S: Ugu horeyn mudane C/qaadir Faarax Diiriye warbixin ma naga siin kartaa xaaladda guud ee Carwada Hogol?
J: Haa waan idinka siin karaa warbixin guud oo ku saaban Carwada Hogol.
S: Goormaa la aasaasay Carwada Hogol?
J: Waxaa la aasaasay Carwada Hogol sanadku markuu ahaa 1995-kii, waana Carwadii ugu horeysay ee dalka Soomaaliya laga hirgeliyo tan iyo markii dowladii dhexe burburtay.
S: Carwadiina ma leedahay xarumo kale marka laga reebo xaruntan aan haatan ku sugan nahay oo rutii ay yaalaan alaabooyinka kale duwan oo la dhihi karo waa Carwo caalami ah oo la mid ah Carwooyinka Adduunka ku yaala,?
J: Haa Carwada waxay leedahay xarumo kale duwan oo ku yaala caasimadda Muqdisho, tusaala ahaan magaalada Xamar waxa ku yaala ilaa afar xarun Carwadeed oo wada wadaaga magaca Carwada Hogol, waxaan kaloo Carwada Hogol xarumo ay ku leedahay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada B/weyne ee G/Hiiraan iyo deegaanka Guriceel oo ka tirsan G/G/gaduud, sidoo kale Carwada waxay ku leedahay maqaayado caalimi ah gobolada dhexe, xaqiiqdiina howlaha ay Carwada u qabato bulshada Soomaaliyeed waa howlo aad u ballaaran oo dadka intooda badan u wada riyaaqeen.
S: Alaabat aad keentaan ka Carwo ahaan waa sidee tayadooda?
J: Run ahaantii anagoo aan faaneynin, isna xayiisiinaynin waxaan keenaa alaabooyin kale duwan oo taydadooda ay aad u sareyso, waxaana u taagan nahay ka Carwa ahaan haqab tiridda waxyaabaha ay dadkeenna u baahan yihiin, waxayna la saan qadi kartaa Carwadan dhab ahaantii Carwooyinka ku yaala Dunida inteede kale.
S: Maxay yihiin alaabooyinka aad keentaan?
J: Alaabooyinka aan keenno waa ay tiro badn yihiin, halkaana laguma soo koobi karo, hayeeshee waa Carwo laga heli karo waxkasta oo alaabooyinka noocyadooda kale duwan ah.
S: Wax xiriir ah ma la leedihiin Carwooyinka kale eek u yaala magaalada Muqdihsho?
J: Xiriir wanaagsan ayaan la leenahay Carwooyinka kale ee waddanka ku yaala gaar ahaan magaaladan Xamar.
S: Maadaama aad tahay madax suuq geynta Carwada Hogol Carwadiina weli wax qasaaro ah ma la kulantay tan iyo markii la unkay?
J: Dabcan ma dhihi karo Carwada lama kulmin wax qasaaro ah, laakiin waxaan dhihi karaa waa macquul inay marar dhaceen qasaarooyin maxaayeelay sharciga ganaciga ayaaba ah inaad qasaarto iyo inaad faa’iddo, balse waxaan oran karaa ma badno qasaaraha Carwada Hogol, soo wajahay tan iyo xilligii la yegleelay, sababtoo ah waxa maamula Carwada Hogol dad aqoon u leh cimiga ganacsiga iyo shaqaalo holwkar ah oo ka adag shaqadooda.
S: Ka Carwa ahaan ma ka qeyb qaadataan howlaha lagu hormarinayo arrimaha bulshada?
J: Xaashaa lilaahi, waan ka qeyb qaadannaa arrimah lagu hormarinayo bulshada qeybaheeda kal duwan haddii ay noqon lahayd caawinta dadka masaakiinta islamarkaana tabaaleysan sida dadka qaxootiga ah ee ku barakacay dagaaladii sokeeye.
S: Maxay uga duwan tahay Carwadiina Hogol Carwooyinka kale ee ku yaala magaalada Muqdisho?
J: Waxay Carwadeenna kaga duwan tahay Carwooyinka kale waxyaabo faro badan oo ay ugu horeyn ka mid tahay u gagaaridda dadka tabaaleysan, una baahan in la gargaaro iyo weliba ka qeyb qaadashasha barnaamijyada lagu hormarinayo shacaka Soomaaliyeed.
S: Md. C/qaadir shirkaddan ma waxaa leh shaqsi mise waa Carwo dad isku tagay oo saami wadaaga ah ay wada leeyihiin?
J: Carwadan shaqsi malaha, laakiin waxaa leh dad shirkad ah oo isku tagay.
S: Ugu dambeyntii maxaa ugu baaqi lahayd dadka Soomaaliyeed gaare ahaan kuwooda ganacsatada ah?
J: Waxaan ugu baaqi lahaa guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sidii ummadda Soomaaliyeed dhibaatada looga saari lahaa, kana shaqeeyaan hormarinta bulshadooda, una adeegaan danta guud iyagoo meesha ka saaraya danta gaar ahaaneed, taasoo maanta na dhaxalsiisyey heerka aan taagan nahay.
Waxaa wareystay: Axmedsaadaq Yuusuf iyo Maxamed Axmed
Email:afkaxaaji10@hotmail.com,saadaqcade@yahoo.com