April 24th, 2008
21-04-2005

Cudurka Qaaxada iyo Xal u Helida fikirka ay ka Qabaan Soomaalida UK ku Nool



Dr Yassin Ahmed Nur
Diiwangelinta tirade dadka qaba cudurka qaaxada ama tiibishada ee London ku nool waa ay sii kordhaysaa markii lala barbar dhigo magalooyinka kale ee waaweyn ee dalka Ingiriiska.

Guud ahaan tirada dadka cudurka qaaxada lagu sheegay sannadkii 2002, waxey garayeen 39.1 % oo ku nool magaladaan London, halka wadankaintiisa kalena ay ahayd 12.7%. 
Su’ aasha ay is weydiyeen takhaatirta cilmibaaristan sameeyey ayaa ahayd maxaa u sabab ah. Si gaar ahna waxaan u fiirinay Degmooyinka Camden iyo Islington oo ka mid ah  kuwa cadadka ugu badan laga soo sheegay. 
Waxeyna tiradaasi kale ahayd 37% 54% oo ku kala  nool labada degmo.  Hadaba faafida cudurka qaaxada ee magaaladan London way adagtahay fahamkeeda, waxaana jira asbaabo badana oo loo aaneyo.  Waa marka hore dadka isbitaalka jaamacadda  London  (University College of London Hospital) qaybteeda qaaxada adeegsada waa dad aad u kala duwan  oo dalal badan oo dunida ah ka kala yimid oo ku kala hadla afaf iyo lahjooyin kala duwan.

Qaar badan oo ka mid ah ma laha deegaan joogta ah oo ay ku hoydaan ama dadkii uu ka dhashay ayuuba sumad ku  dhex laheyn oo aan aqooninba meel ay ku sheegaan.  Taasina waxey keenaysa in qofka noocaas ahi aan si joogta loola socon karin oo aan la hubi karin daawo qaadashadiisa.
Dad tiro badan ayaa isbitaalkani qaybtiisa qaaxada adeegsada. Hase ahaatee  21 % waa dad  Somali ah. Buggaga cafiimaadka ee dunida Somalia waxey ku can tahay  cudurka qaaxada iyadoo ka mid ah waddamada dunida kuwa ugu qaaxadda badan
Dagaaladii sokeeye iyo abaarihi gaajada badan keenay awgeed ayey in ku dhow 30% Soomaalidu ka soo qaxeen dhulkoodi, in badana soo gaareen wadamo tirada dadka qaaxadu ku dhacdo ay aad u yaryihiin.
Waxaa la xaqiijiyay in dalalka Denmark iyo Holland in ku dhow nus dadka qaaxada laga helo ay yihiin dad asal ahaan Soomaaliya ka yimid.
Takhaatirtu waxey ku talinayaa in la xoojiyo Soomalida dhexdeeda sidii loo heli lahaa qof walba oo cudurkaa qabaa iyo in la baaro qof walba ay dadkaasi xiriir wada joog ah ay yeesheen si haddii uu cudurkii gaaray looga daaweeyo.
In qaaxada laga baaro qof walba oo dalka ku cusub mar dhowna soo galay si loo xaqiijiyo cafimaadkiisa loona dhowro cafimaadka dadka uu martida u soo noqday. ayaa sahlaysa in la fahmo sida ay Soomalidu u aragto cudurkaan iyo daaweyntiisaba.
Hay’adda dhowritaanka caafimaadka (Health Protection Agency) ee  Isbitaalka Jamacadda London  waxey u adeegtaa shacab dhan 373,000 oo qofood oo ku kala nool degmoyinka Camden iyo Islington, halkaas oo ay dadka ajnabiga ah ee ku nool   (ethnic minorities) ay gaarayaan 28 %.

