Wargeyska lagu magacaabo Alsharqal awsat ayaa kasoo diyaariyay Haweenka ku xiran Wadanka ciraaq Warbixin aad u dheer iyadoo warbixintuna ay soo diyaarisay saxafiyad Carab ah, waxaana ay ku bilowday warbixinteeda dheereed sida tan:-
Indho Daalan iyo Murugo ayaa kaaga soo muuqanaya marka aad aragto Haweenka ku xiran Xabsiga kuyaalla Magaalada Kaadimiyah oo haweenka ku xiran qaarkood ay yihiinba kuwa iska quustay.
“waxaan ku dhaaranayaa in aan bari ahay oo aanu wax dembi ah laheyn hayeeshee qolada wax baarta waa ay I kufsadeen, waxaanna ku xiranahay Halkani muddo 8-bilood ah mana arkin weli qaadi na xukmiya” waa ereyada dareenka qofka bani’aadamka kicinaya marka uu maqlo ee ay ku hadlayaan Haweenka Ciraaqiyiinta ah ee kujira Xabsiyada Ciraaq.

Waxaa ku xiran xabsiga ku dhawaad 200-haween iyo caruur soconaya halka caruurta kale ee halkaasi ku xiran qaarkood aysan weli xittaa joojin Naaska Hooyada waxaana ay kula nool yihiin Xabsiga Hooyooyinkooda iyaga oo ku xiran goobo gaar ah oo loogu talagalay haweenka, waxaana haweenkaasi kuwada jira haween lagu tuhmayo in ay geysteen dambiyo halka kuwa kalena aysan ogeynba waxa ay u xiran yihiin.
La taliyaha Madaxweynaha Ciraaq dhinaca qaanuunka oo lagu magacaabo Cabdulqaadir ayaa yiri “waxaan uu heysanaa in haweenkaasi ay yihiin kuwa dambi aanu laheyn lakin inta laga helayo warkooda dhabta ah waxay helayaan waxa xaqooda ah oo dastuurkeenna uu dhigayo, waxaana loola macaamilaa si wanaagsan”.
Inkastoo hadalkaasi uu sheegayo lataliyahaasi ayaa hadana waxaa jira haween fara badan oo dadkii u doodayay isla markaana xuquuqdooda u soo dhicinayay ee looyarada ahaa in rasaas lagu furay ama la dilay iyaga oo dhinaca Xabsiyada u soo socda waxaa tiri haweeney kamid ah kuwii xirnaa, sidoo kale haweeney kale ayaa iyaduna waxa ay leedahay “qaadiyaasha qaarkood waxa ay lasoo galaan Gudaha xabsiga Kaamiro video, waxayna u gudbinayaan dad aanan la ogeyn waxaana arrintaasi haatan kahor shaaca ka qaaday Taariq Haashimi xilli uu wareysi siiyay Wargeyska lagu magacaabo Los Anglos Times.
Hadaba haweenka Ciraaqiyiinta iyaga oo sidaasi u cabanaya ayaa dhinaca wazaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Ciraaq waxa ay beenisay warbixintani Wayaha ay soo qortay, Kuxigeenka Wasiirka Wazaaradda cadaaladda ee Wadanka Ciraaq ayaa beeniyay arrintani wuxuuna yiri “Arrinta aad sheegeysaan waxa uu dhaliyay Dood iyo muran fara badan, haweenka xiran haddii ay yihiin Dambiileyaal ma aysan aheyn intaba waa lagu nabadgeliyaa Xabsiga, waxaan kuu qirayaa in aanu ka dhicin xabsiga wax ku tumasho oo dhinaca Xuquuqul Insaanka ah waxaa naloo soo gudbiyay inaga illaa 4-haween in lagu cayaaray lakin markii aan baaritaan ku sameynay waxaan ogaanay in warbixintaasi ay aheyd mid qalad ah oo waxba kama jiraan ah”.
Wazaaraddu wax waliba oo ay sheegto iyo si kasta oo ay isku difaacdo waxaa la hayaa dhacdooyin fara badan oo ku saabsan waxyaabaha ka dhaca xabsiyada kuyaalla wadanka Ciraaq waxaana haya Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Ciraaq iyo qaar kamid ah Hey’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha.Haweeney kamid ah kuwa xabsiga ku xiran isla markaana aheyd maamule dugsi kuyaalla Ciraaq ka aheyd laguna magacaabo Sucaad caziiq Cabaas oo da’deedu ay tahay 30-sano jir ayaa waxa ay sheegtay in waxa lagu hayo uu yahay wax aanan la aqbali Karin, dagaal waliba oo dhaca iyo xilli waliba oo lajoogo.
