April 24th, 2008
18-06-2006

Qorraxdii dhacdaba teennu way kala qaxaysaaye(Gabay)



Waxaa Isku soo aruuriyay :C/Qaadir Barnamij Email: barnamij@yahoo.com
Hidaha iyo DHaqanka
Suugaantu waa ubaxa afkasta waana diiwaanka umadaha aan wax qorin waxaa soomaalidana lagu tiriyaa Mujtamacaadka dunida ugu gabyida badan, buuga weyn ee “Taariikhda Ilbaxnimada� ayaa tilmaamaya sida Gabaygu uu ugu weyn yahay Mujtamaca Soomaalida.

Waxaan aqristayaasha Goobjoog.com  u soo gudbin wixii iminka ka danbeeya Gabayo, Heesso, Buraanbur iyo suugaan kale oo ka hadlaya Baraajunta Mujtamaceena, Wadaniyadda, waxaanan sidoo kale hilmaami doonin gabayadda iyo heesaha Jaceylka ah.

Waxaan idiin soo Gudbinaynaa Gabay uu tiriyay Gabayaaga Soomaaliyeed ee caanka C/Laahi Suldaan Timacadde oo gabayaaga ugu caansan xiligii gumeysiga iyo gobonimo u dirirka habeenkii calan soomaaliyeed oo xur ah la taagay heestii ugu mudneyd “Kana Siib Kana Saar�.

EEBE Naxariistii ha ka waraabshee waxaa uu tiriyay gabaygan  1964 isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa isagoo tilmaamaya Ceebaha ay leedahay Qabyaalada.

Waxaana uu yiri :

Dawladahaan laga qayliyee qaaq wax kaga siiyey
Nin waliba marbuu qaadan jirey qaanso iyo leebe
Qarfo iyo marbuu seexan jirey qalanqal hoosteeda
Ha yeeshee quluub wada jirtaa qaniya sheekhowe
Qalalaase meel lagu lumiyo qaylo iyo oohin
Qorraxdii dhacdaba teennu way kala qaxaysaaye
Qod la riday qudhaanjada gashaa qoob dad waa u halise
Hadduu geed qallalo roobku waa qamac kaliileede
Dirxiga qudhunku uma soo uree waabu quudsadaye
Qasdi jeeray wada yeelatoy qawlka ku heshiiso
Qabyo weeye soomaaliyey qiiradaadaniye
Qof qalbi la’ quraan kii uu akhriyey qaaf dheh ku harraadye
Kutaabtaa sidii lagu qarridhay  qiil la’aakhoro e
qayrkii ka  hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye

3.5 / 5 (6 Votes)





FAALLO

SUUGAAN