April 24th, 2008
20-04-2005

Doorashooyinka May 2005 Iyo Muslimiinta UK



Waxaa Waraysiga Qaaday Abdikadir Warsame
Guddomiya ururka Muslim Association of Britain
Waxaa haatan soo dhaw waqtigii ay dhici lahaayeen doorashooyinka guud ee dalkan Boqortooyada Midawday (UK) oo la filayo inay dhacaan bisha May 2005. Doorashada ayay ku tartamayaan xisibiyada kala duwan ee dalka sidii ay ku hanan lahaayeen hogaaminta shacabka, iyadoo qolo walbaahi la imaanayso barnaamijka ay doonayso inay ku hesho codadka shacabka. Waxaa waayahan danbe isa soo taraya muslimiinta dalkan ku nool ee xaqqa u leh inay codeeyaan, wacyiga muslimiinta ee ahamiyadda ay u leedahay codaynta iyo danaynta ay xisbiyada kala duwan siinayaan codka muslimiinta.

Hadaba Goobjoog waxay ku dadaali doontaa mudadada ka harsan doorashada inay mawduucan wax ka qorto, samaysana waraysiyo ay la yeelanayso qaybo kala duwan oo ka mid ah Bulashada dalkan. Waxaan maanta ku billaabi doonnaa waraysi aan la yeelanayno gudoomiyaha Xiriirka Muslimiinta UK (MAB), mudane Axmed Sh. Maxamed (Tiir).

Goobjoog: Waxaa haatan soo dhaw oo ololohoodii durba lagu jiraa doorashoyinkii guud ee dalkan ka dhici jiray ee u dhexeeyey xisbiyada kala duwan, Hadaba MAB iyo urrurrada la hal maala muxuu yahay kutala galkooda?

Ahmed Sheekh: Marka hore waad ku mahadsan tihiin fursaddan aad i siiseen iyo hawsha warbaahineed ee aad u haysaan Bulshada. Waxaan soo wadnay wacyi galinta Muslimiinta muddo dhawr sano ah, gaar ahaan doorashooyinkii ugu danbeeyey, oo aan jaaliyadda Muslimiinta kala hadalnay ahamiyadda codaynta iyo dadka ay u codaynayaan.

Sanadkan, innagoo ka faa’iidaysanayna khibraddii hore, ayaan innagoo dhawr urur oo ay ku jiraan kuwa ugu muhiimsan Jaaliyadda Muslimiinta qabannay workshop (hawl kooxeedyo) lagu daraasaynayo arrinta Doorashada, waxaana lasoo bandhigay dhawr warqadood iyadoo ugu danbayntiina la isla gaaray dhawr arrimood.

Goobjoog: Maxaa ugu muhiimsanaa arrinmaha aad kawada hesheen iyo go’aannada aad gaarteen?

 Ahmed Sheekh: Waxa lasoo bandhigay dhawr mawduuc oo ka kala hadlayey, Maxay U Codaynayaan Muslimiinta UK, iyo Daraasado lagu sameeyey Xisbiyada ama murashxiinta kala duwan, innagoo ugu danbayntiina isla gaarnay dhawr qodob oo ay ugu muhiimsan tahay:-
1. In muslimiintu codaynta ka qayb galaan oo aysan danahooda ka aamusin, Maxaa yeelay haddii aadan codkaada u adeegsan sidii aad danahaada ku xaqiijin lahayd, ama isaga fogayn lahayd hadba kii kuu cadaawa badan, waxaad noqonaysaa wax magarato..
2. In aysan jirin xisbi ay muslimiintu u codaynayaan iyo mid ay ka soo horjeedaan balse la eegayo murashax kasta ee iska rashaxaya meel cod ku leeyihiin muslimiinta, mawqifka uu ka taagan yahay dhawr arrimood oo aan u aragnay inay danaha muslimiinta yihiin oo hadba markaa kii u dhaw danahaa la doorto (Smart Voting).

Goobjoog:Yaa ka mid ahaa ururrad hawshan idinkala qayb galay  Maxayse tahay qodobbada aad isla soo qaadeen inay ka duulaan muslimiintu marka ay codaynayaan?