Qaybta Microbiology’ ka iyo qaaxada ee Isbitaalkaan waxey u fidisaa  dadkaas adeeg isugu jira xaqiijinta cudurka qaaxadu in uu qofku qabo, daaweyntiisa iyo xakamaynta (control) cudurka qaaxada si uusan bulshada degmooyinkaan uusan ugu fidin. Ujeedada cilmi baaristaan waxey ahayd in si qoto dheer loo ogaado dhaqan-fikradeedka ay  Somalidu ka qabto cudurka qaaxada  iyo  sida ay aamin ugu qabaan daaweynta cudurkaan.

Naatijada cilmibaarista.

Macluumadka Ka Qaybkalayaasha Cilmibaarista.

Macluumadka ka qayqgalayaasha cilmibaaristan waxaa lagu soo koobay lifaaqa 1aad aad. Bolkiiba lixdan iyo sagaal  (69%) in ka badan dadkani waxey ahayeen kuwa ku hadla laba luqo in ka badan: luqooyinka ay ku hadlaan waxaa ugu badnaa  af Soomaaliga, Carabiga  iyo Ingiiriiska. Jidadka ay soo mareen Markey Ingiriiska ku soo socdeena waxey kala ahayeen: dalka Kenya, oo ay boqolkiiba 41.3% ay soo mareen, Ethiopia (21.3%).

Toos waxaa Somalia uga soo baxay yimidna Ingiriiska ilaa bolkiiba saddex iyo toban (13.3%). Inta hartay waxey soo kala mareen dhoor wadan oo Africa ah iyo bariga dhexe. Dhamaantood dadkana da’dooda waxey u dhaxeysay 20 ilaa 50 sanno. Somalidani waxey ku kala noolayeen inta badan woqooyiga London (N and NW) bartamaha London (WC), iyo  Koofurta London (E, SE). Baaritaan xogoggaleed ee la sameeyey dhammadkii 2000 waxey tilmaamtay in 15 ka mid ay daawadii dhamaystirteen, Lix ay weli daawadii wadeen, labana la waayay oo meel ay ku dhibceen la garan waayey.

Aqoonta iyo Dareenka uu Ruuxa Soomaaliga Qaaxada ka Qabo.

Astaamaha ama calaamadaha cudurka lagu arko oo ay Soomalida qaaxadda laga helay ay ka cawdeen waxaan ku soo koobnay lifaaqa 2aad waxeyna calaamadahaasi u  kala badnaayeen sida soo socota:

Miisanka oo is dhimma (78%), tabardari (70%), daal tirobadan (62%), cunto xumo (60%). Calaamadaha sida qufaca, qandhada, dhidid badan habeenkii, dhiig la tufo iyagana waxaa ku soo koobnay tabeelaha hoos ku qoran. Dhammaan Somalidu waxey ka middeysnaayeen in qaaxadu ay tahay cudur faafa oo ayna tahay cudur laga daawoobo.

Hase ahaatee jawaabaha ku saabsan cudurka iyo waxyabaha  sahla imaatinkiisa dadka aqoontooda wey ku yareed.  Suaasha ku saabsaneed hab noleeldka qofka waxa iska beddela qaaxo markey ku dhacdo kaddib iyaduna saddexda kooxood iskaga mid ayeey ahayeen jawaabuhu. Raga ayaa ku roonaa xogaa oo boqolkiiba soddon iyo siddeed iyo haweenka oo 20.8% ayaa faham u lahaa in ay qaaxada la nooladaan, oo habkeey u nolaayeen wax badan ka bedelmin. Arrintaani waxey ku tuseeysa sida ay dhib ugu tahay qofka Somaliga dhaqan ahaan in uu aqbalo qaaxada uuna uu arko cudur dadka takoora.

Munaaqasho.

Si joogta iyadoo loo helo qof walba oo cudurka qaaxada ku dhacdo loona daaweeyo waa habka keli ah ee faafka cudurkan lagu xakameyn karo.

