13-04-2008 Xoogga Dalka Oo Xafladiina Dhigan Kari Waayey
Tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu ka talinayey Maxamed Siyaad Barre, waxaa sii lumaysay haybadda iyo sharaftii ay lahaayeen ciidamada Xoogga Soomaaliyeed tiiyo ay maanta soo martay heerkii ugu siil iidatay.
Ciidamada Xoogga oo ahaa kuwa u taagan ka difaacista Qaranka cadaw kasta oo dalka dibadda ka yimaada ayaa hadana buuxiyey kaalinta badbaadinta Qaranka ee gudaha markii ay burbur qarka u saarntay dawladdii kacaanka ka horreysay. Ciidanka sidii laga filayey ama ka dhacda wadamada qaar taladii dalka dib ugamsoo celin bulshada ee qiima dilay kali taliskii ay ku keceen madaxdii u sarraysay.
Waxaa dhaawac kale oo xoog leh soo gaaray markii loo adeegsaday gumaadka shacabka oo ay ugu darnayd dagaalladdii ka dhacay waqooyiga Soomaaliya. Iyadoo kalsoonidii, kala daynbayntii iyo isku duubnaantii ciidamadu ay dhirbaaxooyin waaweyn ku dhaceen ayaa hadana waxaa nabarkii ugu darkaa ku dhacay ka dib markii la riday maamulkii Siyaad Barre oo ka dibna si khalad taariikhi ah loo kala diray ciidamadii Qaranka lana faray inay jabahada iyo beelaha kala raacaan.
Kama dhiidhiyin, ismana raadsan ciidamadu ee sidii burbur ugu dhacay qaybo iyo qiyam bulshadu lahayd ayaa ciidamaduna ukala daateen. Waxaa kaalintooii la tabay markii dalku fawdo ka bixi wayey wax ka difaaca qabqablayaashiina la waayey.
Waxaa ugu sii darnayd markii Cadawgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya uu dalka qabsaday lana waayey ciidan ka difaaca balse ay ayaan darro noqotay inay hoos tagaan qayb ka mid ah ciidamadii Soomalaaliyeed ciidamadii Itoobia ee shalay dalka ka difaacayeen.
Waxay ahayd dhacdo xanuun badan markii 12 April la waayey dal xor ah iyo ciidan damaashaad ugu dabaal daga maalintii loo unkay inay Qaranka difaacaan, waxaana kuwii sharaftu gabtay ee ku hoos jiray gacanta gumaystaha ay kari waayeen inay maalintaa ka been sheegaan oo u dabaaldagaan iyadoo xarumihii ciidanka looga talin jirayna ay maanta gacanta ugu jiraan cadawgii ay dalka ka difaaci lahaayeen.
Waxaa wasiirka difaaca ee xukuumadda Nuur Cadde cillay ka dhigay amaaan xumida jirta inaan loo dabaalagi karin maalintaa waxaase aan la ogayn in dabaal daggaa ay raalli ka yihiin marka horeba Gabrihii shalay ku xusay Muqdisha kunlaydii taariikhda masiixiga ee Itoobiya, lagana yaabo inuusan ogalaan karinba dabaaldag kuwa taabacsan oo dameer uu saaran yahay ay dhigayaan, si aysan meeshu halaq mareen ugu noqon.
|