April 24th, 2008
10-04-2008

Wixii Waranlayaasha Fashiliyey Oo Wadaadadana Godka U Wada



Markii nidaamkii Siyaad Barre uu hogaaminayey lagala kulmay caburin , cadaalad darro iyo dil iyo duqayn uu kala kacay shacabkii Soomaaliyeed ayaa waxaa dalka ka hana qaaday jabhado ku salaysmay qabyaalad taasoo ayaan darro kale ahayd.

Jabhaduhu waxay noqdeen dulmi diide hadana dulmi doonaya. Waxay sheegeen inay ka dagaallamayaan Qarankii oo la qabiileeyey  waxayna hor kacayeen kacdoon qabiilaysan oo sadbursi doon ah. Ma dhicin in Jabhadii kacay midooban oo ka sal ballaartaan qabiil qura.

Khilaafkii ka dhex dillaacay jabhadahaa iyo daruufo kaleba waxay dalkii galiyeen dagaal sokeeye oo lagu hoobto, waxaana meeshii ka baxay dowladdii dhexe ee isku haysay jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Jabahaddii iyadu ku sugnayd Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa u kala qaybsantay dhawr jabhadood oo dagaal ba’an uu dhex maray. Waxaa qaybihii ka farcamay hogaamiyayaal ka noqday rag aqoontoodu liidato oo darawallo iyo laba aliflayaal u badnaa. Ma aysan ahayn saraakiil-aqooneed  ama waxgarad kale oo aqoon magansanaya.
Markii Maxkamadaha Islaamka ay soo baxeen, Koonfur inteeda bandanna gacanta ku dhigeen  waxaa laga filayey inay aqoonta diineed u baxsan doonaan maadaama lagu waday inay ka damiir roonaayeen qabqablayaashii, wax qabad samafal iyo waxbarasho u bandanna horey looga arkay.

Ayaan darro waxay noqotay  markii xoogaggii Maxkamadaha ay ka dhex dillaaceen koox gaar u samaynayd, ajanda gaar ahna lahayd oo aan iyaga marka ujeedadoodu ku koobnayn  Soomaaliya oo hesha nidaam shacabku raalli ka yahay.

Waxay durba isaga baxeen xoogaggii Maxkamadaha oo ay shalay ku hoos jireen, waxayna maalinba si dadban usoo ifinayeen inay xiriir la leeyihiin xoogagga ay Alqaacida, iyagoo sheegahaya inay ku jiraan dagaal furan oo Gaalada iyo Muslimiinta u dhexeeya! Waxay khidaabkooda ama bareerahooda ku badan inay fulinayaan amar Alle siiyey oo ah inay gaalada kuwa ugu dhaw la dagaallamaan amaba ay fulinayaan amar  Alle uu ku siiyey in gaalada la baqo galiyo ama lala dagallamo intii Talada caalamka oo idil lagala wareegayo.

Mashruucoodan ay sidan u dhigeen ma aha mid ay Culimada Soomaaliyeed  ee ka aqoonta badan wax ka waydiinayaan, mana ah xitaa mid ay kala tashanayaan xoogagga kale ee iska caabinta kula jira. Soomaaliya oo ah meesha dunida caalamka ugu liidata marka ay noqoto awood dhaqaale, aqooneed ama ciidan ayay doonayaan inay saldhig uga dhigaan dagaal caalamka aan Muslimka ahayn oo idil lagula jiro iyadoo aysan tani ahayn mid ay kala tashanayaan caalamka Islaamka iyo gaar ahaan shacabka Soomaliyeed ee iyagu degan dhulka mashruucan la rabo in laga fuliyo ama gabbaad looga dhigo.

Haddii ay shalay jabahadii Muqdisho kahana qaaday ay hogaaminyeen labo aliflayaal iyo darawallo, waxaa mashruucan gaarka uga baxay iskacaabinta ee Shabaabka loogu magac daray hogaaminaya rag dhallinyaro ah oo aqoontooda diineed iyo mida kaleba ay xadidan tahay. Inta hogaankooda ay kasoo bandhigeen kuma jiraan rag shahaadooyin Jaamacadeed ee sarsare ku haysta aqoon diineed ama mid kaleba, badankoodna malaha aqoon iyo khibrad ay kula socdaan sida maanta caalamkan  u shaqeeyo, fahamkooda diintana waa mid aragti gaabni iyo qar-iska-tuur ka muuqato. Labaatan jir intuu geed ka boodo buu talo ka boodaana kama marna meesha. Shabaabka fahamkooda islaamka ma aha mid ku xarig xiran inta badan Culimada Islaamka ee dunida Muslimka iyo Soomaaliya,  kuwa haatan jooga iyo kuwii horeba. Waxaana sida ay aayadaha quranka u hawl galinayaan ka muuqata soo bargoyn iyo ka bixin aayadaha siyaaqii ama taxanihii iyo duruuftii ay  ku jireen ama ka hadlayeen.

