Goobjoog: Sideed u aragtaa soo gelitaanka ciidamada Itoobiya, mase kula tahay inay dalka ka baxayaan?Md Tarsan: Waxay dalka Soomaaliya kusoo galeen, kuna joogaan si sharcidarro ah, waxay geysteen kufsi, dhac, bililiqo, waxay laayeen shacabkii Oromada oo qaarkood ayba ku barbaareen Soomaaliya, dhulkoodii hooyana aysan arag. Maadaama waxa dhacaya ay yihiin danbiyo ka dhan ah insaanimada, waxaan ka codsanayaa in bulshada rayidka ah iyo hay’adaha xuquuq insaanka u dooda inay diiwaan galiyaan waxa dhibaato loo gaysanayo shacabka Soomaaliyeed iyo ummadaha ku dhex noolba, si maalintii ay timaaddo loola xisaabtamo Tigreega iyo kuwa soo hor kacayba.
Xagga bixitaanka ma filayo inay dalka si nabad ah uga baxayaan balase laba khiyaar baa u furan Soomaalida oo kala ah; in xabashida la isu dhiibo oo sidii ay doonaan ka yeelaan soomaalida oo dullinimo aan ku noolaanno jiilalka soo socda iyo in la iska caabiyo ilaa ay dalkeenna ka baxaan, tan danbe ayaanan qabaa oo sharaftii iyo haybaddii islaamnimo iyo soomaalinimoba kusoo ceshan karaa. Mar Geeddi ka hadlayey ka bixitaanka ayaan dhegeystay isagoo leh waxay ku xiran tahay sida shacabka Soomaaliyeed usoo dhaweeyo ciidamadan itoobiyaanka ah!! Mana ahan tani mid uu aqbali karo qof xor ah.
Goobjoog: Sideed u aragtaa duqaynta Maraynkanku ku hayo koonfurta Soomaaliya?
Md Tarsan: Duqaynta loo gaysanayo Shacabka iyo xoolahooda waa mid kasoo horjeedda sharciyada caalamiga ah oo canbaarayn caalami ahna ay ka raacday, waxaase wax laga xumaado ah C/llaahi Yuusuf oo madaxweyne sheeganaya inuu kaga jawaabo ma hubo, idaacadaha ayaan ka maqlay, balse haddii ay jirto Maraykanka xaq buu u leeyahay inuu meeshii kasta uu alqaacida ku tuhmo uu duqeeyo taasoo caalamkii ka fajicisay!! Waxaa ku waafaqay Geeddi iyo ina Caydiid oo horey u sheegay warar laga anfariiro, iyadoo ina caydiid kusii daray ciidanka lugtana ku imaada!! Yaa shacabka u doodaya oo matala oo dawlad u ah. Ma faliyo aragtidayda in kuwa sidan u hadlaya ay matalaan.
Goobjoog: Hub ka dhigista Muqdisho ka socota sideed u aragtaa?
Md Tarsan: Horta Shacabka Soomaliyeed waxaan kula talinayaa inaysan hubkooda iska dhiibin inta ay dalka joogaan ciidamada xabashida ah, waxaan xasuusinayaa gabaygii Sayidka ee erayadiisa ay ka mid ahaayeen;
Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraade
Marka xiga hubka yaa loo dhiibaa mar haddii uusan ciidan qaran oo dhab ah jirin, ma degaannada qaar baa laga rabaa inay hubkooda maleeshiyo beeleed kale ku wareejiyaan.
Goobjoog: Sideed u aragtaa Maamul u samaynta gobollada qaar ee la sheegay inay wareegto madaxweyne ku timid?
Md Tarsan: Horta dastuurka KMG ah waxaa ku cad in dalku maamulkiisa federaal yahay oo degaan walbana ay madaxdooda soo dooranayaan, Marka dastuurkii oo la baal maray ayey noqonaysaa haddii la yiraahdo gobollada qaar baa loo magacaabayaa madaxdooda!! Sidoo kale waxan la cadaynin sida federaalku yahay iyo gobollada is raacaya, waxaaad mooddaa in magaca fedaralaa laga yiri oo Somaliland iyo Puntland ay sidaa ku baxsanayaan, halka gobollada koonfureed aad mooddo in loola dhaqmayo sidii dawladii dhexe ee Siyaad Barre oo kale.
Goobjoog: Sidee u aragtaa Xukunka malatari ee uu anisixyey BFKMG ah?
Md Tarsan: Inkastoo Baarlamaanka sidii lagu soo xulay aan ogayn iyo sida ay u liidato tayada inta badan xubnihiisa ayaa hadana waxaa ugu darsamay inuu gumaysi ka hoos shaqeeyo taasoo keenaysa in wax walba laga fisho, mar haddii aysan madax bannaani dhab ah haysan. Waxaan u arkaa inay kasoo horjeeddo Chartarka iyo habkii lagu saleeyey DFKMG ah. Waxaa sidani dhalaysaa nidaamkii kali taliska ahaa ee shacabka Soomaaliyeed ka dhiidhiyey. Waxaa labadii gole ee baarlamaanka iyo wasiiradaba awoodii kala wareegay 7 nin, waa sheekadii golaha sare oo tiro iyo tayoba ka liidata oo aan madax bannaanayn, balse dhammaantood ah gacan-ku-samayska Itoobiya. Waxa awoodda inta badan la siiyey Madaxweynaha oo hadalkuu ku hadaaqaba la yiri waa wareegto iyo sharci!. Waxaa xeerkan degdeg ah ogolaanaya xirista, dilka iyo dhaca qofkii gumaystaha ama xukuumaddiisa uu wato wax ka sheega ama ka soo horjeesta. Waa khatar cusub oo shacabka Soomaaliyeed soo waajahday in laga dhiidhinayana u baahan.
Goobjoog: Waad mahadsan tahay Md Tarsan
Md Tarsan: Adinkaa mudan