Tirakoob la sameeyey 2001, muslimiinta UK, waxaa lagu qiyaasey 2.7% , ineey ka ahaayeen bulshada ku nool England & Wales ee wadankaan UK.
18 May 2007, waxaa ku jiray xabsiyada UK 80,658 qofood, kuwaasoo 4,400 ka mid ah ahaayeen dumar . Isla wakhtigaa Muslimiinta ku jirtay xabsiyada UK, waxeey ahaayeen 9,195 qofood , 8946 rag ah iyo 248 dumar ah , taasoo u dhiganta 11.4% maxaabiiskta guud ee wadankaan UK .
2007, xabsiyda ku yaala London kaliya maxaabiista ku xiran waxeey ka ahaayeen Muslimiinta sidaan hoos ku qoran
|
Magaca Xabsiga |
Nisbada Muslimiinta ah |
|
Belmarsh |
20% |
|
Brixton |
26% |
|
Feltham |
29% |
|
Latchmere House |
23% |
|
Pentonville |
20% |
|
Wandsworth |
18% |
|
Wormwood Scrubs |
22% |
|
Holloway ( Dumarka ) |
5% |
|
Bronzefiled ( Dumarka ) |
7% |
|
|
|
Isla sanadkii hore 2007, muslimiinta waxeey ka ahaayeen maxaabiista ku xriran xabsiyada London 19 % , halka sanadkii ka horeeyey ee 2006 ahaayeen 16%.
Hadaba marka aad fiirisid nisbada aay muslimiinta ka yihiin bulshada wadankaan UK, iyo nisbada aay ka yihiin maxaabiista ku jirta xabsiyada waxaa muuqnaya ineey tahay tiro aad u sarreysa , oo muslimiinta aay si xad dhaaf ah ugu jiraan xabsiyada wadankaan . Hadaba iyada oo aay sidaa tahay , ayaa waxaa soo baxaya in tirada ugu badan ee muslimiinta ah ee ku jira xabsiyada UK, ee kazoo jeeda hal wadan aay yihiin Soomaalida , gaar ahaan xaga dhalinyarada, maantana xabsi kasta oo ku yaala UK, oo laga weynayo Soomali ma jiro, sida aan kazoo xigtay dadka ka shaqeeya xabsiyada .
Tusaale ; waxaa jira xabsiga la yiraahdo Felthan Young Offenders Institution , kuna yaala Magaaladaan London oo lagu xiro dadka dhalinyarada ah ee gala danbiyada , da,doodana u dhaxeeyso 15 sano iyo 21 sano , ayaan la shaqeeynayey si mutadhawacnimo ah in ka badan labadii sano ee lasoo dhaafay , Muslimiinta ku jirtaa xabsigan asiga ah Soomaalida waxeey ka tahay in ka badan 33%, waana cadad aad u badan oo aan la aqbali Karin, marka loo fiiriyo tirada aan ka nahay muslimiinta degan wadankaan ingiriiska , waayo soomaalida waxaa lagu qiyaasaa 150 –200 kun , halka muslimiinta ku dhaw yihiin 3 milyan .
Maxeey sameeyaan caruurta Soomaalida ah oo lagu soo xiraa?
Intii aan la shaqeeynayey xabsigaan la yiraahdo Feltham, waxaan ku guuleystay in aan sameeyo oo aan ka sameeyo xabsiga dhexdiisa , Somali Focus Group, kaasoo ah in labadii usbuucba maalin aan la kulano 10 ka mid ah dhalinyarda ku xiran xabsiga , arintaana hada si fiican ayeey u socotaa, waxaana ula kulanaa si wareeg ah ,oo kaltan ah , si qofkastaa oo meesha ku jiraa aan ula kulano, waxaana kula kulanaa qol fadhi leh oo ku yaala xabsiga dhexdiisa, oo kuraas taalo, qolkaasoo aay qolada xabsiga na siiyeen, khaasatan wadaado muslimiin ah oo meesha ka shaqeeya .
Ujeedada aan u sameeynay arintaan ayaa waxa aay tahay , maadaama soomaalida yihiin qolada ugu badan ee muslimiinta ah ee meesha ku jirtaa , in aan caawino sidii ilmahaan aaney mar danbe xabsiga dib ugu soo noqonin , una heli lahaayeen caawin markii aay ka baxaan xabsiga , niyadana loo dhiso oo la tuso in aay jiraan dad ka mid ah Jaaliyadooda , oo arintooda ka warqaba, lana qeybsanaya xaalada adag oo aay ku jirtaan , sidoo kale waxaan sameeynaaa wada sheekeysi furan, waxaana ka dhageeysanaa qof kastaa , waxyaabihii uu sameeyey ama sameyn jiray, iyo sida aay la tahaya in arintaan looga hortagi karo ama wax looga qaban karo .
Dhalinyaradu waxeey galeen danbiyo kala duwan , oo waaweyn danbiyada aay galena waxaa ka mid ah, .. Dhac hubeysan, Dil, Daroogo gadid. Dagaal, iyo waxyaabo kale.
