April 24th, 2008
02-10-2006

Gabadh Soomaaliyeed Oo Dalka UK Ka Gasahay Kaalin Aad U Sarreysa



Webmaster
Zahra Hassan
Zahra Xassan oo ah Gabadh Soomaaliyeed, kana dhigata Jaamacadda Birmingham ee Dalka UK(Ingiriiska), cilmiga Kimikal injineerin ayaa heshay abaal marin aad u qiima badan, taasoo ay jaamacaddeeda kaga guulaysteen iyada iyo gabar kale oo muslim ah.
Zahra Xassan iyo gabadha kale waxay ka mid noqdeen 15 arday oo sanadkiiba ay dalka UK oo idil kasoo xusho hay'adda GE Foundation, iyadoo siinaysa hay'addu ardaydaasi abaal marin isugu jirto waxyaalo kala duwan  iyo qiimayn aad u sarraysa.

Waxaa Zahra sidan oo kale kaga horreeyey horumarka walaasheed Faa'iza oo iyana darajooyin aad u sarreeya uga gudubtay imtixaanka A level-ka ee dalkan laga qaado iyadoo weliba muddo gaaban ku diyaaraysan, taasoo kaga yaabisay jaamacaddii ay gashay, in arday dalka ku cusbaa oo Holland ka yimid sanad gudihii ku diyaariyo imtixaanka oo hadana darajooyinka A ka helo inta badan maadooyinkii uu doortay. Faiza Hassan iyana waxay dhigataa isla takhasusukan kiiimikal injineering ka ah.

Labada gabdhood ayaa dadaalkooda ka sokow ay sheegayaan dadka qoyska ku dhaw in horumarkooda ay kaalin wayn ku leedahay hooyadood oo daaciyad iminka ah, dhakhtarna ah, oo iyadu juhdi badan gelisay sidii ay ilmaheeda uga dhisi lahayd dhanka diinta iyo cilmiga kalaba.

Waxaa Zahra, Faaiza iyo hooyadoodba ay tusaale ku dayasho mudan u yihiin qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool oo in badan oo ka mid ah ilmahoodu waxbarashada ku liitaan, waalidkuna uusan dadaal badan galin sidii ay wax u baran lahaayeen ilmahooda.

Warka ishiisa iyo hay'adda abaalmarisay gabadha iyo wixii ay ku abaal mariyeenba waxaad ka dheegan kartaa halkan

Chemical Engineering students awarded prestigious prizes!




Your name:
Your email:
Subject:
Comment Text:



New Page 1

Comment/Tacliiq

osman abdi
Fri, 06 Oct 2006 22:20:43 -0700
scww. ramadan kariim, waxaan hambalyo iyto bogaadin u soo jedinaya anoo jooga usa walaashay sahro hassan sharafta ay u soo hoyday ardada somaliyeed. waxana leyahay abayo waxaa aman mudan adiga iyo hooyadaadii kugu korisay diinta, ogowna heerkaas waxad ku gaartay diinta alle.

thanks.
New Page 1

Comment/Tacliiq

Dayiba Abdi
Fri, 06 Oct 2006 15:13:09 -0700
Hambalyo iyo bogaadin xeel dheer iga gudoon Zahraay.Noqo insha-Allah midii diinta Islaamka iyo dalka somaliyeed waxtar iyo wanaag ku soo kordhisa. Waalidkii iyo intii kugu tacabtayna Allah abaal marin iyo guul ha gaadh siiyo badan. Amiin
New Page 1

Comment/Tacliiq

Ali Yusuf
Wed, 04 Oct 2006 13:06:18 -0700
Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo

Waxaan ugu hambalyaynayaa Gabadha walaalnimadda somaliyeed ay naga dhaxayso guusha ay ka gaartay wax barashadeeda. Waxaan kaloo uga mahad naqaayaa Waalidka gabadhaan ku koriyay xormaynta diinta iyo aadaabta suuban ee gaarsiisay heerkaan wax ku oolka ah. Waxaana ku boorinaayaa waalidiinta Somaliyeed inay ciyaalkooda garab istaagaan kuna caawiyaan barashadda diinta & dhaqankeena suuban ee somaliyeed iyo cilmiga kaleba. Kalana dagaalamaan waxyaabaha ka lumin kara waqtigooda qaaliga ah iyo in lagu daarto cudurka "QABIILKA"....

