Maalin ka dib markii maamulka isbahaysiga dooxada jubba uu soo jeediyay in dib si rasmi ahaa loo howl galiyo isbitaalka magaalada Kismaayo oo muddo 4 sano ah howlihiisu ay gaabis ahaayeen ayaa maanta waxaa bilowday dayatir isbitaalka lagu samaynayo.
Liibaan Cabdi Calli, Goobjoog, Muqdisho
Maamulka isbahaysiga dooxada jubba ayaa dalbaday shalay in la ururiyo lacago isbitaalka lagu tabarrucayo, waxaana maanta markii ugu horraysay isbitaalku uu helay lacag gaaraysa 95 milyan oo shilin soomaali ah oo 55 ka mid ah isbahaysigu bixiyay, halka 40 ka kalena uu bixiyay maamulka magaalada Kismaayo.
Sidii qorshuhuba ahaa maamulka dakadda iyo ganacsatada kismaayo ayaa laga sugayaa in ay bixiyaan lacagihii iyaguna ay ugu tala galeen dib u kicinta isbitaalka in ay ku kaalmeeyaan.
Maanta ayaa waxaa la billaabay dayactir lagu sameeynayo qaybo ka mid ah isbitaalka degmada Kismaayo oo sanadihii la soo dhaafay howlihiisu gaabis ahaayeen iyadoo qaybta umulisada oo kaliya ay shaqaynaysay.
Isbitaalka ayaa markii hore waxaa gacanta ku haysay hay’adda MSF Belgium waxaase ay hay’addaasi kismaayo isaga baxday muddo iminka 4 sano laga joogo, iyadoo ilaa iyo waqtigaana aanay jirin cid isbitaalka uu gacan ka helayay taas oo keentay inuu wax howlgab ah uu la mid noqdo.
Ololahan dib loogu howgalinayo isbitaalka guud ee degmada Kismaayo ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda sida uu goobjoog.net u shegay wariyey saaddaq c/raxmaan sooma jeeste.