Ka hortagga qaaxada waxey kaloo doonaysaa in aad darasto oo aad fahamto dhaqanka dadka tiradoodu yartahay (ethnic minorities) ee sida gaarka ah halis ugu jira in ay ku dhacdo cudurkaan.  In aad barato dhaqan-fikradeedka ay dadkaasi ka qabaan cudurka qaaxada iyo aaminka ay u hayaan daweynteeda oo aad isla fahamtaan waa tallaabada  ugu horeeysa ee lagu hirgelin karo barnaamij xoog leh  ee lagu yareeyo faafa cudurkaan qaaxada dadkaasi dhexdooda. 

Daraasad laga sameeyay dadka aan hoy joogta ah lahayn ee ku nool magaaladda San Francisco ee dalka Mareykanka waxey tilmaamtay aqoon durugsan  ee uu qofku u yeesho  qaaxada ay barbar socoto daawo qaadashada qofka oo kororta. Sidoo kale magaalada Kansas City ee iyadan Mareykan ah waxey muujisay in baahida loo qabo in aqoonta guud ee dadka oo sare loo qaado ay tallabo hormuud ah u tahay xakameynta cudurka qaaxada.

Sidoo kale darasaad badan ee dunida dacaladeeda laga sameeyay waxey tusaaleysay in aqoon sare, faham iyo feejignaan mujtamaca guud u yeesho cudurkan ay sahlayso daaweynta iyo xakamaynta cudurkaan .

Soomaalida Iyo Cudurka Qaaxada

Cilmibaaristaan aan ka samaynay Somalida London ku nool waxey noo ifisay aqoon dari ay Somalidu u leedahay waxa keena cudurkaan iyo sida loo kala qaado qaaxada. Hase ahaatee in badan oo ka mid ah waxey ictiraafeen baahida loo qabo daaweynta.

Guud ahaan dadka ka qayb kalay cilmibaaristan waxey ahayeen dad firfircoon, wax bartay dhoor luqadoodna ku hadla.  Bilowgii cilmibaarista dhammaan ka qayb galayaasha shaki ayaa ku jiray. In Badan waxey qabeen inaan BBCda u shaqayno oo magacyadooda laga soo sari doono telefishinka iyo raadiyaha BBCda. 

Inkastoo aqoonta guud ee cudurkaan dadku ka qabeen aysan si saa’id ah u xumeyn, haddana su’aasha ahayd maxaad ka ogtahay waxyaabaha sahla in qaaxo qofi ku dhacdo jawaab lagu qanci karo lagama helin. Waxey u muuqataa in ka qayb galayaashu dhammantood ay ka faa’iidaysan lahayeen  fadhi wada hadal ah oo laga yeesho fejignaan u yeelashada cudurka qaaxada , oo si sahal ah loogu macneeyo.

Mugdi aad u tira badan ayaa  Soomalida ka  qayb qaadatay cilmi baaristaan uga jiray qaaxada iyo isbeddelka hab-nolaleedkiisa taasoo na tusaysa in Takhatiirta daaweynaysa looga baahan yahay in ay waxooga waqti ah u huraan sideey dadkaasi ugu tilmaami lahayeen dariiqadii uu u wajihi lahaa socod nololeedkiisa.

Bukaanada markii la weydiiyey haddeey qaaxadu beddeshay xiriirkii u dadka kale la lahaa. Qalbi xumo ayeey nagu abuurtay markeey bukannadu isku wada raceen in qarabadooda soke (aabo, hooyo, walaal) mooye inta kale ay si xoog leh u takooreen.

Qormooyin hore ayaa caddeeyay sida dadka qaaxadu ku dhacdo meelo badan oo dunida ah looga takooro, gaar ahaan haweenka oo ay qasab ku noqoto in ay ka dhex baxaan mujtamacyada xir xiran sida Somalida oo kale. Waa yaab haddana iyaga sida ay awood dhiiri gelin ah ay ugu sameeyaan reerka intiisa kale haddey qofi asiibto qaaxada. 


