Heestaan waxaa alifay Abwaanka weyn ee Xasan Jaceyl waxayna Abwaanka iyo fanaankuba maanta ku sugan yihiin Dalkeena Hooyo gaar ahaan Caasimada Muqdisho, laakiin labaduba heestu inay mid waliba si gaar ah u saamaynayso ayuu sheegtaa, in kastoo labadooduba Qiso la oran karo waa mid xanuun badan oo Heestuna ka tarjumeyso ay si gaar ah u qabsatay, haddana heesta ayaaba laga fahmi karaa u jeeddada ay xambaarsan tahay, waxayna heestu u dhigmaysa sida tan:
Jacayl aayatiin leh baan abuuroo waan ogeyde
Intaan udubkiisa muday baan
Ilaashoo waan adkeeyoo
Abeydin sidii u dhowree
Markaan ku lahaa ugaasooy
Ujeeddo fog baan lahaa
Afeefo dantan lahaa
Ammaanadaan dhowr lahaa.
Markuu ubixin is garay
Markuu intifaacsi joogo
Maxaa uurxumada keenay
Maxaa odayaal xil sidey
Dagaal loogu oogayoo
Maxaa loo iimo sheegtoo
Weliba aflagaado keenay
Abaal daraney hadaad
Ujeedda xinkaa aad u guuxdey
Ilowsho dhawey nabsaa
Dhexdeenan ka ooganoo
Ruux un bey cuqubo raacdoo
Anigu kaa aarsan maayee
Ilaah baan talada saartay
Ilduuf baa shax kaa diloo
Irabado geel laguma qalo’e
Ogaal baa marqaati fiican
Eexana waa laga tagnaa
Iimaankaa lagu degaayee
Markuu oomane ku guushay
Aroori shub baan lahaa
Irmaankeedaa godlane
Aagaamo cul baan lahaa
Markaan waajibkeygi oofshey
Markii aan ammaan sugaayay
Maxaa amiin xumada keenay
Maxaa oorida ninkeedii
Abley loogu sahanayaayoo
Weliba asaraar ku duul iyo
Maxaa eed ii xambaarshey