Tababar u socday 210 macalin oo wax ka dhiga 37 Dugsi oo hoos taga Sanduuqa Gargaarka Afrika, suguna jira Dugsiyada Hoose, kuwa Dhexe iyo Sare, ayaa lagu soo gabogabeeyey xarunta Jaamacadda Muqdisho.
Waxaa tababarkan iska kaashadeen Sanduuqa Gargaarka Afrika xafiiskiisa Soomaaliya iyo Kulliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Muqdisho, waxaana lagu baray macallimiinta iskuulladdaasi macluumaad kala gedisan oo ku saabsan howlaha waxbarashada, waxaana wax ka dhigayay macallimiinta kulliyadda waxbarashada ee Jaamacadda Muqdisho.

10-kii casho ee uu socday tababarkan waxaa macalimiinta la siiyay oo ka socday Madaarisu-salaam kana kala yimid Goboladda la isku yiraahdo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ka soo bilaabanaya Mudug illaa Jubbooyinka, waxayna macalimiintu ahaayeen kuwii si wanaagsan u qaatay cashadarooda la siiyay.
Guddoomiyaha Sanduuqa Gargaarka Afrika qeybtiisa Soomaaliya mudane Max'ed Axmed Maxamed (Beerey) oo ka hadlayay Sanduuqa Gargaarka Afrika waxyaabaha ugu waaweyn ee uu qabto ayaa sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee uu wax ka qabto ay tahay xagga waxbarashada, kaalmeynta dadka abaaruhu waxyeelada kala duwan u geystaan, horumarinta dhismayaasha iskuullada, Qodista iyo dayactirka ceelasha, waxyaabaha kale ee uu mustabalka dhow snduuqa Gargaarka Afrika diyaarinayo waxaa ka mid ah dib u dajinta qaxootiyada iyo caafimaadka. Sanduuqa Gargaarka Afrika xaruntiisa ugu weyn waxay ku taala magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa xubnihii ka hadlay ka mid ahaa Guddoomiyaha dhaqaaqa Bulshada rayidka C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow), Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Xasan, Cali Muudey oo ah madaxa Waxbarashada ee mu'asasadda Zamzam, Prof. Tooxow oo ka socday hay'adda UNESCO iyo weliba Abwaan Maxamuud Max'ed oo halkaasi gabay qiiro leh ka soo jeediyay.