April 24th, 2008
08-12-2005

Shariifka Oo Ka Wax laga Waydiiyey Hawlagallada Maxkamadaha



Farah Salad
Waxaa Goob usuuro gashay inuu waraysi la yeesho Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Muxuyadiin Gudoomiyaha Midowga Maxaaki Islaamiga Gobolka Banaadir. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayayna waxaa uu u dhacay sidatan:-

S)Sheekh Shariif waxaan ugu horen ku weydiinayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaad waddeen howlo ka dhan ah Shaneemooyinka iyo goobaha kale ee maandooriyayaasha lagu iibiyo. Marka waxaad mooddaa in howlgaladiinaasi ay maalmahaan dambe habacsanaani ku timid. Ma waxaa la oran karaa waxa ugu wacan dagaalkii maalin dhoweyd Ciidamadiina iyo kooxo kasoo horjeeda ku dhex maray agagaarka Saldhigga Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho?

J)Xaqiiq ahaan Maxkamaduhu waxay ku howlaayeen ilaha fasaadka ee umadda laga baabi’iyay oo ay ugu waa weynaayeen Shaneemooyinka oo lagasoo abaabulo nabadgalyo xumada, dhaqan xumada, iyo waxa lidka ku ah diinta islaamka iyo anshaxa wanaagsan. Arimahaas meel fiican ayay mareen.Sida aad ka dhawaajisayna waxaa jira dagaal arimahaas ku lug lahaa oo dhacay, waxaana ka dambeeyay howl galo kale oo lagusoo xir xiray Shaneemooyin kala duwan, mana jirto wax habacsanaan ah  oo maxkamadaha ku timid  hase yeeshee markii howl lasoo galo waxaa loo baahanyahay in  dib loo qiimeeyo oo mar kale dib loo abaabulo , waana sidiisii  go’aankii ahaa in Shaleemooyinka  dadka lagala dagaalamo,.waxaana rajeyneynaa inay umaddu nala fahanto  maadaama waxa fasahaadka ku dhacayo ay yihiin ubadkooda isla markaana ay mas’uuliyada dhinacooda nagala qaataan .

 

S) waxa dadka muqdisha ay is weydiinayaan  waa maxay waxa shaneemooyinka kaliya loo beegsanayo iyagoo ay jirtaan wax yaabo ka waa weyn  sida burcada oo magaalada Muqdisho waxay doonta ka sameyso  ayadoon waliba geed ugu soo gaban ?

j) waxaad ogaaneysaa maxkamaduhu meelaha ay ka howl bilaabeen  shenoomooyinka ma aha   ee howl laba sano soo socotay  ayaa shenoomooyinka soo gaartay , waxana ay shaneemadu ay ka mid tahay sidaan horay kuu gu sheegayba ilaha ugu waa weyn ee fasaadku ka yimaado , waxaa laga fiirsadaa aflaanta xun xun oo dad aan nagu diin aheyn oo doonaya inay na baabi’iyaan ay soo sameeyaan . Waxaa jirta in qiso loo gu yeeray dad aqoon u leh la soo qoro  si arintaas ay saameyn dagdag ah umadda ugu yeelato ayadoo dalku uusan dawlad la heyn  oo cid ilaalinaysana  ay san jirin  la soo galsho aflaanta sigiska maandoorinimada daroogada caasi waalid nimada iyo dhamaan akhlaakhda xunxun ka sheekeysa . marka waxaa habon haddii nabad  laga shaqeynayo `in a hortago ilaha nabada wax u dhimayo maxaa yeelay fiirsashada wax yaalahasi xunxun waxaa ku soo dageysa carada alle waxaadna ogaataa shaleemadu wax y saameyn ku yeelaneysaa malaayiin qof  halka ninka burcadka ah laga  yaabo deegaan kaas uu joogo ama cidda la kulanto oo kaliya uu ku koobnaankaro . Arintaan  sheneemo ladirirka sidoo akale waa arin shaqo ku leh amniga laf tirkiisa  maxaayeelay ilaaheey waxa uu leeyahay kuwa I rumeeya ee aan iimaankooda dulmi ku darin waxay helayaan amni ayigaa ku hanuunaaya wadada toosan.Marka anaga waxaan fulinayno waa arimahaas muhiimka.

