April 24th, 2008
22-02-2006

Maraykanka oo muran kataganyahay dekado ay iibsatay Shirkad Imaaratka laga leeyahay



Ishawarka:wakaaladaha wararka
Muran xoogleh ayaa kataagan wadanka maraykanka kaa soo qaar kamid ah mudanayaasha aqaalka Kongarayska maraykanku ay kaga soo horjeedan in shirkada laga leeyahay Imaarada Dubay ee wadanka Imaaraadka Carabtu ay laga iibiyo howlaha maamumulka ee lixdakadood oo kuyaala wadanka maraykanka.


Shirkadaan oo layiraahdo Dubai Ports World ayaa waxay 6.8 bilyan oo dolarka maraykanka ah ku iibsatay shirkada laga leeyahay wadanka Ingiriiska oo layiraahdo "Peninsular and Oriental Steam Navigation" oo iyadu markii horaba gacanta ku haysan qaybo kamid ah lixdaan dakadood oo kala ah New York, Newark, Baltimore, Philadelphia, Miami iyo New Orleans oo ah dekadaha uga waaweyn wadanka marayaka.

Xubno katirsan aqalka Kongaraska oo ka tirsan labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa kasoo horjeestay iibsigaan iyagoo kudoodaaya in shirkadaan oo laga leeyahay wadan ka Imaraadka ay qatar galinkarayso amaanka wadanka maraykanka. Xubnahaan diidan meelmarinta iibsiga dekadahaan  ayaa ku andacoonaya in laba kamid ah raggii qarxiyey sarihii dhaadheeraa ee magaalada New york ay udhasheen wadanka Imaaradka. Waxay kaloo sheegeen in lacagihii lagu qarashgareeyey howlgalkaa qaraxaasna lasoomariyey wadanka Imaraadka arintaani ay suurta galkadhigayso in howlaha shirkadaan ay kusoo dhuuntaan ururka Al-qaacida dabadeedna ay waxyeelahaan dadwaynaha marayakanka.

Hase yeeshee madaxwayne Bush ayaa asagoo taageeray iibsigaan isagoo sheegay in aysan arintaanina waxba udhimaynin amaanka wadanka Maraykanka. Waxaana uu kuhanjabay in uu isticmaalidoono go'aanka fiitada(vita) ooyaqaan haddii mudanayaasha Kongaraysku ay is hortagaan iibsi shirkadaan ee dekadaha wadanka marayakanka.


Shirkada Dubai Ports World oo 15 sani ee lasoodhaafay samaynaysay ganacsi laxirira xaga dekadaha ayaa hadda maamusha  oo gacantah kuhaysa dekado kuyaala wadamada Dominika, faniswela, Jermalka, Romanya, Maroko, Sacudiga, Jabuuti, Indiya, Shinaha, Malayshiya, Koonfur Afrika and Ostraliya.






FAALLO

SUUGAAN