Daaweynta

Inkastoo Somalidu aaminka guud ee daawaynta ay ku qabaan waxooga shaki ah ay ka muuqatay, oo aysan dhinacyo badan ee qaxadda aysan wax badan ka ogeyn,  haddana dhammantood waxey qireen baahida daaweynta iyo joogteynta qaadashadeeda loo qabo. Aminkaasi wuxuu ku xoog badnaa raga, dheddigana wuu ku yaraa.

Taasi waxey ifinaysaa in haweenku ay u bahan yihiin si gaar ah in aqoontooda guud la kordhiyo oo ayna ka faa’iidaysan lahayeen isku imaadyo looga hadlo arrimahaan.

Bukaanadu waxey aamaaneen oo ay qirteen garabka ay ka heleen shaqaalaha xarunta qaaxadda markii loo soo gudbiyay.

Joogteynta qaadashada daaweynta waxaanu ka cabiranay cudurka ka reysashadiisa.
laba qofood oo ka mid ahaa bukaanadan waa la waayay oo lama oga natijadu u dambaysay ee ka samata bixida cudurkaan. Waana kuwaas oo kale kuwa sahla faafida cudurka qaaxada.

Soomaalida siddeedaba sahal kuma aheyn in ay si buuxda macluumaadkooda guud ay u bixiyeen sida da’da, xaas inuu yahay iyo in kale, cinwankiisa, dhaqaalaha soo gala iyo shaqadiisa intaba. 

Cilmibaaristaan oo khuseeysa keliya degmooyinka Camden iyo Islington waxey ku haboonaan lahayd in la ballaariyo oo degmooyinka kale ee London  la gaarsiyo sii loo xaqiijiyo, macluumaadka ka soo baxay in ay tahay mid guud ahaan Somalida wada saamaysay. 

Soomalida baaritaanka ka qayb gashay waxey dhamaantood ahayeen kuwa mar hore soo galay dalka oo kuma aysan jirn dad cusub oo hadda soo galay. Waxaa haatan loo bahan yahay dad sare uu qaado aqoonta guud ee cudurka qaaxada Soomalida dhexdeeda, balse waxaa adag sidii loo  ogaan lahaa habkii aan u qaabili laheyn arrintaas iyada ah iyo ciddii aan u mari laheen. .

Gabagabo.

Dadka Soomalida ah ee adeegsada goobaha lagu daryeelo dadka qaaxadda qaba ee magaaladaan London way sii badanayaan. Somalida ka qayb gashay cilmibaaristan waxey ahayeen dad wax bartay, feejignaana u leh caafimaadkooda, si mutadawacnimo ahna (voluntary ) ahna uga qayb galay baaritaankan, aaminsanaana daaweynta cudurkan.

Inkastoo meelo badani  ay mugdi uga jirtay, aqoontooda guud ee ku saabsan qaaxada iyo daaweynteedaba aysan dhamaystirneen, waxaa hubaal ah  in dib wax u barid, la xiriir joogta ah iyo dhiiri gelin ka timaado shaqaalaha caafimaadka  ay wax tar badan u yeelan lahayd.  

Mujtamaca Soomalida waxey si waxtar leh uga faa’iidaysan lahayeen haddii dad iyaga kuwa ka mid ahi ay u qaban lahayeen wacyi gelin ku aadan caafimaadka oo waafaqsan dhaqankooda, gaar ahaan haweenka iyo dadka cusub ay dalka soo galo. 

Taasi waxey keeni lahayd in dadku ay u arkaan cudurka qaaxadda in uu yahay cudur la mid ah cudurada kale ee mujtamaca, la saadalin karo faafiisa, nolosha qofkana aan khatar gelin oo loo dhimanin.  Ma aha wax fudud in 21% dadka qaaxada laga daweeyo degmooyinka  Camden iyo Islington ay Soomali yihiin haddana sidii caadada noo ahayd uu community walba yiraahdo waxaan wax u ahay Somali iyo Somalia. Ogoow aqristow in Ilaaheey uusan soo dejin cudur uusan daawadiisa keenin.


 

4 / 5 (1 Votes)




Your name:
Your email:
Subject:
Comment Text:



FAALLO

SUUGAAN