Markii aad weeydiisid waxa ku kalifay , ineey waxaan sameeyaan, ama sababta aay in badan oo soomaalida dhalinyaradooda ah u sameeynayaan arimahaan , waxeey si cad kuugu sheegayaan , in ay la kulmeen dayac kaga yimid xaga waalidka , ama qofkii ka masuulka ahaa ee hayey, inta badana marka danbiyada galayaana waalidka maba ka warqababa, oo markii uu ogaado waa mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen , dhibaatooyinka qabaday oo kuu sheegayaana waxaa ka mid ah
1. In baahida ilmaha, aan waalidku isku dayin in la daboolo, oo wixii ilmaha aay doonayaan aana loo iibinin
2. In aan la geeynin meelaha lagu ciyaaro sportska , sida carruraha kale
3. Waxbarashada oo aan laga caawinin caruurta , sidaasna iskuulkii uga hara ama gala kaalin hooseysa ka dibna naca iskuulka
4. Waalidkii oo waxyaabo kale ku mashquulsan sida waxyaabaha ka dhacaya Wadankii Soomaaliya , iyo qabyaalada
5. Hooyooyinkii oo in badan oo ka mid ah lacagtii ku gala Hagbad, ama ku iibsada Dahab, ama guri uga dhista dibadaha , wakhti badana ku bixinaya ineey ku hadlaan Telefoonka intii aay caruurta wakhti siin lahaayeen ,
6. Aabayaashii oo in badan oo ka mid ah aanayba caruurta ka warqabin, oo ku maqan, Qayilaad, ama Makhaayad ka sheekeyn,
7. Arinta kala qornaanta aabaha iyo hooyada ( Separate ) oo iyadana ah arin aad ugu badan bulshadeena dhexdeeda oo caruurta aay ku korayaan waalidkii oo been sheegaya , ka dibna aay dhaceeyso in caruurtii iyana dhinacooda beenta kula dhaqmaan waalidiinta .
Shalay aniga oo jooga xabsiga oo la joogo ilaa iyo tabneeyo ka mid ah dhalinyarda Soomaaliyeed ee xabsiga Feltham ku xiran , ayaan waxaan weeydiiyey wiil ka mid aha wiilasha ugu danbeeye ee xabsiga soo galay , waxa lagu soo xiray, wuxuuna ii sheegay , in lagu soo xiray daroogo gadoow, oo uu guriga ku hayey daroogo badan iyo lacag badan, oo dhawr kun oo Pound gaareysay, waalidkiisana uusan ka warqain oo waalidku ku baraarugay marki Policeka guriga soo jabiyeen, oo qolkii wiilka seexanayey laga soo saaray alaabada.??
Wiil kale wuxuu ii sheegay , oo asigana xabsiga ku cusbaa, in aay dhaceen asiga iyo caruur kale in ka badan 15 Petrol stations oo ku yaala Lonodn, , oo aay lacag badan ka dhaceen , wiil kale wuxuu ii sheegay in Post Office, ka dhaceen lacag aad u badan , sidoo kale wiil kale wuxuu ii sheegay in shopping centre ka mid ah shopping centrada ugu waaweyn London, aay maalin cad gabgabeeyeen , oo dadkii xabadka dhulka u wada dhigeen , oo ka dibna dhaceen , iyagoo Pistolado ku hubeysnaa. Wiil kale wuxuu ii sheegay in aay dhici jireen baabuurka lacagta geeyo Bankiyada , oo dhawr jeer markii aay dhaceen ka dib lagu qabtay. Wiil kale wuxuu igu yiri suuqa daroogada ee qeyb ka mid ah London , iyo magaalooyin kale oo ka mid ah UK, aniga ayuu ii xiran yahay, oo waxaan leeyahay shaqaale kala gala laba shift , oo qeyb waxeey gashaa subaxdii 9:00AM—waxeeyna ka baxaan 4:00PM, ka dibna waxaa gala shaqda daroogo gadoowga shift kale , oo ka baxa 10:00PM, wuxuuna igu yiri canugii shaqeeya hal shift wuxuu qaataa £100: ..hadii laba shift shaqeeyana wuxuu qaadanayaa £200:00, waxa u shaqeeyana kulli waa soomaali, ???????
Su,aashu waxeey tahay canug lacagtaa arkay iskuul ma dhiganayaa , ama wax ma baranayaa , marka waa muhiim in ka hortag weyn la sameeyo ????
Wiilal kale waxeey ii sheegeen in aay sameeyeen afduub, oo aay dad soo afduubteen , oo sidaa lagu soo xiray ,. in kale oo ka mid ah wiilasha waxeey ii sheegeen in ay geysteen dilal kala duwan .
Isku soo wada duuboo arimahaan iyaga ah waa arimo aan hal maqaal looga sheekeyn Karin , waana arin aad u xanuun badan, oo waxaan lumineynaa jiilal dhan , waana arin u baahan gurmad deg deg ah oo habeysan , waana arin aay xil ka saaran tahay qofkastaa oo wax garad ah , oo ku nool wadankaan UK, ama wadamada kale ee reer galbeedka oo Soomaalidu usoo qaxday . Iyada oo aan xabsiga ugu badanahay ayaa hadana waxaa la layahay dad soomaaliyeed oo wanaag doon ah oo in ka mid ah wakhtigooda ku bixiya in aay soo booqdaan xabsiyada , oo gacan ka geystaan caawinta caruurtaan xiran, .
Ugu danbeyntii soomaalida degan London, waxaan ka codsanayaa ineey nagala qeyb qaataan barnaamijkaan, wakhtigoodana in yar ka bixiyaan , si howshaan aan biloownay aaney u joogsanin , una gaarsiino xabsiyada kale, ee aay ka buuxaan dhallaankeena , waxaan ka codsanayaa cid kastaa oo arintaa ineey ka qeybqaadato diyaar u ah ineey igala soo xiriirto ciwaankaan hoos ku qoran
Abdullahi Nur Osman
Access for Support and Development centre
10 High Street,
Southall
Middx ,
UB1 3DA
Tel 0208 574 1228
Mob; 07961 326 923
Email: Aosman66@yahoo.co.uk