Aayadaha ay aadka u daliilshadaan ayaa waxaa ka mid ah aayadda macnaheedu yahay “U diyaarsada wixii aad kartaan ee awood, oo aad ku baqo gelinaysaan cadawga Alle iyo cadawgiina….”  Hadaba hadalkan oo muslimiinta oo idil ku wajahan ma jirtaa wax awood ah (Dhaqaale, Hub, Ciidan, Cilmi…iwm) oo iska dhaaf Shabaab’e Soomaali u diyaarsan oo cadawga Muslimiinta lagu cabsi gelin karo?!

Cid aan xitaa rasaasta ugu yar samaysan karin inay wakiil isaga dhigto Musliimiinta oo idil, ayna ku dhawaaqo inay dagaal la galayso cadawga Islaamka oo idil waa qar iska tuurnimo, waxayna ka hor imaanayaan isla aayadda kor aan ku soo xusnay oo ma jirto awood cadaw Islaam ka baqo oo Soomaaliya lagu hayo balse waxaa jirta taagdarri cadawgaba soo mohan karo ama ka dhigaysa arrinta miskiin ayaa misku la fuulo leh. Haddii waxa loo dagaallamayaa ay tahay  dad dhulkoodii difaacanaya waa arrin la fahmi karo  diin iyo sharci kastanaa ku bannaan, haddiise ay noqoto waxa loo dagaallamayo mid Alle iyo Muslimiinta wakiil looga yahay , cadawga islaamka iyo Allana lagula dagaallamayo markaa waxaa imaanaya in la isweydiiyo su’aallo badan oo asaasi ah oo ay ugu horreyso yaa cadaw Alle ah ama cadow Islaam? Goormaa lala dagaallamayaa? Yaa la dagaallamaya ama ay dhex taalla talada lagula dagaallamayo? Yaa amraya talada dagaalka sideese loola dagaallamayaa? Iyo su’aale kale oo arrina xiriir la yeelanaya.

Waa daruuri in la kala saaraa dad taag daran oo intii karaankooda iska difaacaya cadaw ku soo duulay, waa sida ay waxgarad badan oo duullanka Itoobiya ka dagaallamaya qabaan’e, iyo in la sheegto inba lagu jiro dagaal aan xuduud lahayn oo Alle iyo muslimiinta wakiil looga yahay,  iyadoo aysan tanina ku qotomin faham sax ah oo diinta islaamka ku salayn iyo talo iyo tabar ay inta badan Musliminta guud ahaan ama wadanka markaa la joogo gaar ahaan lagala tashaday gaar ahaanna Culimada, Waxgaradka iyo khubarada ay bulshadaa Muslimka ahi leedahay.

Haddii aan arrinta xikmad, aqoon iyo xamaas iswataa lagu salayn, oo talo da’yar aan aqoon qoto dheer ka duulayn loo hogaansamo ama la iska qaban waayo waxaa qarka loo saran yahay burbur iyo hog iska tuur aayaha shacabka Soomaaliyeed soo wajaha, jabkii ay hogaanka jaahilka ahaa ee jabhada badeen shacabkana wuxuu soo laabanayaa isagoo nooc kale oo ay hor kacyaan wadaado ama dhallinyaro aqoon yari dhan walba ah ka duulaya kuna xiran mashaariic ay hogaaminayaan kuwa iyagaa la nooc ah oo meelo kale ka jira ayna qatyaan ka taagan yihiin waxgaradkii iyo shacabkii ay ka dhex billaabeen hawshan aysan ummadooda kala tashan, kuna qotomin xikmad, aqoon sharciga ah oo sax ah  iyo caqli intaba.

Cabdi Cumar
xorahow@yahoo.co.uk






FAALLO

SUUGAAN