19-04-2005 Cusbitalka SOS oo Maanta Duhurkii Weerar Lagu Qaaday
Liiban Ali, hayaan_8@hotmail.com
Abbaarihii 12:00 duhurnimo ee maanta ayaa bam lagu weeray isbitaalka hooyada iyo dhallaanka SOS ee magaalada Muqdisho,xilli howlo caafimaad ay ka soconayeen. Weerarkaasi lagu qaaday isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee SOS ayaa waxaa ku waxyeelloobay 3 qof oo ka mid ah howl wadeennada Isbitaalka. Waxaa dhaawac soo gaaray Dr Abuukar Macallin Fiqi oo ah suuxiye ka mid ah shaqaalaha isbitaalka SOS Wiil howshiisa aan la cayimin oo ka mid ah howlwadeennada isbitaalka iyo Haweenay Sooro ah oo u dhalatay dalka Talyaaniga. Dr Abuukar Macallin Fiqi oo haatan lagu dawaynayo isbitaalka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii weerarka lagu soo qaadayay ay ku sugnaayeen meel ku dhow halka carruurta lagu daryeelo ee isbitaalka SOS ayna ka war heleen bam dhex dooda ka qarxay,iyadoo qofkii bamka soo tuurayna uu baxsaday. Ilaa hadda lama garanayo cidda falkaasi ka dambaysay iyo u jeeddada ugu wayn ee ku xambaartay,waxaana tani ay qayb ka tahay weerarro kala duwan oo dhawaanahan ka dhacayay magaalada Muqdisho oo laguna qaadayay qaybaha kala duwan ee bulshada haddii ay ahaan lahayd dhaqaatiirta , Saraakiisha ciidan iyo Ururrada bulshada rayidka ah intaba. Ujeeddada weerarrada noocan oo kale ah oo maalmahan magaalada Muqdisho ku soo badanaya ayay dadku jawaabo kala duwan ka bixinayaan,qaar ka mid ah dadka oo goobjoog aragtiyahooda waydiisay ayaa sheegay in ay u arkaan in dialalka soo kor dhayi ay ka dhiganyihiin isku day lagu doonayo in lagu xumeeyo suurada laga haysto magaalada Muqdisho si ay u rumowdo arrinta ah in aan magaalda Muqdisho hadda caasimad nimo u qalmin halka kuwo kale oo dadka ka mid ah ay iyana qabaan in tani ay ka mid tahay dabaca dhinaca ammaanka ah ee dalka ka jira ayna qayb ka tahay dhibaatooyinka sii laba lixaadsanaya ee dalka ka jira oo ay tahay mid looga fadhiyo mas'uuliyiinta cusub ee dowladda kmg ah in ay xalliyaan inta ay meel iska dhigaan khilaafaadkooda dhinaca ah.
|