Ahmed Sheekh: Waxaa ururradii kulanka nagala qayb galay ka mid ahaa Muslim Council of Britain (MCB) oo ah urur ay hoos tagaan boqollaal ka mid ah xarumaha iyo ururrada muslimka ah ee ka jira dalkan oo isaguna soo saari doona qoraallo la xariira doorashada iyo ururro kale oo badan.

Wixii aan isla gaarnay waa in codaynta muslimiintu ahaato mid caqli iyo taagtiig ku dhisan oo qofka muslimka ah wax ku misaamo marka uu codaynayo arrima soo socda:-
1. Mawqifka murashaxa aad u codaynayso ama xisbigiisa ay ka taagan yihiin arrimaha horumarinta tacliinta, caafimaadka, socdaalka iyo soo galootiga, adeegga bulshada, ka dhigista adeegyada guud kuwa gaar loo leeyahay iwm. Waxaan u aragnaa in muslimiinta iyo danyartuba ay dan ugu jirto sida xisbiga ama murashuxu u taageersan yahay horumarinta adeegga guud iyo sida uu u diiddan yahay gaar yeelista danaha guud taasoo ay dan ugu jirto dadka ladan oo qura.
2. Sidoo kale mawqifka murashaxu ama xisbigu ka taagan yahay xorriyadda shacabka, La dagaallanka argagixisada oo dulmi badan ku hoos jiro, iyo inaan muslimiinta aan la faquuqin diintooda darteed.
3. ugu danbayn mawqifka murashaxa ama xisbigu ka taagan danaha guud ee muslimiinta caalamka sida gumaysiga Ciraaq ka jira iyo Falastiin.

Goobjoog: Ma jirtaa wax daraasad ah oo aad ka samayseen meelaha muslimiinta codkoodu saamayn ka yeelan karo, iyo murashxiita goobahaas daraaso la xiriirta, si mawqifkiisa ugu sii caddaado muslimiinta codaynaysa?

Ahmed Sheekh:  Haa waa jirtaa, iyadoo faahfaahsanna waxaa laga heli karaa website-ka www.mabonline.net. Waxaa jira ilaa 25 degaan doorasho oo muslimiinta ay aad ugu badan yihiin oo meelaha qaar ay gaarayaan 32% dadka codaynaya. Waxaa jira oo kale ilaa 60 degaan-codayn oo ay gaarayaan ilaa iyo 10% iyo ka badan oo ay kari karaan haddii ay codkooda isu geeyaan inay wax kala rajaxaan, oo sida aad og tahay meelaha qaar waxay murashixinta ku kala baxaan dhawr boqol oo cod.
 
Goobjoog: Ma jirtaa wax xiriir ah oo arrinta doorashada aad kala samayseen xisbiyada waaweyn ee dalka ama ay iyagu idinla soo sameeyeen?

Ahmed Sheekh: Haa waa jirtaa oo waxaan dhawaan la kulannay gudoomiyaha xisbiga Liberal Democratic, Charles oo aan kala hadalnay mawqifka xisbigiisa arrimaha ay ka mid yihiin Civil Liberty (xorriyadda shacabka), Qaanuunka Argagixisada, Xeerka laga soo saarayo in islaamka lagu daro waxyaalaha hoos imaanaya xeerka la dagallamaya cunsuriyeynta, isagoo tilmaamay weliba dhibaatooyinka ku hoos duugnaan kara in xeerkaa la meel mariyo.

Sidoo kale waxaan la kulannay wasiirka Arrimaha gudaha oo dhawaan nagala qayb galay kulan loo qabtay sanad guuradii 30aad ee Muslim Welfare House oo aan gudoomihyaheeda ahay iyo madax kale oo badan oo ka tirsan xisbiyada dalka hoggaankiisa u tartamaya.
 
Ahmed Sheekh: Waxaa jira codad aan badnayn oo jaaliyadda ka dhex wada inaanba doorashada laga qayb galin oo diin ahaan aysan bannaanayn, sidee u aragtaa arrintaas?

