24-08-2006 Xaflad Xanaanda AlMishkaat oo ay Maryan Mursal ku ilmaysay
Maxamed Axmed C/lle Email:afkaxaaji10@hotmail.com
 Ardayda Mishkaat |
|
Waxaa maanta xaflad si weyn loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta Xanaanada Caruurta ee mushtaaq oo hoos tagta Hay’ada Umul khayr xafladaasi oo ahayd mid si weyn ay ugu soo qeyb galeen dhamaan waalidiinta iyo marti sharaf kala duwan waxaana halkaasi lagu soo bandhigay asbaabaha ugu weyn ee loo furay xanaanada caruurta iyo baahida weyn ee loo qabo in caruurta soomaaliyeed ay ka faa’deystaan waxbarashada aasaasiga ah .
waxaana sidoo kale Riwaayad si weyn loola dhacay ka dhigay caruurta dhigata Xanaanada iyagoo soo bandhigay faa’dada ay leedahay waxbarashada, iyo dhibaatada haysata ubadka kale ee da’dooda ah ee aan haysan waxbarashada.
 |
| Maryan Mursal oo ka khudbad jeedineysa | Waxaa xafladaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay fanaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise Buutaan oo dhawaan timid Magaalada Muqdisho iyo Godoomiyahii hore ee Gobalka Banaadir Cabdulaahi Xasan Ganey Firinbi oo hadal kooban ka jeediyay xafladaasi isagoo dhiiri geliyay ubadka yaryar kuna amaanay .
 |
| wiil yar oo riwaayad dhigaya | Fanaanada Maryan oo iyadana ka hadashay waxayna sheegtay in ay aad iyo aad ugu faraxsantahay xafladaan waxayna Maryan Mursal aad ugu dheeraatay dhibaatada taalo qurbaha waxayna sheegtay in dhalinyarda ku nool qurbaha qaarkood ay sanka durteen oo ay dhaqankii ka tageen iyadoo halkaasi ku ilmeysay khudbadiina wadi weysay waxayna ugu baaqday maxaakiita islaamiga in ay dalka diinta ku hogaamiyaan ayna u soo jeesanin waxyaabaha yar yar sida shaneemo la xiray wiil ayaa foodii laga jaray waxaana loo baahan yahay howlo waaweyn oo horyaala waxyna tiri ‘’ anagana waan xijaabaneyaa dadkii oo dhan wey soo noqoneyaan ciyaalkana noo tababara” .
 |
| Caruurta ka oohisay Maryan Mursal | Xaliimo Shardi oo Gudoomiye ka ah Hay’adda Umal Kheyr maamulana ka ah Xanaanada Caruurta ee Mishkaat ayaa Goobjoog.com u sheegtay in xanaanada lagu baro caruurta mabaadida islaamka, Quraanka, Xisaabta, loona abuuro jawi ay ku heli karaan tarbiyo Islaamiya.
 |
| Caruur Dhigaysa Riwaayad | Waxayna intaa ku dartay in ay sidoo kale Ha’yadda Umul kheyr ay furtay xaruun kale oo Gabdhuhu ku xifdiyaan quraanka kariimka sidoo kalana leh xanaano, waxaana sida ay noo sheegtay aasaasay xarunta Hablo soomaaliyeed oo daneynaya sidii dumarku u heli lahaayeen fursad waxbarasho, ubadkuna u helilahaayeen tarbiyad saxiixa.
Xanaanada Caruurta ee Mishkaat waxaa ay hormuud ka tahay Xaruumaha ubadka lagu tarbiyeeyo ee farakutiriska ah ee ka furan Muqdisho, lehna tayo tacliimeed oo aad u heersareysa.
|