 

 

S)   Haddii dadku ay maqlaan  maxkamad islaami ah  waxaa isla  markiiba kusoo dagdageysa wax laisu qisaaso sida haddii qof qof  dilo loo dilo. Marka wali madhacday inaad qof qof dilay u disheen ?

J)Waa dhacday runtii in wax la qisaaso, waxaana aad og tahay in ilaahay uu nagu adoonsaday waxaan awoodi karno oo kali. Marka waxaa jira in in nabad galyo xumadii jirtay darteed aan howsha laga bilaabi Karin in wax la qisaaso, hase yeeshee waxaa qasab ah in marka hore jawiga caadigiisii lagu soo celsho markaas kadibna dadka la fahansiiyo waxa loo baahan yahay oo nabadda lagu heli karo. Hadda laakiin waxaan fulinay waa qisaas dadkii ehelada ahaa ay kusoo heshiiyeen, waxyaabaha kale ee dambiyada ah oo bulshadu ay fahmayso inay dhibaato ku yihiin ayagana haddii  alla idmo waan fulin doonaa. Arintaan wali kow majoogto oo waa arin ubaahan shaqo badan iyo in umaddu ay aad wax u fahanto maxaayeelay waxaa jira in idaacadaha iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan ay wax been ah maxkamadaha ka sheegaan.

 

S)Guulaha ugu waaween ee aad gaarteen intaad dib isu abaabusheyn hadaad tihiin maxaakimta islaamiga ah maxaa ka mid ah?

J)Guulaha ugu waaween waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho oo lagu  dhex soconwaayay oo baabuurtii iyo dadkii inta la qabsado dadkii iskalahaa dib looga iibsado in manta uu af duubkaasi istaagay. waxaana guushaasi soohooyay dadkoo dhan ee maaha in maxkamaduhu ay kaligood keeneen. waana guul weyn in dadka muslimiinta ay isku filnaadaan oo ay kaligood wax qabsadaan iyagoo ka amar qaadanaya ilaaheygii abuurtay halkii ay dhici jirtay in umaddu ay talo ka qaadato cadawga ilaahey oo ah reer galbeedka.

 

S)Maxaad is leedihiin way jiraan wax khasaare ah oo idin soo gaaray oo aad waliba ka qoomameynaysaan in khasaarooyinkaasoo kale ay idin soo gaaraan ?

J)Dhibaatooyinka ugu waaween waxey noogaga imaanayaan boro bogaandada cadowga ilaahay ay ka fidinayaan islaamka iyo dadka naftooda iyo waqtigooda u huray inay badbaadiyaan umadda kuna badbaadiyaan kitaabka alle. taas ayaa ugu weyn oo runti maanta khatar ku ah muslimiinta .waxaad ogtahay in dadka soomaaliyeed oo leysu adeegsado ay maanta gaartay in nin soomaaliya loo qabto waa muslim oo gaaladaa neceb oo laga iibsado gaalo. waa khasaaro weyn oo wadnuhu nala xanuunayo markii aan aritaasi maqalno oo aanan isleenahay waxna kama qaban kartaan oo awoodiina ma gaarin .

 

S)Xageed ka heshaan dhaqaalaha howsha inaa la eg aad ku fulinaysaan ?

J)Dadkan dad dhaqaalo helo ma ahan waa dad mutadawiciina waxaa laga yaabaa in dad muxsiniin ah oo ganacsato soomaaliyeeda wax laga soo shax shaxaado, waxaane ay howshu ku socoto fadliga ilaahey ee howl dhaqaale ku socoto maahan.

      S)Waxaad ugtahay in magaala Muqdisho uu ka jiro xisbi islaami ah oo la magac baxay  xisbiga midnimada iyo badbaadada umadda soomaaliyeed. Maxaa xiriir ah oo idinka dhexeeyo idinka iyo xisbigaas?