Gud. MAB: Ma filayo inuu jiro sheikh la yaqaanno, oo la tixgelin karo, oo arrintan diiday, bal taa liddigeeda waxaa jira fatwooyin ay soo saareen Culimada Muslimiinta Galbeedka ku nool, iyo Golaha Fatwada iyo Baarintanka Yurub oo ay dhammaan sheegayaan in ay muhiim tahay inay muslimiinta ka qayb qaataan doorashooyinkaa, iyagoo dooranaya ciddii u xaqiijinaysa inta ugu badan ee danahooda, kana codaynaya ciddii ka dhan ah danahooda, sida xisbiyada cunsuriyadda ee ku dhaadanaya inay dhibaato badaan muslimiinta ku sugan dalalkan. Waxaa ka mid ah ujeedooyinka iyo xeerarka shareecad islaamka in la fogeeyo laba dhib kii wayn, lana xaqiijiyo laba nafci kii badan, waana garaad xumo in aan la codayn oo doorashada degaannada muslimiintu ku badan yihiin ka  kasoo baxaan xisbiyo ama  murashixiin si ba’an uga soo horjeeda danaha muslimiinta.

Goobjoog: Sidee jaaliyadda ku gaarsiinaysaan mashruucan isaga ah, maadaama ay masaajidda inta badan ogolayn inay wax siyaasad ah ka hadlaanba?

Ahmed Sheekh: Sidaa ma aha arrintu waxaa jira ilaa iyo 500 urur ama masjid oo xubin ka ah Muslim Council of Britain (MCB), waxaana  mid walba gaari doona mawqifka ururka ee ku aaddan doorashooyinka. Sidoo kale waxaan qaybin doonnaa leaflet ama waraaqo ay ku daabacan yihiiin arrimahan oo laga qaybin doono masaajidda, waxaan kaloo adeegsan doonnaa warbaahinta kala duwan. Kaalinteennu waa wacyi gelin, oo haatan ma kari karno in degaan-doorasho kasta muslimiinta degan kulamo u abaabulno looga hadlayo arrimahan iyo murashixiinta halkaa ka rashaxan iyo kooda ugu mudan codkooda siinaya kalana hadlaya danaha uu u xaqiijinayo. Waxaan si gaar ah ugu dadaali doonnaa 25 goobood ee ay aadka ugu badan yihiin muslimiinta.

Goobjoog: Maadaama aad Soomaali tahay, muddana ku nooleed dalkan, aadna ka warqabto sida in badan oo Soomaali ah ay ugaba war la’ yihiin ahamiyadda doorashoyinka maxaad ka dhihi lahayd arrintaa?

Ahmed Sheekh: Soomaalidu waxay ka mid yihiin jaaliyadihii ugu danbeeyey ee dalkan yimaada, mar walba oo ay muddo sii joogaanna wacyigoodu waa sii kordhayaa, Waxaan shakhsi ahaan ku dhiirro gelinayaa inay ka qayb galaan codaynta, oo ay u codeeyaan murashixii ay arkaan inuu u dhaw yahay xaqiijinta danaha Soomalida iyo guud ahaan muslimiinta iyo dadka laga tiro badan yahay, iyagoo ka codaynaya kuwa xag jira ee neceb dadka laga badan yahay ee Soomaali iyo muslim ahaanba aan ka mid nahay. Xaqna ma ah inaad sinto oo isaga aamusto laba murashax oo midna xuquuqda dadka laga tiro badan yahay u doodayo midna cadaadis iyo culays saarayo.

Goobjoog: Maxaad ugu danbayn u sheegaysaa musliminta dalkan gaar ahaan Soomalida?

Ahmed Sheekh: Waxaan kula dardaarmayaa in inta garanaysa ahamiyadda Doorashada ay baraarujiyaan inta kale, warbaahintuna kaalin ka qaadato sidii codka muslimiinta iyo soomaaliduba uu u yeelaan lahaa mudnaantiisa oo ay danahooda ugu xaqiijisan lahaayeen, gaar ahaan waxaan rajaynyaa in marba marka ka danbaysa ay is abaabuli doonaan si codkoodu saamaynta ugu ballaaran ee uu yeelan karo la gaaro, waxna ku goostaan

Goobjoog:  Waad mahadsan tahay
Ahmed Sheekh:  adinkaa mudan


 

2 / 5 (1 Votes)




Your name:
Your email:
Subject:
Comment Text:



New Page 1

Comment/Tacliiq

faysal axmed faraad
Wed, 06 Sep 2006 10:00:44 -0700
salaan dhamaan waxaan ku booronlahaa dhamaan muslimiinta ku nool uk gaar ahaan soomalida inaan loo codayn xisbiga hada wadanka ka taliya kaas oo ah cadawgeena iyo cadawga illahay
FAALLO

SUUGAAN