April 24th, 2008
17-08-2007

Shirkii 2aad ee Soomaalida Qurbaha Degan oo London Ka Dhacaya



Gudiga qabanqaabada ee lagu doortay shirkii 1aad ee Leicester ka dhacay ayaa shaaca ka qaaday in shirkii 2aad lagu qaban doono magaalada London taariikhdu marka ay tahay 27-28 August 2007.

Shirkani wuxuu dhammaystir u yahay shirkii hore ee Leicester ka dhacay 6-8 April 2007 iyadoo shirkani lagu aasaasi doono Dhaqdhaqaaqa Soomaalida Qurbaha. Ka qaybgalayaasha waxay ka iman doonaan wadamo kala duwan oo ku yaalla daafaha dunida, waxayna ka doodi doonaan oo qiimayn doonaan xaaladda uu haatan dalkii hooyo ku sugan yahay, iyadoo sidoo kalena halkaas lagu ansixin doono barnaamijka siyaasadeed iyo cahdiga ururka cusub ee Dhaqdhaqaaqa Soomalida Qurbaha.

Ka qaybgalayaasha oo noqon doono oo qura ciddii martiqaad ka haysata gudiga qabanqaabada ayaa laguwadaa inay ka midaysan yihin ugu yaraan dhawr qodob oo asaasi ah:-

1.In Soomaaliya Gumaysi ku jirto
2. In gumaysiga lagu saaro waddo kasta oo xalaal ah.
3. Awood qaybsiga inuu ku salaysnaado hannaan karti iyo degaan ee aan lagu salayn qabiil iyo 4.5.


Mohamoud Nur
Chairperson of SCSC
mohahnur@yahoo.co.uk

5 / 5 (1 Votes)





FAALLO

SUUGAAN