Kasoo qayb galayaasha ayaa watay boorar ay ku muujinayaan xasuuqa ay
gaysteen ciidamada Ethoipia iyo kuwa dawladda federalka ah.
Bannaan baxaas waxaa ka qayb qaatay Shaqaalaha Wadankan waxaana lagu beegay 1 May oo ah maalinta shaqaalaha adduunka. Shaqaalaha ayaa
waqtigooda ugu tabarrucay dadka dulman iyagoo indhaha caalamka ku soo
jeediyay xasuuqa lagu hayo ummadda Soomaaliyeed iyo sida laysaga indho tirayo xasuuqaas.
Bannaan baxayaashu waxay wateen boorar ay ku xardhan yihiin qoraal ay
ka mid yihiin Goerge Bush waa
dhiigyo cab in maxkamad la horekeeno,
Bush waa argagiso, Maato lays mellez, Mellez waa dilaa maxkamada hala keeno, Soomaliya wax dawalad ah oo ka jira malahan iyo eraryo kale oo xamaasad lahaa.
Waxaa bannaan baxa hogaamiyay dadka u dooda xaquuqda aadanaha iyo dadka jecel nabadda kuwaasoo cod baahiyaal kula hadlayey dadka reer stockholm ee usoo daawasho tagay bannaan baxaan maqashiiyayna qadiyadda Soomaaliya.

Bannaan baxa yaashi waxay socod ka soo billaabeen halka lagu magacaabo Medborgeplats iyagoo lug ku tagay halka loo yaqaan Beerta boqortooyada (Kunstragåden). Waxaa laga soo jeediyay halkaas qudbado xamaasad leh iyo warbixinno sida xuquuqda aadana uu ugu tunto Maraykanku asagoo mar kasta xaqiiqda iska indho saaba, islamarkaan adeegsada wadamo sida Ethiopia si uu dadka maraykanka u qaldo. Waxaa loogu baaqay dawlada maraykanka in auy tixgeliso xaquuqda aadanaha ogolaatana in nadab adduunka lagu wada noolaado.
Waxaa halkaas laga sheegay in aan xasuuqa dhacaya laysaga hari doonin
goor ay ahaataba dadka gaystay maxkamad caalami ah la horkeeni doono.
Dadwayne aad u fara badan oo halkaas isugu soo baxay ayaa waxaa si
wayn uga dhex muuqday calanka Jamhuuriyada soomaliya iyo halku dhigyo badan oo lagu cambaaraynayo xasuuq loo geystay dadka shacabka ah.
Bannaan baxaan wuxuu daba socdaa kadib xasuuq iyo bur bur ay gaysteen
Ciidama Ethopia kuwaasoo madaafiic si aan kala sooc lahayn ula dhacay
degaannada dadka rayidka ah u badan yihiin ee magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horreysay ee bannaan bax ay ka qayb galaan dad ajaanib ah oo looga hadlayo qadiyadda soomaliya uu ka dhaco halkaasi tan iyo markii ay ka baxday meesha dawladii dhexe ee soomaliya.
Sawirro dheeri ah halkan ka eeg
Sawirro kale oo xiise leh halkan ka eeg
Cali Dahir Ahmed