28-11-2006 Jaad oo Eedeyn u jeedisay Sacuudiga iyo Suudaan
Dowalda jaad ayaa ku eedaysay Dalalka Sacuudiga iyo Suudaan in ay taageerayaan kooxo mucaaradka oo ay sheegayaan wararka ka imaanayaa caasimada dalkaasi ee N'Djamena in ay ku sii siqayaan dhinaca caasimada,Wasiirka isgaarsiinta ee dalkaasi ayaa Shir jaraa id ku sheegay in dowladaha Suudaan iyo sacuudigu ay yihiin kuwa dhiri galinaya falaagada dagaalka kula jirta xukuumadiisa kuna kaalmaynaya in ay dhowr jiho ka weeraraan dowlada.
Wasiirka ayaa waxa uu intaasi ku daray in 60% kooxo falaagada ahi ay u badan yihiin kooxo dhalinyaro wahaabiyiin ah da’doodu u dhaxayso 13 -17 sano isla markaana tababaro ku soo qaatay Iskuulada Diinta ee magaalooyinka Maka, madiina iyo Riyaad Sida uu hadalka u dhigay, Mr. Muusa ayaa waxa uu ku tilmaamay u jeedada kooxahaasi in ay tahay in ku faafiyaan gobolka ujeedooyinka uu ku sheegay kuwo asal raacnimo dhinaca diina ah.
Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in ay xukuumada ku garab siiyaan sidii loo adkeyn lahaa Amaanka gudaha Dalkaasi Mustafa Yaasiin Sh. Maxamed mysheik@hotmail.com
|