April 24th, 2008
10-03-2008

Dawlad aan dowlad ba ahayn!!!!



Abwaan Soomaaliyeed ayaa waxa uu dareen cusub oo lasoo darsay ka tiriyay tix gabay ah, oo waxuu yiri: "Shaah aan shaahba hayn"

Abwaanku waxa uu ka gabyay, waxyaabo badan oo aanan ahayn sidii lagu yaqiinay, oo uu isbadal ku dhacay, kadib markii ay  lasoo ifbaxeen waxyaabo aanan lagu aqoon, ama aanan laga fileyn, sidaa darteedna la doonayo in dadka lagu baraarujiyo isbadalka xaaladda.  Xaaladaa oo kale waxaa maanta Soomaalida ula mid ah dawladda KMG oo haddii aad dowlad ku magacaawdo aanan kasoo baxeyn waxii dowlad lagu garan jiray isla markaana aanan loo hayn magac kale. Sidaa darteed waxeey noqoneeysaa dowlad aanan dowlad ahayn.

 

Dowlad ama dowladnimo waa eraybixin la socotay imaashihii gumeeysyiga, raadraac taariikheedna kuma laha sooyaalka Soomaalida. arintaan ayaa waxay keentay in Soomaalida ku fashilanto fahanka erayga iyo waxa uu u taaganyahay, maalintii la helay dowladnimada illaa maalinta maanta ahna dawladnimada Soomaalida waa qaab qabiil dad kale qabsaday, oo sidaa dowlad ku noqday.

 

Haddaba dawladi waa maamul u taagan maareynta, horumarinta, ilaalinta danaha, xuduudda  bulsho ku dhaqan dhul xuduud la garanayo leh, iyada oo aan la egayn hayb qabiil, midab, diin, luqad. Haddaba maadaama dawladnimadu tahay wax la socday gumeeysigii yimid gayiga Soomaalida, xilliyadii ugu horeeyay shacabka Soomaaliyeed waxeey ku soo dhaweeyeen dowladnimada tuhun iyo shakki, waxaana lahayaa in hawlwadeenadii dowladdii ugu horeeysay, guryahooda loogu tagay, si loogu qanciyo in talada wadankooda qabtaan. Kadib dhaxalkii waxuu noqday dowlado ku fashilmay gudashada masuuliyadoodii ugu danbeeyntiina gumaaday, duleeystay dadkii ay matalayeen.


Fashilkii dawladnimo ee ku aadanaa ineey ka soo dhalaasho xilkeedii iyo ugu danbeeyntii burburkii dawladda ayaa keenay in shacabka ka fikiraan wax buuxiya booska, waxaana soo ifbaxay dhaqdhaqaaqyo beeleed iyo kuwo  diineed oo u tafo-xeeytay ineey buuxiyaan booska baaxadda leh ee ay baneeysay dowladda, waxeyna dhiseen kaabado noleleed oo bulshada lama huraan u ah sida: fursado shaqo, iskuulo, jaamacado, xarumo daryeel caafimaad iyo waxii lamid ah.

 

Dhaqdhaqaaqyada qabiileed iyo kuwa wadaadada mar labaad waxaa ku soo furantay hawl horleh kadib markii dowlad aanan laheyn waxii dawlad lagu yaqiinay  lagu soo dhisay shirkii Eldoret. Dawlad baarlamaankeeda iyo wasiiradeeda lagu dhisay qabyaalad ama 4.5 sida loo yaqaano. Taa oo micnaheedu yahay in xilalka dawladda loo qeybsado sidii hilibkii hashii maandeeq, oo ninba lagtiisa la dhaqaaqo.

Taa waxaa u raacday qorshahii dagaal ogayaashii Muqdisho ay saylado dadka lagu iibiyo uga fureen magaalada Muqdisho. Wadaada  mar labaad waxey isu taageen iney wax ka qabtaan dhibaatada jirta, una babac dhigaan goodiga kaga imaaniyo dowlad ku sheega iyo dagaal ogayaasha.sidoo kale Dhaqdhaqaaqa ka taliyo magaalada Kismaayo, waa hab looga hortagayo dawlada aan dawlad aheyn, shacabkana ku muujinayo sida ay u diidanyahay dawlad aanan qaadi karin xilka ay sheeganeyso. Shacabkana lagama yaabo ineey hagaagaan iyada oo ay dowladda qaloocantahay , waa sida laan qaloocan harkeed oo aad dooneeyso inuu tooso.

Mar haddii dawladii gumaadeyso, biliqeysaneyso hantidii shacabka

Mar haddii wasiirkii gudaha magaciisa lahayn

Mar haddii wasiirkii gaashaandhiga ilaalinta xuduud eek u hawlan yahay, balse qosheeynayo sidii qabiil gooni ah loo tirtiri lahaa

Mar haddii wasiirka cadaaladaa hawshiisu tahay in la duudsiiyo shacabka xuquuqdiisa

Mar haddii wasiirka hawlaha guud ku hawlanyahay in guryo cusub dhulka la dhigo, kan dhaqaalahana in la gubo xudunta dhaqaalaha Soomaaliyeed (Suuqa Bakaaraha), kan warbaahintana daboolayo gumaadka loo geeysanayo maatada aanan waxba galabsan, kan dibaddana uu suuq geeynayo siyaasado dawlado kale, kan amnigana hurinayo dagaalo cusub. Waxaan filayaa in arimahan ay burburiyeen micnihii dawladnimo ayna abuurayaan in shacabka aysan haysan wado kale oo aanan ka aheyn in lahelo wax ka duwan dowladd aanan dowladda ahayn.

 

5 / 5 (2 Votes)





FAALLO

SUUGAAN