April 24th, 2008
19-09-2006

BAAQ UU CAALAMKA ISLAAKA UU JEEDIYEY SHIIKH YUUSUF AL-QARDAWI



Ibraahim Abdi Geele E-mail: geele2003@hotmail.com
Sheikh Yusuf
Ninka caanka ka ah dunidda islaamka ee ah Madaxa Midowga Culumada Muslimiinta ayaa shucuubta islaamka ugu baaqay in ay isu soo bax aan rabshado wadan ay ka sameeyaaan adduunka oo dhan, taasoo la doonayao in lagu muujiyo hadalladii dacaayada ahaa ee uu jeediyey Bope-ka ugu sareeya diinta ma siixiga oo islaamka gaf aad u weyn u geystay.

Waxaa wali aan harin oo sideedii u taagay carada dadka islaamka ah ay muujinayaa xitaa haddii uu bixiyey raali galin inkasta oo ay aheyd raali galin aan la qaadan karin.

Waxaa uu sheegay Sh. Yuusuf Al-qardaawi in ay muslimiintu ka feejignaadaan in ay weeraraan Kaniisahada,  dadka Masiixiga ah, iyo waliba hantidooda in la wax yeeleeyo, taasoo dhalin karta arin aad u adag oo keeni karta in dagaal aad u fool xun uu horseedi karo, kaasoo u dhaxeeya laba xadaaradood ee reer galbeedka iyo xadaarada islaamka. Warka uu islaamka u dirayo sheekha ayaa timid ka dib markii la burburiyey hanti fara badan oo ay leeyihiin dadyowga reer galbeedka ah, taasoo ay sameeyeen dad ka careysan gefka Baadariga Masiixiga ah.

Waxaa uu sheegay wadaadku in uu ka xun yahay dhibaatada uu dhaliyey hadalkaas iyo waliba dhibka ku dhacay dadka aan waxba galabsan ee la wax yeeleeyey, isagoo yiri “ waxaan aad ugu xumahay dhibaatadii ku dhacday dadka lagu wax yeeleeyey inta uu socday mudaaharaadkii xooga badnaa ee ka dhacay aduunka oo dhan oo ay sameynayeen islaamka”.

Dhibka waxaa uu xigasho usioi noqonayaa, sawiradii uu daabaca jaraa’idkii sawirada ka sameeyey ee aflagaadada u geystay NABIGEENA Maxamed (NNKH) mudo hada laga joogo Sanad oo kaliya, taasina waxay sii xoojineysaa dagaalka islaamka iyo reer galbeedka ka dhaxeeya.

Sheekhu waxaa kale oo uu ku eedeeyey Bope-ka Masiixiga ah, in uu sameeyey gef kale isaga oo yiri islaamku waxay si qaldan u fahmeen qudbadaydii aan ka aqriyey Jamalka, taasoo uu ku sheegay in ay islaamku aheyn dadka si qadladan wax u fahmi karaya, oo uu gef kale yahay, taasoo uu bopre-ku ka yiri maalintii axada ee uu qudbada ka aqrinayey fagaaraha weyn ee masiixiyada ku tukadaan, waxaana uu yiri sheekhu “ hadalkaasi ah muslimiintu qudbadeyda qalad ayey u fahmeen waa gef kale oo uu geystay Bopre-ka”.

Waxaa uu intaasi sii raaciyey Sheekhu in dadka hadalka uu yiri Bope-ku uusan cadeyn qaabka uu u yiri laakiin ay tahay in maskaxda uu ku hayo in uu dhib abuuri karo, uuna ka fakaro waxa uu sheegayo Bope-ka, taasoo micno ahaa ah, in hadalka uu jeediyey iyo raaligalintiisu ay ka dhigan yihiin hadal is burinaya, sababta oo ah waxaa uu sheegay in qadal loo fahmay hadana raaligalin la qaadan karo kama uusan bixin hadaladii is daba marka ahaa ee uu jeediyey labadii qudbadoodba.

Waxaa uu yiri, Bope-ka waxa uu ka sheegay diinta islaamku xiligii uu jaamacada la yiraahdo Regensburg maalinimadii Axada waa in uu si la mid ah raali gali u dhiganta ka bixiyaa, uuna ka laabtaa si toos ah hadalkii uu ka jeediyey Jaamacadaas. Waxaa kale oo uu xusay sheekhu hadalkii bishii la soo dhaafay uu jeediyey maxadweynaha dalka maraykanka Bush ee ayaa islaamku in uu fajiste yahay, oo micnaheedu yahay in ay yihiin dad gumaad in la sameeyo mooyaane aan wax kale ganaynin.

Hadalka uu jeediyey Bush iyo midkan uu hadda siidaayey Bope-ka waxaa moodaa in uu
yahay mid hal meel ka soo jeeda ayuu yiri sheekhu Yuusuf Al-qardaawi,

Ma aheyn sheekha oo kaliya dadka ka hadlay arintan ee waxaa kale oo ka hadlay arinta Baadariga Tavican-ka waziirka arimaha dibada dalka masar  Syed Hamid Albar oo sheegay in  islaamku aysan ku qanci karin  hadalkii raali nalinta u ekaa ee uu jeediyay Baadariga ugu weyn Diinta Masiixiga ee u dhashay dalka Jarmalka,  ee dhaxlay kii ka horeeyey isaga.

Waxaa uu sheegay waziirku in uu ka xumahay hadalkaasi uu jeediyey Bope-ka, asagoo joogey magaalada Hafana ee dalkaasi Kuuba ee uu ka socday shirka wadamada siyaasadoodu dhex dhexaadka tahay, oo kulan ku lahaa dalkaasi Kuuba.

Sikas oo ay ahaato, arintani waxaa ka hadlay dalal badan oo ka jawaab celkinayay hadalkiisii islaamku uu ku weeraray, waxaana ka mid ahaa, sazaarada arimha dibada dalka Jarmalka, qaar ka mid ah Vatican-ka iyo dalal kale oo fara badan oo siyaabo kale gadisan ugu jawaab celiyey.

Mahan markii ugu hareysan ee diinta la weeraro Diinta Islaamka, waxaa dhacday dahcdooyin naxdin leh, sida Kabihii sida maldahan loogu qoray kaba eelagu arkay magaalada Hargeysa, Kartoonkii, iyo dacaayadihii ugu dambeeyey ee ay kal geysteen Baadariga iyo Bush.

Waxaa wax ka qoray  Islamonline.net

4.5 / 5 (5 Votes)





FAALLO

SUUGAAN