarkaanna badbaadin kara wejiga TFGda. Waxay siiyeen taageero buuxda, oo dhaqaale iyo diblomaasiyadba isugu jira. Waxay rajo wayn ka qabaan in hadii Mashruuca Nuur Cade guulaysto Muruqa Itoobiya laga maarmi karo.

Zenawi iyo inta muruqiisa ku timid kuna taagan arrinkan halis ayey u arkaan, waxaa soo afjarmaya qandaraaskii Itoobiya, hadii kaa uu dhamaadanna waxaa dabagelaya C/laahi iyo inta isaga la midka ah, sida Qaybdiid iyo Maxamad Dheere.

Loolanka dhaqaalaha

Waxaa Muqdisho ka samaysmay sedexgeesood ( Qaybdiid, Maxamad Dheere iyo Darwiish) Gabre madax u yahay, kuwaasoo dhaqaalaha kasoo baxa Muqdisho ee isagu jira Canshuurta, Dhaca Hantida dadwaynaha, Madaxfurashadda iyo dakhliga dekadabba kala qaybsadda, iyadoo inta badan uu Gabre qaato. Kooxda Nuur Cade waxay beryahan bilaabeen in ay xisaab xil iyo wax la mid ah keenaan, taasoo kooxdan halis u arkaan. Sidoo kale ayaa dhaqaalaha dawladaha ay bixinayaan waxaa lagu shardiyey in dhinac dawlada ka madaxbanaan (sida ganacsatadda) loo dhiibo oo beesha caalamkana ay la xisaabtamayso.

Hadaba Isbahaysiga uu Zenawi u sareeyo wuxuu isku deyayaa inuu curyaamiyo tilaabo kasta oo ay kooxda kasoo horjeeda qaado, Zenawi wuxuu Adis-abab usbuuc ku hayey Nuur Cade si ay dadka uga shakiyaan una tuso inuu nin Itoobiya raali ka tahay yahay, sidoo kale ayaa C/laahi wuxuu markasta burinayaa waxa Nuur kasoo baxa, Maxamad Dheere waa la mid. Labadan kooxeed waa ay isku gaban yihiin, laakiin hadii kooxda Nuur Cade oo haatan heysata taageeradda beesha caalamka, shacabka qaarkiina ay dhegaha u fureen, guushoodu waxay suuroobi kartaa markii ay Muqaawamadda isfahmaan, taasina waxay ku xirantahay mowqifkooda Itoobiya iyo sida ay uga go'antahay in ay dadka xal u keenaan dalkana xabashiida uga saaraan, sidaas si la mid ahna waxaa laga rabaa Muqaawamadda in ay siyaasadda wax ka ciyaaraan oo la yimaadaan karti ay wax ku kala reebaan kuna kala qaybiyaan.

Kooxda Zenawi iyo Yuusuf ma muuqdo fursado badan oo ay leeyihiin, hadii inta kale isfahmaan oo ay wax islameeldhigaan. Waxaa beryahaan soo xoogaysanaya guux xoog leh oo la doonayo in C/laahi lagu casilo, hadii ay taas dhacdana, waa bilawgii dhamaadka kooxdan. Waxaan sugnaa waa weji cusub oo loolaan oo aan la ogayn cida ku guulaysan doonta, waxayse ku xirantahay sida siyaasadda loo aqriyo saadaashana looga faa'iidaysto.

3.5 / 5 (11 Votes)





FAALLO

SUUGAAN