Haweeneydani lagu magacaabo sucaad waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in iyada iyo gabadheeda oo Jaamici ah, waxaana la xiray hooyadani ciraaqiyadda ah xilli ay raadineysay wiilkeeda oo Injineer ahaa ahaana wiilka keliya ee ay dhashay, waxayna ka baadi goobeysay wiilkeeda goob shidaal laga qodo sanadka markuu ahaa 2004-ta, waxaana xilligaasi ay gargaar ka dalabtay Wazaaradda Xuquuqda Aadanaha ee dowladda Ciraaq iyo dhinacyo kale si ay u hesho wiilkeeda ka maqan lakin wax faa’ido ah uguma soo bixin hooyadaasi isku dayga ay sameysay oo idil.
Maalin ayaa waxaa dhacday in Ciidamo sirdoon ah ay gudaha ugu soo galeen hooyadii gurigeeda, waxaana ay ku xireen meel gooni ah waxaana ay kasoo bixiyeen gurigii meydka wiilkii hooyo Sucaad ay raadineysay, markiiba hooyadii oo naxsan ayaa u soo carartay meydka wiilkeeda oo lagu soo qariyay Gurigeeda in ay ku indha qabawsato lakin Ciidankii ayaa ka diiday waana ay xireen.
Markii la xirayay lama hubin cidda ka dambeysay dilka wiilkaasi lakin waxa ay sheegtay Hooyo sucaad in la weydiiyay keliya markii la geeyay xabsiga yaa dilay ma hooyada mise gabadha.
Hooyo sucaad kahor inta aanan xabsiga lageynin oo guriga loogu soo galay ayaa waxa ay ka sheekeysay wixii la weydiiyay iyo wixii gurigeedda ka dhacay waxayna tiri “waxay igu dhaheen fariiso, Afkaaga xir, waxna hana weydiinin, gurigii ayay bililiqeysteen, wax walibana waa ay xadeen, kadibna xabsiga ayay I keeneen iyaga oo igu xukumay xabsi daa’in iyadoo wax marqaati ah aanan la keenin iyo iyadoo aanan la ogaanin cidda falkaasi dilka ah ku dhaqaaqday”.
Hooyo Sucaad sucaad waxa ay heleysay intii ay xirneyd warbixinnadii ku saabsanaa wiilkeedii oo ay baadi goobeysay waxaana ay ogaatay in wiilkeedii la dilay loona dilay si qaab darran, waxaana meydka wiilkeedii ka muuqday gubasho taasi oo muujineysa in la gubay wiilka kadib markii la dilay.Warbixin sir ah oo la helay ayaa waxa uu sheegayaa in arrintani uu ogaaday Madaxweyne kuxigeenka ciraaq Taarid Haashimi waxaana warqad uu u soo diray Guddoomiyaha qaadiyaasha isaga oo ka codsanaya in dib loo furo kiista Hooyo sucaad lakin waxaa arrintaasi sii dheereyd wargeyska lagu magacaabo Los Anglos Times oo mar wax ka weydiiyay qadiyaddani Qaadiga iyo in uu jiro kufsi lagula koco haweenka xiran iyo sidoo kale in loo geysto jir dil ayaa waxa uu si aad ah uga gaabsaday arrintaasi in uu wax jawaab ah ka bixiyo qaadiga.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda Ciraaq oo la hadlay haweenka xiran qaarkood ayaa waxa ay u sheegeen in afkooda ay ka sheegteen dambiyo aysan gelin kadib markii si aad ah loo jirdilay ayna jir dileen qolada wax baarta, waxaana haweeneydaasi ay tiri “way ii hanjabeen, dharka oo dhan bay iga dhigeen, koronto ayay igu qabteen, iyo qalab kale, markaa kadib aniga waxaan yeelay waxay doonayaan oo ah in aan beentooda u rumeeyo waxaasi oo idilna waxaan sameeyay markaan xanuunsaday”. Arrintani Naxdinta badan waxaa si aad ah isugu qabsaday mas’uuliyiin katirsan dowladda ciraaq oo uu kamid yahay kuxigeenka madaxweynaha ciraaq iyo sidoo kale waziirka Cadaaladda iyo sidoo kale kan xuquuqdul insaanka, waxaana intaasi sii dheer in madaxweyna kuxigeenka Ciraaq uu amar buuxa ku bixiyay in Xabsiyada laga sii daayo haween waliba oo baaritaankooda uu dhamaaday.
Wadamada ay dhibaatooyinka ka dhacaan ayaa inta badan dhibaatada ugu weyn waxa ay kasoo gaartaa Haweenka Caruurta iyo dadka da’da ah, waxaana xukuumadaha kajira wadamada tacaddiyadaasi ay ka dhacayaan ay intooda badan difaacaan Siyaasadooda iyaga oo sidoo kale dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamadooda aanu wax go’aan ah ka qaadan.
Warbixintani waxaa lagu soo daabacay Wargeyska Al-sharqalawsat.
Waxaa Tarjumay :-
Bashir Mohammed Abdulkadir (Al-Bashiir).