 

J)Xisbigan waa xisbi markii uu arkay kaalinta bannaan ee siyaasadeed ee wadanka ka jirto iyo umadda sida maalin walba loo sii marin habaabinayo oo loo sii duleenaayo isu xilqaamay iney u istaagaan umadii inay fahamsiiyaan in kitaabka iyo sunada nabigaa wax ay ka tageen aysan jirin oo umaddii hogaaminteedii, baraarujinteedii, siyaasadeedii, dhaqaaleheedii, amnigeedii, iyo garsoorkeedii wax walbo oo ay u baahneyd ay kitaabka alle ku jiraan joogsi Marka anagu raggaas waa rag aan is leenahay door weyn ayay umadda u hayaan waxaaana u rajeynaynaa guul.

 

S)Dhanka kale haddii aynu u dhaqaaqno waxaa maal mahaan soo if baxayay in madaxda soomaalida qaarkood ay ka hadlayaan in wadanka Somaliya ay ka buuxaan muslimiinta xag jirka ah iyo kooxo argagixiso oo si cabsi la’aan ah kaga howl galo wadanka. Waxaadna ogsoon tahay  oo ugu dambeeyay injineer munye & xuseen ceydiid inay aritaasi ka hadleen . Maxaad adigu arintaasi ka leedahay. ma jiraan wax argagixisa ah oo wadanka Soomaaliya ka howl gala ?

J)Waan ka xumahay in dad soomaali ah oo islaanimo sheeganaya ay waxaasi ku hadlaan oo diintoodii iyo sharaftoodii ay meel kaga dhacaan.Argagixiso markaad maqashid horta waxaa loola jeedaa waa muslim. Hadii umadda Soomaaliyeed ay islaanimadeedii u soo laabatay oo ay ogaatay inaan gaalo waxba u tarayn hadii warkaasoo kale lagu sheego waxaan u fahmaynaa in loola jeedo soomaalidu waxa ay jecelyihiin inay islaanimadoodii ku dhaqmaan oo macno kale meesha kuma jiro. dalkaana waxaad ogtahay dad ajnabi ah ma qaadi karo oo waa dad isku jinsi iyo luuqad ah cidii soo dhex gashaana si fudud baa looga dareemayaa . marka arimahaasi waa arimo loola jeedo in umadda soomaaliyeed dhibaato loogu geysto iftiinka yare ee hadda u soo baxayo laga damiyo taasna u suuroobi meyso dadka doonaya. Sidaa darteed waxaan leenahay dalkaan argagixiso ma joogto waxaa joogo dad muslimiin ah.

 

S)Mudo sii horeysay waxaad aad uga soo horjeedeen dowladda federalka KMG Soomaaliya. fikirkii hore aad u qabi jirteen ma waxbaa iska badalay mise wali sidiinii ayaa dowladda kaga soo hor jeedaan ?

J)Dowladda meesha lagu soo dhisay iyo sida loosoo dhisay iyo ujeedafa loo soo dhisay oo ay doonayso inay fuliso waa lala socdaa . Haddii dowladdu ay tahay dowlad dalka inay gumeysi gelisa rabta oo dalkii lakala qaybiyo anagu waan ka soo horjeednaa

S)Maxaad ogtihiin oo aad isleedihiin dalkaa lagu kala qeybinayaa oo dowladdu haatan ay wado?

J) taasi waaba iska cadahay oo dowladda iyadaaba idaacadaha ka sheegtay in dalka dhowr qaybood loo qaybiyay

S)Maxaad talaabo ah ee aad qaadaneysaan hadii dowladda sidaan ku sii socoto?

J)Talaabo aan anaga gaar u qaadanayno ma jirto ee dadkaan ka mid nahay dadkana iyagaa laga rabaa inay wixii xun iska difaacaan

                       






Your name:
Your email:
Subject:
Comment Text:



FAALLO

SUUGAAN