15-04-2005 Masjidkii Arboco rukun iyo Burburkii uu dagaalladii sokeeye ka dhaxlay
Xitaa goobihii ilaahay lagu caabbudi jiray kama aanay badbaadin burburkii dalka oo dhan ka dhacay. xitaa goobihii ilaahay lagu caabbudi jiray kama aanay badbaadin burburkii dalka oo dhan ka dhacay. Masjidkii Arboco rukun oo ka mid ah masaajidda ugu caansan uguna faca wayn magaalada muqdisho,maanta waa mid basaasay,oo baaliyoobay. Marka aad joogto bangigii ganacsiga, waxa uu galbeed ka xigaa ugu badnaan 15 mitir. Munnaaraddiisa duugga ah ee daqarrada rasaastu ku yaallaan ayaad ka garanaysaa in goobtu tahay masjid. Masjidkaasi ilaahay waxa uu khasaaraha la qaybsaday hoteelkii tamashlaha iyo tumashada ku caanbaxay ee Curuba iyo kuwo kale .darbiyadiisa oo idil waxaa burburriyay rasaasta qaarkoodna iskood ayay isaga dumeen . Saqafkii kore waxaa la boobay bilowgii burburka mana aanu helin cid u soo birmata oo baydkaasi ilaahay ka badbaadisa boobka markii ay dad badani bogga u garaacayeen badbaadinta dhismayaal gaar ahaaneed oo aan bac khafiif xitaa laga bililiqaysan. Dusha sare iyo daafaha masjidka wuu ka haawanayaa albaabbo iyo dariishado toona ma lahan. Ariga ,Aadamaha iyo Eeyuhu uma kala soocna masjidka oo intii ay doc ka soo galaan ayay docda kale uga baxaan,waxaana dadka qaarkood ay ku dhiirradeen in ay masjidka ku dhex saxaroodaan. Gudaha masjidka marka aad gasho waxaa ka baxaaya geedo noocyo kala duwan ah,Mixraabkii iyo mimbarkii waxay hoy u noqdeen aboor. waxaad kaloo ku arkaysaa qoraalka Towxiidka oo wali mixraabkii ku dheggan (Dhigan). Masjidka Arboco rukun oo ku yaalla meel deegaan ahaan aad loogu badanyahay aysannaa masaajid kale ka ag dhawayn,ayaanay jirin cid isu xilsaartay in ay dib u dhisto,iyadoo dadka deegaankuna aad ugu baahanyihiin. Liibaan Cabdi Cali
|