Walaashaydii somaliyeeday "jir oo u joog cadowgaada iyo gacalkaadaba" Dadaalkaadana laba laab...Waxaa ku sugaaya dad iyo dal dhibaataysan oo aan aniga iyo adigaba inaan u laabano dibna u dhisno nalaga
New Page 1

Comment/Tacliiq

Salaad Cilmi Axmed
Wed, 04 Oct 2006 03:40:58 -0700
waxaan uhambalyeynayaa walaasha soomaaliyeed sahra xasan oo ah ardayad magac iyo sharaf usoohoysay bulshada soomaaliyeed khaas ahaan ardayda Uk waxaan leeyahay waad mahadsantahay sidaas iyo sikasiisaraysana kuwaar wabilaahi towfiiq
New Page 1

Comment/Tacliiq

Salaad Cilmi Axmed
Wed, 04 Oct 2006 03:40:00 -0700
waxaan uhambalyeynayaa walaasha soomaaliyeed sahra xasan oo ah ardayad magac iyo sharaf usoohoysay bulshada soomaaliyeed khaas ahaan ardayda Uk waxaan leeyahay waad mahadsantahay sidaas iyo sikasiisaraysana kuwaar wabilaahi towfiiq
New Page 1

Comment/Tacliiq

ABDI SHAKUUR
Tue, 03 Oct 2006 21:44:51 -0700
ramadaan kariim sahra xasan anigoo kunool usa waxaan kaaka hambalyeenaayaa dadaalka aad muujisay waxaan kuurajeenaa qheer mahadsanid byyyyyyyyy
New Page 1

Comment/Tacliiq

ABDI SHAKUUR
Tue, 03 Oct 2006 21:43:54 -0700
ramadaan kariim sahra xasan anigoo kunool usa waxaan kaaka hambalyeenaayaa dadaalka aad muujisay waxaan kuurajeenaa qheer mahadsanid byyyyyyyyy
New Page 1

Comment/Tacliiq

Kasim
Tue, 03 Oct 2006 19:40:06 -0700
waa wax loo baahyahay, lagu farxo, oo ku dayasho mudan run ahantiina taarikhi u ah qoyskeeda iyo laf ahanteedaba in heerkaan ay gaarto inan soomaaliyeed. waxan dhihi lahay ha lagu daydo inta kale ee fursdahan oo kale haystaa ha ku daydaan hana ka faa'iidaystaan waa fursad qaali ahe. congratulations Zahra hassan
New Page 1

Comment/Tacliiq

Maxamed khalif
Tue, 03 Oct 2006 16:20:16 -0700
Marka hore waad salaaman tihiin akhyaarta inoo soo gudbisay amaba inoogu soo bandhigtay webka goobjoog waxan idin leeyahay keep it up,

Marka labaad waxaan u hambalyeey nayaa walalsheen sahra xasan oo dadaalkeeda gaarsiiyay qiimaha amaba darajada lagu qaato shahaadada chemical engineering marka waxaan leeyahay hambalyo sahra xasan,

waxaan kaloon kubaraa rujinayaa dhalinta usoo korayso wadanka kooda somalia ee hadana ku abtirsado islaamka inaay kuda daalaan sidii ay u hogaamin lahaayeen una kobcin lahaayeen wadankooda hooyo marka hadal iyo dhamantiis waxaan idin leeyahay dhalinta maanta soo koraysoow hala dadaalo oo wax hala barto sida walalsheen sahra,wabilaahi toowfiiq,
waa walalkiin oo joogo
south africa
nickname: Qaamuus
New Page 1

Comment/Tacliiq

A. OSMAN
Tue, 03 Oct 2006 15:46:20 -0700
waxaan ahay walaal jecel xiriirka gabadhaa, i want to contact zahra hassan in order to get instructions about how to acheive that acheivments.
New Page 1

Comment/Tacliiq

Rania Ibrahim
Tue, 03 Oct 2006 15:39:11 -0700
zahra I would like to congragulate you. You go girl masha Allah .
keep up the hard work. May Allah bless you and all the ones who are working hard to acheive thier goals.
I am astonished by your acheivements
may Allah help you with the future insha allah


