April 24th, 2008
12-04-2008

Gubaabo Qaran(1952) Cismaan Yuusuf Keenadiid



Cismaan oo ahaa abwaan aad looga yaqaan geyiga Soomaaliya caanna ku ahaa ururinta suugaanta Soomaalida ayaa tiriyey gabaygan guubaabo gumeysi-diid iyo xornimo-doon ah oo uu soomaalida ku tirtirsiinaayey, kaasoo soo baxay xilligii gumaysiga reer-galbeedku ku hawllanaa inay gobannimadoonka Soomaalida kala dillaalaan ama isku diraan oo rag aan loo malaynaynin masallaha seexsaday. Gabaygan oo uu abwaanku tiriyey 1952 Ma moodaa inuu maanta Soomaalida la hadlayo?


Waa kan gabaygii:


Maan-yariyi Soomaali waa, meheraddeediiye
Maslaxadeedi garan weydey iyo, marinki toosnaaye
Macnahay ku noolan lahayd, maluhu siin waaye
Maamuus la’aan lagu waday, moodayaan nolole
Miis-xuamada haysa iyo dulligu, waw macaan yahaye
Mabsuud weeye baadidoon waxay mudanhayaan ceebe
Muslinnimada sida loo mud-muday, kama masayraane
Maqaanxumada waxajoojey waa muran dhexdoodaaye
Iyagaysu muuqanhayee, moog adduunyada e
Murtiday lahaayeen ayeey, magic ku waayeene
Muwaafaqo kolkii laga gefaa, mowtigood galaye
Anigaa ku miro dhaamayaa, meleg u saarnaaye
Macriifa uma yeeshaan wuxuu, baran masaalkoodde
Macaamilada aadamigu ku jiro, laga madoobeeye
Mardabada addunkiyo cilmigu, umaba muuqdaane
Magan bay shisheeye  u yihiin, meel la joogaba e
Maalin noolba nimanbaa ku fala, waxay ka maagaane
Muquuney ahaayeen sidii, maal la leeyahaye
Raggii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye
Kuwii maqaddimada looga dhigay, waa manfaca-raace
Mar maxaad cuntaan keliya yuu yahay, maqsuudkoode
Nin mushaharo eexeynayaa waa, miskiin dhabahe
Muddiic waxa ka dhigay wa inuu, maarmi-waa yahaye
Muddaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye
Culimadiina damac baa melgoo, mooyi say tahaye
Milladdiyo shareecada bar baa, maal ku iibsadaye
Marsiis iyo maddiidduu ku dhacay, magane diinkiiye
Masala-gaabka iyo ways hayaan, kii mufti ahaaye!
Ardadaa mujaadilo la geli, macallinkeediiye
Midkii dhawr masalo soo bartaan, maaro loo heline
Makastiyo intii caamahay, madax-wareersheene
Hadba xaal muraad lagu wataa, layna maqshiine
Waa waxaan Minhaajkiyo Tuxfaha, meelna kaga oolle!


Waxaa Y. Bullaale ka soo guuriyey Buuga uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise ee “Hilimada Maansadii hore II”, 2005






FAALLO

SUUGAAN