Marvellous!!!!!!!!!!!!!!!! Exellent work !!!!!!!!!!!!!!!!!!!
New Page 1

Comment/Tacliiq

ahmednoor macalin cilmi
Tue, 03 Oct 2006 14:28:21 -0700
marka ugu horeysa zahra waxaan kuugu salamayaa salaanta islaamka intaa kadib waxaan kuugu hambalyeeynayaa dadaalkada qiimaha badan ee aad muujisan waxaan ilaah kaaga rajeynayaa hadafka aa leedahey in ilahey kaga dhigo mid adiga iyo mujtamaca islamkuba ay kufaidaan adinaga waxaan kuleyahey ilahey waaa jecel yahey muslim ka aqoonta leh ee shababka qawigana ah ilahey hakuu kordhiyo ayan kuleeyhay dadalkada qiimaha badan anaga ilahey ha inaga dhigo kuwii kuugu dayda ee ka qata waxa wanagsan
New Page 1

Comment/Tacliiq

ahmednoor macalin cilmi
Tue, 03 Oct 2006 14:24:59 -0700
marka ugu horeysa zahra waxaan kuugu salamayaa salaanta islaamka intaa kadib waxaan kuugu hambalyeeynayaa dadaalkada qiimaha badan ee aad muujisan waxaan ilaah kaaga rajeynayaa hadafka aa leedahey in ilahey kaga dhigo mid adiga iyo mujtamaca islamkuba ay kufaidaan adinaga waxaan kuleyahey ilahey waaa jecel yahey muslim ka aqoonta leh ee shababka qawigana ah ilahey hakuu kordhiyo ayan kuleeyhay dadalkada qiimaha badan anaga ilahey ha inaga dhigo kuwii kuugu dayda ee ka qata waxa wanagsan
New Page 1

Comment/Tacliiq

Siham
Tue, 03 Oct 2006 13:18:18 -0700
I am just so proud of my cousin Zahara. Wallahi i really am. And i just wanna tell every one that reads this: YOU should know one thing. If you really trust in ALLAH and practice the religion as much as you can, ALLAH will help you through everything you're doing. Zahara and her family spread the religion and everything she has is just the begining of ALLAH's reward for her and for her family. I just pray that she will change a lot of people's lives through her hard work. And may ALLAH's mercy shine on her and on her family...........People, THIS IS JUST THE BEGINING IT AINT THE END OF THAT FAMILY. ILAAHAY ISHA DADKA HEEDIN KALEEXIYO. and I love you all.
New Page 1

Comment/Tacliiq

Mohamed Hassan
Tue, 03 Oct 2006 11:58:44 -0700
WAXAAN HALKAAN UGA HAMBALEYEYNAYAA HOOYADA DHASHAY LABADAAN GABDHOOD, DADAALKA GAARKA AH OO AY KULA JIHAADAY CARUURTEEDA WAXBARASHADOODA . RUNTII WAA ARRIN QIIMO LEH MUDANNA IN LAGU DAYDO.

GOOBJOOG IYAGANA WAXAA LEEYAHAY WAAD KU MAHADSAN TIHIIN SOO BANDHIGIDDA ARRIMAHA WAXBARASHADA IYO HORUMARKA DHALINYARADA WAANA ARRIN MUDAN IN LA DHIIRIGELIYO.

QIIMAHA UU LEEYAHAY KAALINTA WAALIDKA KAGA JIRO HORUMARINTA WAXBARASHADA ILMAHA WAA MID XUSID MUDAN , HADDII AYNU SOOMAALIDA UK JOOGTANA AYNU NAHAY WAXAA CAD IN AYNAAN SIDII LA RABAY AAN CARUURTA WAXBARASHADOODA UGU DADAALIN.

SI WALBA HA AHAATEE HAMBALYO .HAMBALYO
New Page 1

Comment/Tacliiq

salmaan
Tue, 03 Oct 2006 11:51:05 -0700
a.c salan kadıb waxan u tahnıyadenaya walaasha guusha soo hooyısay mabruuk
salmaan maxmud turkıga
New Page 1